Legdanka Lammaanayaasha! W/Q Abdi-aziz M. Shidane

sasassa

Legdanka Lammaanayaasha!

 

Nolasha lammaanuhu, waa nolal ku dhisan wax wada qabsi iyo is faham, iskaashi iyo is garabsiin, iyo in wax la wada dhisto. Ma aha milkiyad iyo cabiidsi, sida ay ku fakaraan rag badan oo maanta ku nool dunida dacalladeeda, gaar ahaan, kuwooda ka soo jeeda bulshooyinka dib jirka ah, siiba anaga, ee nolasha si qallafsan u fahamy.
Waxaa dhaqan iyo diin ahaan qoran soona arooray in ninku xaaskiisa qoryaha dabka lagu shito u soo guri jiray, dharkana u dhaqi jiray, biyahana u soo aroori jiray, maanta waxaa jirta nolal ka sahlan tii waagaas jirtay, balse, ka fool xun kana wal wal badan tii hore. Maanta wiilka Afrikaanka ah ama Muslimka ah, waxaa la barayaa qaabkii uu ula dhaqmi lahaay lammaantiisa, una caawin lahaay xaskiisa, kaaga darane, qaar ayaa waxaa la barayaa qaabkii uu ugu galmoon lahaay afadiisa, iyo sida uu naxariis u tusi lahaay markii ay xanuunsan tahay, ama ay uur leedahay, waxaad la sii fajacaysaa wiilka sidaas u dhaqmaya waxuu ku faanayaa dhaqan, diin iyo dhul ilbaxnimo wayn leh, nolashiisana ma maaraynkaro. Furriin iyo qoysas burburaya ayaan maalin kasta maqalnaa, badanaa, waxaa ugu wacan ninka Soomaaliga ah ee is ka dhaadhacsiiya in uu yahay ninka iska leh guriga iyo gabadha uu la noolyahay (MILKIYAD).
Waana meesha sartu ka qurunsantahay, wax kastana wuu is lahaysiinayaa, waxuuna meesha ka saarayaa wax wadaagid, haddii ay ahaan laheed adeeggii, cunta karintii, heyntii ilmaha, misaaniyadda qoyska, iyo dhigaalka mustaqbalka. Waxaa taas ka sii fool xun waxaa jira qaar in ay kushiinka galaan ee uu adeeg ka qabto u arka ceeb iyo waji gabax, cunigiisa oo baahan ayaa laga yaabaa in uu la sugo gabadhii oo adeeg ku maqan, xanuunsan ama shaqo jirta.
Intaa waxaa sii wehliya, waxuu dhegta ku hayaa had iyo jeero muxaadaro diimeed iyo wax kasta oo dhiirragalinaya in uu gurigiisa farxad galiyo, waxaa kaloo jira, oon meesha ka maqnayn in gabdhaha qaar u oggalayn in uu ninku guriga wax ka qabto, oo karaahsada arintaas, wax kastana iyadu in ay qaban karto aaminsan, hasa yeeshee, gadaal ka cabaadaysa.
Qoyskaasi waxuu noqdaa mid aan jid iyo jiho laheyn, waxuuna galaa xaalad qasan. Ninka haddii aad rabto ilbaxnimadiisa iyo ragannimadiisa waxaad fiirisaa sida uu ula dhaqmo xaaskiisa, ilmihiisa iyo xayawanka ku nool xaafadda (Dameer, Daanyeer, Dooro, Bisad IWM).
Mar haddii ay kugu jirto, in aad tahay boqorka guriga, oo aysan wax cod iyo talo ah ku lahayn xaskaagu qoyska, adigoo ku marmarsiyoonaya xeer diimeed si qallafsan loo dhigay, markii ay xanuunsantahayna aad ku qasabto gogasha, adigoo isi siiniyaa awoodda ninnimo, ee dhaqanka iyo diintaadu ku siisay, kuna ciil baxdo, noqon maysid nin xaaskiisu jeceshahay, ee waxaad taahy nin laga cabsado, oo bahal ah, ilmaha iyo xaskuna hoos ayey fiirinayaan, eegmadaada naxariista daran awgeed, waxaana kuu dambayhayso nolal cariiriya, oo jiiro dheer gasha, adiga iyo waxa ka guuxaya madaxaaga.
Marka farxaddu waa wax isdhaafsi iyo wax wada tabcasho, ma ahan awaamir, qaylo, cadaadis iyo in wax kasta fadhiga laguugu keeno, weelka aad wax ku cuntana lagaa hoos qaado, adiguna indhaha aad wax ka fiiriso, adigoo aaminsan in aad tahay Libaax Libaax dhalay, dumarkana meel iska saara.
Maanta waxaa wax u dhismi la’ yihiin waxaa ka mid ah kalitalisnimada ka taagan qoyska dhexdiisa, iyo loollanka waalan ee ka dhaxeeya labada qof ee lammaanaha ku dhextaagan, ilmihiina waxay daawanayaan reerkaas cabsida ku dhisan, waxayna qaadayaan tubtaas, oo uu ka sii dhalaan doono jiil aan nolasha fahmsanayn, fahmina doonin, diyaarna u ahayn in uu fahmo, waana midda na haysata maanta, oo aan u noqonnay bulsho ku dhisan dhiig iyo dheecaan islaameed, iyo ilmo dawladi la wareegayso, xaas aan wax baranayn, shaqo iyo wax so saarna ku fakarayn, aabbe amar iyo u taagan qaylo, oo aan ta qofka kale dhagaysanayn xaas iyo ilmaba.

 

W/Q Abdi-aziz M. Shidane

shidane05@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN