MA AHI SUNNI, MANA AHI SHIICI, HADDANA WAXAAN AHAY MUSLIM!!

MA AHI SUNNI, MANA AHI SHIICI, HADDANA WAXAAN AHAY MUSLIM!!

Yaraantaydii waxaan kusoo koray guri laga jeclaa diinta macaan ee Islaamka, balse aysan joogin wadaado. Waxaan aaminsanaa in aadanaha dhammaantii uu yahay hal qabiil ayna mudan tahay ineey is xiriiriyaan oo dantooda gartaan. Waxaan kaloo aaminsanaa in muslimiintu ay yihiin hal ummad ama hal jiir oo ay mudan tahay ineey isku naxaan oo xanuunka qaybsadaan. Sidaa darteed baan ugu jeclaa duco lagu ducaysto midda oranaysa “Alloow u dhaaf mu`miniinta iyo mu`minaadka, muslimiinta iyo muslimaadka, kooda dhintay iyo kooda noolba, naxariistaada darteed Alloow ugu dhaaf, waxaad tahay mid naxariis badan”. Ducadaas markaan ku ducaysan jiray waxaan dareemi jiray jaceyl, ixtiraam, walaaltinimo iyo midnimo aan u hayo dhammaan muslimiinta mid dhintay iyo mid noolba, sida aan u jeclahay una ixtiraamo naftayda oo kale. Si la mid ah ducadaas baan u jeclaa ducada kale ee oranaysa “Alloow caafimaad-sii keena xanuunsan iyo muslimiinta kuwooda xanuunsan, Alloow u naxariiso keenna dhintay iyo muslimiinta kuwooda dhintay, Alloow dhibta na haysata naga fayd iyo muslimiinta dhibta haysata………………….”. Waxeey ahayd duco kale oo qalbigayga gilgishay, mararka qaarna illin aanan ku talagalin indhahayga ka hoorisay. Waxaan dareensanaa in sida aan caafimaadka u jeclahay ula jeclaado muslimiinta dhammaantood, in aan ka welwelo dhibaatada haysata muslimiinta sida aan uga welwelayo midda aniga i haysata. Saas darteed baana carruurnimadaydii xadiithkii ugu saamaynta badnaa oo aan maqlo ahaa “Midka aan danayn ama aan ka welwelin arrimaha muslimiinta, kaasi kama mid ahan”. Xadiith suubban oo dhaqaajinaya damiirka saliimka ah.

Waa aniga koray, naftaydana kula sheekaystay ineey lagama maarmaan tahay inaan barto diinta. Waa aniga tagay masjid u dhawaa xaafaddayda si aan daruusta masjidka ka baxda ugu taxnaado. Waxyaabaha la yaabka leh ee aan la kulmay la iigana dhigay barashada diinta waxaa ka mid ah in la i baray abtirsiinyo-diimeed!!! Markii aan la yaabay oo la arkay inaan dhagaha taagayo, waxaa la igu qanciyey “Aakhiro kama shaqeeyo abtiirsiinyaha qabiilka ee aan hadda isticmaalno, ee waxaa ka shaqeeya abtirsiinyo-diimeed, taasoo lagama maarmaan ay tahay in muslimku yeesho abtirsiinyo-diimeed”. Hadalkaas waan ku qancay waana qaatay. Waxaana ii bilowday maalintaas abtirsiinyo-diimeed ay tahay inaan xifdiyo isla markaana xanaaneeyo xerta aan wadaagno abtirsiinyo-diimeedka ah; inaan ahay Muslim-Sunni-Ashcari-Suufi-Qaaddiri haysta mad-habka Shaaficiyada.

