LABO DOOB (Sheeko gaaban) W/Q. Cabdiraxmaan Abaaley

LABO DOOB (Sheeko gaaban)

W/Q. Cabdiraxmaan Abaaley

Waa habeen bar, jawiga magaaladu waa shanqarla’ oo waxa aad moodaa in waa hore laga guuray. Gurey oo ka baqaya in odayga ay dariska yahiin ee masaajidka imaamka ka ah in uu albaanka ku soo garaaco ayaa gaaxdiid ku yiri “waad ogtahay haddii odaygan noo soo galo in waaga kuu baryaayo adiga oo aan laan danbe afka saarin ee naga dami heesta”. Gaaxdiid rikoorkii ayuu laacay isaga oo digfeer kula luuqaynaya:

Allahayow nin jeeb maran

Ka janjeedho xaajada

Caawimaada jacelaa”

Markii uu rikoorkii damiyay ayuu yiri “Gureyow, heestan waxa ay aad kuugu dhadhamaysaa xiliyada mushaar aakhirka ah” marka heestu ay ka waramayso xaalad aad markaa ku jirto, waxa ay la mid tahay hadal uu wadaad mufti ah yiri” ayuu ugu warceliyay isaga oo calaalinaaya caleenta laan uu markaa faraha ku haayay. Ka dibna halkii ayay ku booyaaameen.

Gurey, waxa uu ka midyahay dilaallada xamar ugu caansan, lix sano iyo dheeraad ayuu guryaha kiraynayay. Wax qaraabo ah magaalada kuma lahan, marka laga reebo oday sayncaddaa ah oo ay qalimoow ood-wadaag ku ahaayeen oo uu “adeer” dhaho, dadkuna ay u moodaan adeerkiis run ah.  Macaamiishiisu marka ay is khilaafaan odaygaa ayay uga dacwoodaan balse waxba isuma ahan. Gaaxdiid waa da’da Gurey. Isagu wax shaqo ah ma qabto inanta kaliya ee ay waalidkii dhaleen ayaa biisha. Walaashii waa macalimad bare sare ka ah Jaamacadda Ummadda. Ganacsi aan aad ugu bulaalin ayay magaalada ku leedahay. Gaaxdiid ma tago guriga walaashii. Taa waxa uu u sababeeyaa, marka uu gurigeeda tago in ay dhagaha kaga garaacdo wax uu canaan ku sheego, balse iyada la ah waano iyo wax sheeg. Haddii uu is difaac maagana waxa ay ku af xirtaa “waxa aan ahay walaashaa kaa wayn, waan kaa waayo aragsanahay…” Sidaa darteed buu albaabkeeda u gargaraacin, marka uu shilimaadka yar ee uu biisho ka doonanaayo, rugteeda ganacsiga ayuu galinka danbe ugu tagaa, waayo halkaa waa fagaare oo juuq u oran mayso.Gaaxdiid oo qolkii uu dagnaa laga saaray, ayaa maalin KabarJaad  kula kulmay Gurey oo mijin yar gorgoriynaayo.  “Asalaamu calaylkum ninyahow soo Gurey ma tahid” ayuu ku yiri. Gurey oo aan qaadkii ka soo jeesan ayaa ugu warceliyay: “Salaanta iyo waydiinta maad ii kala reebtid” Gaaxdiid, inta uu yara dhoollacadeeyay ayuu mar kale waydiiyay “Horta gurey ma tahay?”  “Haa” ayuu ugu jawaabay, isaga oo wali mijintii ku dhaygagsan. “Waa la ii kaa soo tilmaamay waxa aan u baahnaa qol kiro ah” ayuu gaaxnuug yiri. Gurey oo aan horey u fiirinin ninkan la hadlaya ayaa markii ugu horaysay kor u eegay ninkan dheer ee dultaagan, ka dibna naagtii qaadka gadaysay ayuu dhabteeda mijintii ku tuuray “hadaad ilaahay taqaano suqaarkaa qofna ha iga siin, lacagta ayaan kuu soo qaadayaaye” ayuu ku yiri.

Gurey xalay ayuu kaligii iskula faqay in uu wehel u baahanyahay “keli waa karaahiyo” ayuu isugu garnaqay waxa uuna ku talamay in uu raadsado nin qolka la daga. Markii ay Gaaxdiid gees iskula baxeen, ayuu u soo bandhigay in ay isla dagaan. Inkastoo Gaaxdiid kelinimada  jeclaa, balse waxa loogu awood sheegtay afmacaanidii lagu yaqaanay dalaallada waana uu aqbalay. Halkaa ayay ka soo bilaabatay saaxibtinamooda gu’gii labaad jirsanaysa, waxa ayna noqdeen rag aad isku fahansan.

Galab iyaga oo guriga ka soo baxay, oo ku wajahan nin ay asxaab ahaayeen, oo xaaladiisa caafimaad laga soo dayriyay, ayaa roob ku yimid. Dhibicii roobka hoorayay ayay kaga gabadeen meherad nin oday ah, oo garka iyo madaxa u cilaamanyahiin ku wardinaayo. Markii cabaar ay aamusnaayeen ayaa ay odaygii ku dhaheen “Adeer ma adiga ayaa jooga meherada?”  Odaygii oo aan jawaabin ayuu Gurey hadalkii qaatay “yacni adiga miyaa gadaya” ayuu ku yiri. Odaygii madaxa ayuu u ruxay, isaga oo sii kacaya. Laba shaah ah na sii ayuu Gurey ka daba tuuray odaygii oo xaga jikada u sii jaqaafsanaya. Roobkii waa uu qayooday, iyaga oo shaahii fiiqsanaya ayay gabar hortooda ka soo muuqatay. Waa inan dheer oo midab cawlan, sanqaroorka dheer iyo dhabanada qorqoran, waxaa u sii dheer kub ay halmar ishoodu qabatay markii ay ka soo talaabsanayaysay meel ay biyo fadhiisteen. Dabayl aad moodo in ay hagoogta ka tuuri rabto ayaa garba saarka ku dhajisay jirkeeda bilan iyo muuqeeda qurxoon ayay indhahii doobabka ku libdheen. Iyaga oo aan wali ka jeesan ayay meheradii soo gashay “Aabbe caawa fiidkii aniga ayaa albaabada u soo laabayo ee guriga u nasiino doono” ayay odaygii ku tiri.  Gurey oo ilqoorka ka eegaya bidhaanta inanta oo bakeeriyo xalaysa, niyadana ka qaadaya hees ka mid ah heesaha Cumar Dhuule, ayaa waxa uu arkay saaxiibkii oo dhankii gabadha eegaya, balse aad moodo gabadha meel ka shishaysa in ay wax uga muuqdaan.Gaaxdiid, qalbigiisa ayaa durba ku harqiyay jacayl aad u wayn, ruuxdiisana waxa ay ku habtay sawirasho khayaal ah, oo markiiba waxa ay dhaxgaysay aroos, galbis iyo gole gaaf loogu tumaayo.

Raggu damaca waa u halis e’, mid koodna ma tanaasulaayo, oo aamusnaan ayaa indhaha la isaga eegtay. Sidii in geeri loo soo sheegay, iyaga oo u kala aamusan islaan waddada maraysay ayaa Gurey u yeertay. Intii uu islaantii ku maqnaa ee uu u tilmaamaayay  dhawr guri oo bannaan ayuu Gaaxdiid gabadhii kursiga ag dhigtay.

-Quruxeey magacaa? Ayuu gabadhii ku yiri.

-Saafi. Ayay si dabacsan ugu warcelisay.

-Nasiib baa i waday oo xaggaaga ii soo hogaamiyay, ayuu ku yiri, isaga oo qosol yar iska baaraya.

-Ayaanku ma dad is raba ayuu isku keenaa, mise dad aan is aqoon ayuu garku isku galiyaa? Ayay ku tiri. Waydiintan ayaa dib isugu celisay dibnahii gaanxuug ee dhoolacadaynta ciridkiisa ku qaawiyay.

-Maya. Dad isku qalma ayuu is baraa si’ ay…….

Gurey oo islaantii ka soo dhaqaaqay, ayaa mar qura indhaha ku dhuftay gabadhii oo qoslaysa iyo Gaaxdiid oo faraha taagtaagaya. “In aad dhax gasho waa ina gumeednimo” ayuu si hoose isugu sheegay. Markii uu dhawr tallaabo dib u qaaday, ayuu baakad sigaar kala soo baxay, ka dibna jeebabka ayuu kolba mid gacanta ku tuuray isaga oo janto ka baaraya. Muxaaqixidii ayuu ku soo noqday “ii dhiib jantadadii aan sigaarka ku shitee” ayuu ku yiri. Saafi markii ay sigaar maqashay ayay xagal dhawr boqol oo digrii ah wareegtay, dhoollacadaynteedii waxaa badalay waji ay quus ka muuqato.

Markii uu gurey dhaqaaqay ayay waydiisay “miyaad qayishaa” Gaaxdiid isaga oo ka walwalsan waxa ka dhalandoona jawaabtiisa ayuu “haa” ku yiri. Intaa ka dib furfurnaantii Saafi waa ay carowday. Waa dabeecad lagu yaqaano dumarka, oo ninkay sheekadiisa rabaan ayay hadalka u macaaneeyaan e’ ihii, haa, iyo hayee ayuu hadalkii Saafi ku soo koobmay.

Gaaxdiid waydiimo uu ku rogrogaayo, waxa inantii mar qura badalay ayaa laabtiisa buux dhaafiyay. Isaga oo ka qoomamaynaayo in saaxiibkii jantada ka soo doontay ayuu naftiisa u sheegay in Saafi ay balwada ka diday.

Gurey oo bac qaada walfinaya ayaa qolka ugu soo galay Gaaxdiid oo gacanta dhafoorka ku haayo, waxa uuna yiri: miyaadan wax qaad ahba doonan? isaga oo isku sii tuuraya sijaayad ay dhawr barkin dul tuban yahiin. Gaaxdiid oo hadalkaba ka soo baxayn ayaa “Maya” ugu warceliyay. Gurey oo xaalku caadi la yahay ayaa saaxibkii ku yiri “baga ayaadan u doodan magalaadu maanta qaad ma lahayn oo baaraxi uunbaa meel walba waran”

Goor danbe oo uu cabaar daldalmayay, ayuu ogaaday ninkan uu la hadlaayo uu meel kale ku maqanyahay. “Balaayadan kaligaa ku dul hoganaysa ee aad la gorosayso xagee ayay kaaga timid?” Ayuu waydiiyay. Gurey isma uu lahayn saaxibkaa gabadha waa uu jeclaan doonaa. Waxa uu moodayay in sidiisa oo kale uu damaciisu rabitaan-gaabsi dhaafsanayn.

Dhawr laan oo uu gurey bacda uga soo saaray oo wali hor yaala ayuu Gaaxdiid waaga u baryay. Aroortaa Gaaxdiid waxa uu go’aan ku gaaray in uu balwada iska joojiyo, si’ uu u hanto quruxleydan xalayto oo dhan hurdo iyo hoyaadba u diiday. Dhawr go’aan oo joojinta qaadka iyo sigaarka kaw ka yahiin ayuu hoosta ka xariiqay, naftiisana waxa uu ku dhaariyay in uu fulin doono.  Maalinkii oo dhan qolka kama uu bixin. Waxa uu noqday qof waxa uu doonaayo iyo halka ay darintu u taalo ay aad u kala fog yihiin. Goor maqribkii ah ayuu isgoyska laba dhagax istaagay. Intii uu Saafi iyo helideeda ka fakarayay dhawr taxi ayaa dhaaftay ilaa ugu danbayn mid ku soo ag baakimay. Isaga oo aan gaarigii korin ayuu darawalkii ku yiri “Buuloxuubey i gee” xilli ugu danbaysay guriga walaashii ma uu xasuusto, oo waayadanba waxa uu firdhad ka ahaa canaanteeda.

Albaabkii guriga walaashii ayuu gargaraacay, cabaar ka dibna waxa ka furtay gabar uusan garanaynin. Waa uu shakiyay “Sagal gurigan maka guurtay?”  Ayuu si dagdag ah u waydiiyay. Gabadhii oo aan u jawaabin ayaa ay ishiisu qabatay Sagal oo kursi qorrax u dhac ka soo jeeda ku fadhida, ka dibna horay ayuu u sii gudbay. Inkasta oo ay farxad darteed laabta la galisay hadana aad bay u dhibsatay sigaarka jirkiisa ka soo kamkamaya. Ma aysan filayn go’aanadaa in uu qaadan doono, walow uu ka qariyay waxa ku kalifay in uu isbaddal nololeed raadiyo. “Abshir, abshir armaan alalaasaa” ayay ku tiri iyada oo waadi farxada ah u qaaday.

 

La soco Q.xigta

 

 

 

SHEEKOOYIN