Lur Jacayl iyo Lahasho Haween: Q2AAD – W/Q: Liibaan Cartan

Lur Jacayl iyo Lahasho Haween: Q2AAD

Markii ay jacaylkii uu u bandhigey ay ka oggolaatay soona dhowaysay muddo toddobaad ah ayay is moogaayeen barkulankoodiina ka maqnayd. Malaha arrinta cusub oo la soo deristay ayaa u keentay ayuu isku maaweelinayay Hanadna toddobaadkaa. Soo noqodkeedii kaddib, waxaa lagu ballamay in si wadajir ah laysula shaqeeyo oo laga mirodhaliyo jacaylka. Waxay labadooduba isla qaateen xiriir ku qotoma dareen qoto dheer, kalsooniduna u tahay jirrida uu ku dhisan yahay, kaasi oo hufnaan iyo kalfurnaan looga dhigo udubka, ammin laysa siiyaana u yahay biyaha lagu rusheeyo; niyad wanaagguna uu yahay astaantiisa.

Hanad waa wiil naxariis badan, wuxuu had iyo goor illaaliyaa dareennada Habboon, si dabacsan ayuu ula hadlaa, uguna deexdaa inta awoodiisa ah. Wuxuu isku illaaliyaa sidii ay Habboon isugu wadi lahayd dareenka jacaylka iyo nolosha waxbarashada.

Taasina wuu ku guuleystay oo waxbarashadeeda hammuun ayay u heysaa la mida tan jacaylka Hanad ay u heyso. Garashada iyo aqoontana heersare ayay ku tahay oo ka soo dhex muuqataa goobteeda waxbarasho. Waxayna ahayd gabar laga dambeeyo xagga garashada.

Wuxuu wakhtigu socdaba, labadoodaba waxa u hilaadiyeen aayihii guurka iyo nolosha dambe oo ay socdaal dheer ugu jiraan. Waa ay u soo adkaysteen jacaylkooda. In badan oo ismaandhaaf soo kala dhex galayna waxay u maareeyeen si wadajir ah. Waayaha oo ku adkaa isagana waa ay u dulqaateen, iyaga oo aan isla joogin oo kala fog ayaa ay haddana, wadnayaashu wheel isu ahaayeen.

Jacaylkoodu hanti kuma dhisnayn, mid hufan oo hagar la’ ayuu ahaa iyo dareen dhab hoggaaminayo. Xitaa mustaqbalka ay qorshaysteen waa mid iska fudud oo aan culays iyo bilkeyd weyn duudka loo surin. Waxa rumeysan yihiin in jacaylku waare yahay, ayna isaga ku wada noolaan doonaan. Nolol qurux badan baa u sawirran. Durba Habboon boggeeddii baraha bulshada ee Faysbuugga magaceedii waxa ay u beddeshay Marwada Hanad. Waxaa saaran ilme yar oo qurux badan. Waxay ku yididiilooneysaa guri dhisma oo guuleysta. Nayaayir iyo naalo jacayl ayaa bogeeda iyo beerkeeda buuxiyay.

Hanad isaguna dhankiisa waa qof markasta ka wareysta xaalka hooyadeed iyo walaalkeed. Aad buu u xiiseeyaa waxyaabaha ay Habboon jeceshahay, sida: Heesaha iyo wax kasta oo kale oo dareen geliyaba. Wuxuu ku yiraahdaa: “Haddii aan wehel kuu noqdo oo aan ku wanaajiyo dumarka kalena ka weecdo sow weligaa ilama joogaysid?”. Iyaduna, “Haa”, ayay ugu jawaabtaa.

Labadooduba, Soomaali wada ahaanshaha ka sokoow, isku gobol ayay kasoo wada jeedaan. Waxay u wada dhasheen Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, welibana laba degmo oo aan kala fogayn.

Hanad waxa uu kasoo jeedaa degmada Ceelbuur, Habboonna degmada Ceeldheer. Waa laba mar walba wada hadla oo xitaa marmarka qaarkood ku dhowaada laba iyo toban saacadood (12) oo toos ah in ay iskula hadlaan khadka. Isagu inta badan waxa uu ugu yeeraa naanayso qurux badan oo ay iyadu leedahay, kana salaysan dhal  jacayl  iyo dhaymo kalgacal, Hanad hooyadii isaga oo yar ayay geeriyootay (Eebbe ha u naxariistee). Waa mid Habboon markasta ku yiraahda “Habboon adiga ayaa hooyo, jaal ama widaay iyo gacaliso intaba ii ah, iina ahaan doona”.