Waxaa ii bilaabatay nolol cusub oo ay hagayaan mawjado sida hillaacii u iftiin badan una dheereeya. Waxaa la i dhex-geeyey badweyn aanan carruurnimadaydii aan suuraysan. Waa badweynta lagu harqado ee doodaha aan laga harsan lagana hoy tagin ee ay hoggamiyaan koox-diimeedyadu. Waa aniga dhinacna ka barafoobay, dhinaca kalana la iga babinayo oo dab la iiga hurinayo. Haddii carruurnimadaydii uu qalbigaygu ku sigtay inuu la dildillaaco jaceyl aan u qabo muslimiinta, haddaba taas la isla soo dhaaf. Waa aniga jaceyl aan fiiro iyo fikir midna lahayn u qaaday asxaabtii aan wadaagnay abtirsiinyo-diimeedka, halka naceyb aan is iri malaha waa fal aan u qaaday muslimiinta aanan wadaagin abtirsiinyo-diimeedka. Haddii carruurnimaydii aan aaminsanaa in muslimiintu mid yihiin jannadana wada galayaan idin Alle, haddaba meeshii aan taagnaa waa aniga kasoo dabcay. Waa aniga rumaysan in aniga iyo muslimiinta aan wadaagno abtirsiinyo-diimeedka aynnu hayno dariiqii jannada, halka kuwa naga duwan ay yara qalloocaan oo ay tahay ineey soo qaadaan dariiqa aan qaadnay, si ay jannada noogula qadeeyaan. Haddii carruurnimadaydii aan duco ugu jeclaa oo qalbigaygu la ilmeyn jiray ducooyinka si guud uga hadlaya muslimiinta, haddaba taas kasoo gudbey. Ducooyinka ugu badan oo aan ku ducaysto markaan waxaa u badan “Alloow aniga iyo xerta oo uu na hoggaaminayo Shiikhu(Shiikha dariiqada) nala soo saar oo nagu ag soor dadkii saalixiinta iyo saadiqiinta ahaa”. Haddii yaraantaydii aan muslinimada u haystay afkayga iyo addinkayga oo laga nabad galo, hadda waa aniga afka ku taagaya dad iga waaweyn oo iga aqoon badan, qaarkoodna dhintay maadaama aanan wadaagin abtirsiinyo-diimeed.

DIB UGU NOQOSHADAYDII DABEECADDII CARRUURNIMADA

Dhawr sannadood oo aan dhex debaalanayey badweyntaas weyn ee hadba dhinac hir kaaga imaanayo, waa aniga dib ugu noqday dabeecaddii carruurnimadayda ee udub-dhexaadku u ahaa jaceyl iyo midnimo. Waxaa dhacday in maalin shir weyn ay noo qabteen culimadii dariiqadeena anaga oo u badan dhalinyaro diinta ka barata culimadaas. Shirku wuxuu daarnaa in meesha laga kaco oo lala tartamo koox-diimeedyada kale. Waxaa go`aan lagu gaarey in la furo madaaris iyo masaajiddo badan. In si joogta ah loo qabto muxaadarooyin dadka lagu jeclaysiinayo dariiqada. In dadweynaha laga dhaadhiciyo in kooxda saxda ah ay tahay annaga. Markii uu shirku soo dhamaaday baan mid ka mid ah culumadii shirka qabatay weydiiyey “Shiikhoow annaga ujeedkeenu ma inaan helnaa muslimiin dhab ah oo dhaqanka Islaamka ah mise wax kalaa jira?”. Wuxuu iigu jawaabay “Ujeedkeennu waa inaan helnaa muslimiin dhab ah oo Sunni-Ashcari-Qaadiriyiin ah”. Waxaan ugu celiyey “Sheekhoow ma lagama maarmaan baana ineey abtirsiinyahaas lahaadaan”. Wuxuu hadalkiisa kusoo koobay “Haa waa lagama maarmaan, waana calaamadda Aakhiro looga garanayo muslimiinta kale”.

Aniga oo wali qancin hoosna fiirinaya baan Sheekhii weydiiyey “Bal ka waran haddeey Shiico yihiin balse ay leeyihiin dhaqankii Islaamka?”. Shiikhii wuu iska dhaqaaqay asaga oo aan ii jawaabin, waxaana dareemay inuu dhibsaday su`aashayda. Maalintaas cabbaar dhan baan fakarayey oo waxaa maskaxdayda kusoo noqnoqonayey su`aalihii iyo jawaabihii aan is weydaarsanay Shiikha. Waxaan is weydiiyey ujeedka diinta Islaamku ma ineey dadku noqdaan baana muslimiin mise waa ineey noqdaan Sunniyiin? Muxuu sheekhu uga jeeday inaan dadka ugu yeerno ineey noqdaan Muslim-sunni-Ashcari, anaga oo awoodna inaan ugu yeerno ineey noqdaan Muslimiin dhab ah? Nabi Muxammad naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee iyo asxaabtiisu ma muslimiin bay ahaayeen mise sunniyiin? Ma khasab-baana in muslimku lahaado abtirsiinyo-diimeed? Maxaase ka jira in koox ka mid ah muslimiinta ay galayso jannada halka inta kale ay u dareerayaan naarta? Aniga oo aan Sunni ama Shiici ahayn muslim ma noqon karo miyaana? Muslinnimadu kaligeed meel ma istaagi karto miyaana mise waa in abtirsiinyo lagu lamaanshaa baana? Su`aalo ciiddaas ka badan baa maskaxdaydu la ciirciirtey oo u weyday jawaaabo aan ka aheyn u noqo carruurnimadaadii iyo noloshii cajiibka ahayd ee jaceylka musliimta adiga oo abtirsiinyahaagu yahay inaad tahay Muslim waxna kuu raacin.

Waxeey ahayd maalin weyn oo aan isweydiiyey su`aalo waaweyn oo naftayda kusoo celiyey jaceylkii iyo farxaddii aan lahaa yaraantaydii. Waxaan maalintaas meel ku tiiriyey looxii la iigu xariiqay abtirsiinyo-diimeedkii la I xifdisiiyey. Waxaa kaloo meel aanan aqoon ku xooray doodihii ku saabsanaa kooxda saxan Sunniga iyo Shiicada, ama koox-diimeedyada yar-yar ee ka jira gayigeena sida Qaddiriya, Al-ictisaam, Al-islaax iyo kuwa la midka ah. Waxaan ku faraxsanahay inaanan ahayn Sunni amaba Shiici ee aan ahay muslim rumeeyey Macbuudkiisa iyo Mawlaa Rasuulkii sharafta badnaa, lagana nabad galayo afkiisa iyo addinkiisa. Muslim jecel midnimada muslimiinta, dhammaantoodna u haya jaceyl, ixtiraam, walaaltinimo iyo damqasho aan u danqanayo dhammaan muslimiinta.

KHALADAAD AY TAHAY IN LA SAXO

Insaanka waxaa u sahlan ineey khaldamaan, balse ceebtu ma ahan inaad khaldanto ee ceebtu waa inaad ku adkaysato khaladkaaga adiga oo og inaad khaldan tahay. Waxaa jira khaladaad badan oo la xiriira cidda muslimku ka mid yahay, cidda saxan, in khasab ay tahay inuu koox ka mid ahaado iyo in kale.

KHALAD LAGA FAHMAY KOOXDA BADBAADADA

Waxaa jira Xadiith sugan oo Suubbanahu oranayo “Yahuudi waxeey u kala jabtay 71 kooxood, Nasaarana waxeey u kala baxday 72 kooxood, ummaddayduna waxeey u kala bixin 73 kooxood, dhammaantood naartay galayaan marka laga reebo hal koox. Waxeey ku dhaheen; kooxdaasi waa tuma Ergaygii Alloow? Wuxuu yiri: waa kuwa ku sugan waxa aan ku suganahay aniga iyo asxaabtaydu”. Waxaa soo saarey Abii-daa`uud, Tarmidi, Ibnu maajah iyo Xaakim.
Sida Xadiithka ku cad waxaa jirta koox badbaadaysa oo ummadda Suubanaha ka mid ah. Haddaba waa tee kooxdaasi? Waa halkaan meesha khaladka laga fahmay una baahan in la saxo, waana isla meesha koox-diimeedyadu ka keeneen ineey yihiin kooxda badbaadaysa, halka wixii kasoo hara ay yihiin kuwa hoogay.

Nabigu NNKH wuxuu hadalkiisa ku bilaabay Yuhuudda iyo inta ay u kala baxeen, wuxuu ku xijiyey Nasaarada iyo inta ay u kala jabeen. Markaa ka dib buu yiri “Ummaddayduna waxeey u kala bixin 73 kooxood”. Bal u fiirso qaabka uu u dhigan yahay xadiithku; Yahuud baa laga bilaabay iyo inta ay u kala baxeen. Sida aan ognahayna Yuhuuddu waa ummaddii haysatay diintii Nabi Muuse, waxaana la tilmaamay ineey u kala baxeen 71 kooxood. Nasaaradana waa ummaddii haysatay diintii Nabi Ciise, waxeey u kala baxeen dadkii haystay 72 kooxood. Sidaas darteed sida tartiibku yahay waxeey ahayd in lagu xijiyo in Muslimiintuna- oo ah ummaddii Nabi Muxammed NNKH- ay u kala bixi doonto 73 kooxood. Taas badelkeeda Nabigu ma adeegsan Muslimiin ee wuxuu adeegsaday ereyga “UMMADDAYDUNA”, waa halkaas meesha u baahan in tooshka lagu ifiyo.
Waxaa la isku waafaqsan yahay in ereyga UMMADDAYDUNA uu Nebigu ula jeeday Ummadda Nabi Muxammed NNKH. Haddaba waa tee Ummadda Nabi Muxammed NNKH? Ereygaas labo micnaba waa kusoo arooray. Waa marka koowaade, waxaa loo adeegsadaa si guud oo macnaheedu noqonayo “Ummadda loogu yeeray dacwada Islaamka”.

Waxaa soo galaya qof kasta oo Nabigu diinta ugu yeeray ilaa maalintii lasoo diray ilaa laga gaarayo Qiyaamaha. Khasabna ma ahan in qofkaasi rumeeyey Nabiga NNKH.
Macnaha labaad ee loo adeegsado ereyga “Ummadda Nabi Muxammed NNKH” waa macno gaara oo loola jeedo dadka rumeeyey dacwada Nabiga NNKH ama si kale aan u dhigno waa muslimiinta. Haddaba ereyga UMMADDAYDUNA ee kusoo arooray xadiithka kee loola jeedaa labada macne? Sida aan ka fahmayno macnaha xadiithka ereygaas waxaa loola jeeda micnaha guud ee oranaya ummaddaasi waa dhammaan dadkii uu ugu yeeray Nabigu NNKH dacwada Islaamka, haddeey rabaanba yeysan rumeyn. Sida aan ognahayna dadka ku nool dunida waxeey ku abtirsadaan diimo kala duwan iyo madaahib tira badan, Islaamkuna diimahaas buu ka mid yahay. Marka waxeynu leenahay kooxda badbaadadu waa muslimiinta haba ku kala abtirsadaan kooxo is diidan iyo madaahib tira badan.

In macnahaas laga wado kooxda badbaadana waxaa ku caddeeynaya siiqada ama qaabka uu xadiithku u dhigan yahay. U dhugmo yeelo xadiithka; waxaa lagu bilaabay Yuhuudda, waxaa lagu xijiyey Nasaarada, waxeey aheyd in lagu xijiyo Muslimiinta, laakiin taas beddelkeeda wuxuu adeegsaday Nabigu NNKH ereyga UMMADDEYDUNA oo ah ummadda Nabiga Muxammed oo dhan gaal iyo muslimba. Marka waxa u kala jabaya 73 firqadood waa ummadda Nabiga oo dhan ee ma ahan muslimiinta.
Waxaa kaloo ku xoojinaynaa micnahaas nusuus kale oo si cad u tilmaamaysa in kooxda badbaadadu ay tahay muslimiinta ee aysan ahayn koox ka mid ah muslimiinta.
U fiirso aayaddan: Alle SW wuxuu yiri: “Waxeey yiraahdeen; Jannada ma galayo illaa ruux Yahuudiya ama Nasraani ah mooyaane, taasi waa sida ay jecel yihiin. Waxaad ku tiraahdaa(Nabi Alloow) la imaada caddayntiina haddaad run sheegaysaan. Iskaba daa –ineey jannada galayaan Yuhuudda ama Nasaarada oo kaliya- ee waxaa galaya ruux u hoggaamiyey wajigiisa Alle isla markaana sama falay, waxaa u sugan ajarkiisa Alle agtii, cabsi iyo murugana dushiisa ma ahaanin.”

Macnaha aayadda oo kooban waxaa weeye; in Yahuudi ay sheegan jirtay ineey kaligood jannada galayaan si la mid ahna Nasaaradu saa sheegteen, balse waxaa loogu jawaabay in jannada uu galayo ruux kasta oo u hoggaansama Alle- yacnii cibaadada u gooni yeela- isla markaana samafale ah –yacnii Nabi Muxammed NNKH kaga dayda cibaadada- . Waa dhaqan soo jireen ah in koox gooniya ay sheegato ineey ayada kaliya ay tahay midda badbaadaysa, marka waxba hala yaabin kooxaha muslimiinta ee tirada badan haddana is diidan!!!
Waxaa kaloo fahamkaas xoojinaya xadiithka uu Suubanahu lahaa “Ruuxii weedhiisa u danbeysa ay noqoto(markuu dhimanayo) Macbuud xaq lagu caabadu ma jiro Alle mooyee, ruuxaasi jannada buu galay”. Haddii marka uu ruuxa muslimka ahi dhimanayo ay noqoto weedhiisa u danbeysa kalmadda tawxiidka, ruuxaasi wuxuu ka mid yahay kooxda badbaadada; haba ahaado Raafidi ama Ashcari, Salafi amaba Saydi. Muhiimaddu ma ahan kooxda aad ka mid tahay ee waa Muslinimada.


MA KHASAB BAANA IN MUSLIMKU KOOX KA MID AHAADO?

Waa su`aal isweydiin mudan, waana khalad kale oo ay tahay in la saxo. Waxaan isla fahamnay in kooxda badbaadada ay tahay muslimiinta ee aysan ahayn koox ka mid ah muslimiinta. Sida macruufka ahna muslimiinta waxeey u kala baxaan Sunni iyo Shiico. Labadaas kooxood baana usii kala baxa in kaloo badan. Koox kastana waxeey rumeysantahay ineey tahay kooxda badbaadada, balse dib ugu noqonmaynoo kooxda badbaadadu waa muslimiinta oo idil. Balse ma khasab baana in ruuxa muslimka ah uu ka mid ahaado kooxahaas? Haa marka la eego weedhaha wadaadada iyo koox-diimeedyada.
Waxeey yiraahdeen waa khasab in muslimku uu ka mid ahaado koox-immaa Sunni immaa Shiici, haddii kale wuxuu la mid noqoni laan-geed oo kaligeed meel istaagtay. Laan-geedna kaligeed meel ma istaagto, haddeey istaagtana waa tii qalasha. Sida laantu uga maarmin geedkii ay ka baxday buusan muslimku uga maarmin koox. Waxaan ku leeyahay; laantuba wey baxdaa kaligeed haddeey hesho wixii ay ku haysatay geedka oo ah nafaqada iyo biyaha. Sidaa si la mid ah muslimkuba wuu ka maarmi karaa koox, haddii uu fahmo farriinta guud ee Islaamka, laakiinse muslimku kama maarmo diinta.

