Laf dhabarka miyaan ka jabnay! W/Q: Kamaal Macallin Daahir

AIbEiAIAAABECM7toYjqosrWqwEiC3ZjYXJkX3Bob3RvKig5ZDk4ZTgwYWZkYmRhNTkwMjhkMTliYzIxNzJhYjZjYjc0OTAwMGExMAHem1ZEdPAFNNg8AlKUp80PThIFdA-2

Laf dhabarka miyaan ka jabnay!

 

Kub miyaan ka jabnay biixiyaan kabayo loo haynin” gabay.
Shay walba oo dhulka ugu dhaca si ka baxsan awooddiisa adkaysimeed waxaa soo gaarta waxyeello, hase ahaate, sida aan u jabnay waa si aan xilli dhaw kabaya loo heli doonin. Waxaaba macquul ah in ay rumowdo riyada dariskeennu inaga oo aan wali riyoon. Akhrsite waxaan filayaan in aad sidayda oo kale qoraallo u soo sharraxdo ka dibna aad tiraahdo “Soomaaliya cidi u ma maqna

HAA, sax waa sida aan ku sheekaysano. Waxaa tillaabo tilaabo loogu xadgudbayaa wax walba oo soomaali lahayd taasoo aynu markhaati ka nahay,

Marnaba ku ma aynaan fikirin In aan dalkeenna dartiis u dhiman karno, laakiin haddii dariiq tuug inoo istaago waxaa macquul ah in Mobile-keena gacanta dartiis aan u naf wayno. Waan ku la socdaa oo waxaad leedahay “qadarta ayaa sidaa tiri

HAA sax wax walibaa qadarta ALLE ayay ku dhacayaan, laakiin qadarta Alle ma ahan tan kuu diidaysa inaad difaacato xaqa adigu aad leedahay. Waxaa hubaal ah in dhalintu tahay kuwo awoodda leh hadii ay mideeyaan codkooda iyo cududdooda. Ha igu hallayn aniga kaligay inaan difaaco dalka. Dalkaaga waxaad ku difaaci kartaa wax walba oo aad owooddid ama aad aqoon u leedahay

Micno wayn male qoraalkaygu haddii aan ficil lagu lammaanin, cadowgu waxay samaynayaa ficillo la taaban karo, halka inaguna aan ka sheekaynno wixii ay sameeyeen waliba aan suuqa gayno. Tani ma ahan mid u cuntamaysa naftayda iyo wakhtiga aan noolahay, mana ahan mid uu iga sugayo wiilkaygu inuu ku dhasho waddan gumaysi ku hoos jira,

 

Sug Sug U Kaadi

 

Horta akhriste ma i la ogtahay in dalku gumaysi ku jiro? Is ku fikirse ma ka haysannaaa cidda is ku dayaysa inan ayaga ka mid noqonno ayaguna ay ahaadaan ku muuqda ee laga midka yahay?.

Haddii aad maqaalka u akhriday si qotodheer adigoo fahmaya, ma i waydiisay riyada dariskeennu maxay tahay?Maya i ma waydiin.

Indhoole dharbaaxo dabadeed buu gabadaaye, ma waxaan calaacali doonnaa xilli awood maskaxeed iyo mid muruqba la ina muquuniyay. Haddii aan us oo laabto jawaabta su’aasha RIYADA DARISKEENNA; Dariskeennu waa kuwa ku riyoonaya in dalkeenno noqdo mid ayaga ka mid ah, halkaasna ay ku burburto taariikhda ummada Soomaali la yiraahdo. Dariskeennu waa kuwa maalin walba xad gudubyada joogtada ah ka wada dalka haba ugu darnaadeen kuwo siyaasadeeda.

Ugu danbayn waxaan ku soo gabgaynayaa, dalku wuxuu ku jiraa gumaysi in badan oo inaga midana ay u aragto waxtar!

Nin dharbaaxo quureed dugsaday dhaqayadeed maal!” gabay.

U ma baahnid tusaalayaal si aad u ogaatid in dalku gumaysi ku jiro, kaliya waxaad u diyaar noqotaa, in dalkaaga iyo dadkaaga dartood aad dhiigga iyo nafta u hurtid.
W/Q: Kamaal Macallin Daahir

Facebook : Kamaal Dahir

SHEEKOOYIN