Habeenkii sannadka cusub ee 2015kii uu soo galayay ammin wanaagsan  ayay isla qaateen iyaga oo miley dheer wada hadlayay, waxayna eebbe ka baryeen wada jirkooda oo sii jira inta ay nool yihiinba. Habboonna waxa ay eebba tuuga kusoo xirtay “Aammiin” Eeebboow noo yeel.

Maalin maalmaha ka mid ah oo waxa jirtay Hanad uusan marnaba hilmaami doonin. Waa galab casar ah. Dhulku uu wada doog iyo caleen yahay. Sagal ayaa cadceedda fallaaro qurux badan ku sagootinaya. Fallaaro u qurux badan sida dhoollacaddaynta Habboon. Waxaa socda roob soo hormara oo jiilaalka dabayaaqadiisa da’a.

Habboon waa socdaal, doon ayay magaalo u dhow u sii saaran tahay. Markii ay doonta fuushay ayay Hanad sawirro dhawr ah u soo dirtay iyada oo hadallo jacayl xad-dhaaf ah xambaarsanna kula hadlaysa. Doonida ay Habboon galabkaasi saaran tahay iyo dunida meesha ay ka joogto ishii aragtaa marnaba kama jeesanayso.

Wuxuu Hanad durbadiiba yiri:

  • Fuliyaha wadnaha iyo
  • Feertayda bidixeey
  • Faxalkii jacaylkaay
  • Caashaqa firkiisaay,

 

  • Fayskii Suleekhiyo
  • Faracii Qurayshee
  • Fanka loogu heesaay,

  • Fahmaddii naftaydaay
  • Farxad aan wadaagnee
  • Fiyoorihii jacaylkiyo
  • Iga hoo faraantiga.

Meeshu, waa meel aad u qurux badan oo leh humaagga uu Hanad jecel yahay in heesaha laga sameeyo. muuqyada ama ekaynta gabadha lagu halqabsado bilicda deegaan ama noole qurxoon, sida cirka, roobka, daruuraha, ubaxa, dhirta, dooga iyo gammaanka waa dhaqanka Soomaalida, Habboonna waxa ay leedahay oo uu weyne ku mannaystay qurux la isku ammaano ta ugu hodansan, joog iyo jaah waa jalanqo eebbe abuurkeeda isu dheelitirey. Hubqaadkeeda, hannaankeeda iyo heensaheeda ayaa qofkii milicsadaa jeclaysanayaa inuu isha la sii raaco, waa hubaal caddaan iyo madow kii ay dhaaftaaba inuu ilqoodha ku xado oo sii jeedaaliyo.

Qofka meel jooga leh adduunka wax ka qaalisan ma jiro. Habboon maalintaa way ka milge iyo maamuus badnayd wax walba oo loo barbardhigo dhanka dareenka Hanad galabtaasna waa galab uusan marnaba Hanad illaawi doonin.

Xiriir dheer kaddib waxaa ku bilowday ismaandhaaf dagaal iyo buuq joogto ah keenay, hase ahaatee waa ay xallin jireen oo waa ay ka gudbi jireen markasta. Hanad iyo Habboon waxay go’aan ku gaareen in ay xiriirkooda adkeeyaan si ay ugu gudbaan guur iyo nolosha inay wadaagaan. Waxayna ballan iyo axdi ku galeen in noloshooda inta ka dhiman haddii la wada nool yahay ay ul iyo diir isu ahaadaan iskuna yimaaddaan, marka ay wax barashadeedu u dhammaato.

Muddo dhawr bilood ah ayay sii wada socdeen waxaa markaas sii batay khilaafkii iyo iska hor imaadkii markasta kala geyn jiray. Qaladkuna waa mid inta badan dhanka Hanad ka yimaadda, dulqaad badan kaddib iyo murugo Habboon kusoo noqnoqota, waxay go’aansatay in ay kala haraan oo ay Hanad xiriirka u jarto. Si kastaba ha ahaatee Hanad waa mid goor walba Habboon asxaabteeda la hadla isla markaana ogaaday in ay xumaanta joogtada ah ee Habboon ka tirsanayso awgeed ay uga harayso, iskana sugayso nasiibkeeda iyo wixii Alle calaf uga dhigo.

La soco qaybaha kale

W/Q: Liibaan Cartan

SHEEKOOYIN