CULIMADA DHIMATAY CAYDEEDU REEBBAN

Waxaan arkay kuwa lacnadaya oo garaafeynaya Shiikh Cabdulxamiid Kishki, waxaan niyadda iska iri; bal maxeey ka rabaan nin dhintay maalin Jimce ah waliba asaga oo sujuudsan. Miyaaneey ogayn in qofku uu Alle ugu dhawyahay marka uu sujuudsan yahay? Bal ka warran qofka xaaladdaas ku dhintay, anaga oo og in qof kasta lagu soo saarayo waxa uu ku dhintay. Waxaan kaloo arkay kuwa kale oo lacnadaya Shiikh Maxamed Ramadaan Al-buudhi, waxaan mar kale jeclaystay inaysan dhagahaygu maqlin hadallada macno-darrada ah ee ka yimid maan-gaabka. Bal maxaa laga siiyaa nin dhintay asaga oo jooga guriga Alle oo waliba ku jira xalqo-cilmiyeed!!!
Waxyaalaha aan la yaabey waxaa ka mid ah markaan arkay kuwa shaki galinaya muslinimada labadii caalim ee waaweynaa; Shiikh Nawawi iyo Shiikh Ibni-xajar Al-casqalaani, anaga oo og juhdiga ay ku bixiyeen u hiillinta Islaamka iyo muslimiinta. Waxaan kaloo arkay kuwa beenaalayaal ku tuhmaya Shiikh Bukhaari iyo Shiikh Muslim. Waxaase igala yaab badnaa markaan arkay kuwa caayaya, colaadinaya, haddeey rabaan gaaleysiinaya Saxaabadii Suubanaha NNKH, gaar ahaan Saxaabigii weynaa Abii Hurreyra oo saaxiibtinimada Suubbanaha NNKH ka doortay nolosha dunida. Waxaan la yaabey nimanka janno ku raadinaya cayda niman ayagoo nool janno loogu bishaareeyey!!!
Muslimku sidiisaba ma ahan inuu dadka caayo; mid dhintay iyo mid noolba. Haddii ay jiraan waxaad diidantahay adoon cidna caayin ama colaadin doodaada usoo bandhig si cilmi iyo caqli ku jiro. Waligaana niyadda ku heey xadiithkii Suubbanaha uu lahaa “Waar ha caayinina dadka dhintay, maxaa yeelay waxeey gaareen waxeey hormarsadeen”.


MUSLIMKU MA AHAN DAMEERI-DHAAN-RAACDAY

Muslimiinta dhexdooda waxaad ku arkaysaa dad iska xamaasadaydsan oo cadow u arka qayb kale oo muslimiinta ka mid ah. Haddad weydiiso waxa muslimiintaasi cadow noogu noqdeenna kaama shaafin karo, maxaa yeelay asaguba waa dameeri-dhaan-raacday oo wixii loo yeeriyey buu duuduub ku liqay. Waxaad arkaysaa kuwa dhahaya dagaalka u dhexeeya Carabta iyo Faarisiyiinta waa dagaal-diimeed u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada. Markaad weydiiso wuxuu ku caddaynayo ineey saas tahayna kaama jaahil bixin karo ama wuxuu ku dhihin wadaad hebel baa saas yiri. Yaa u sheega in ruuxa muslimka ah uusan ahayn wadaad-raac ee uu yahay waano-raac. Wadaadku hadduu caddayn keeni waayo waa ku kaligii khasabna ma aha inaan ku raacno.
Muslimku waa ruux u saxiib ah diinta suuban, dadnimada wanaagsan, iyo damiirka xalan. Muslimku ma ahan neef xoolo ah oo keeno ku jira oo hadba dhankii loo leexiyo u leexanaya. Sidaas darteed waxaan leeyahay ha ogaado inuu ruuxa muslimka ahi yahay damiir-raac ee aanu ahayn dameeri-dhaan-raacday.

WAAQICA SOOMAALIDA

Diinta Islaamku waa diinta waaqica oo ma qabto in la inkiro waaqica iyo waayaha nolosha ee bulsho ku sugan tahay. Sidaas darteed baa Qur`aanka usoo dageyey 23 sano ayada oo la waafajinayo waaqica ay ku sugnaayeen bulshadii uu kusoo dagey.
Anigu ma ahi Sunni mana ahi Shiici, ee waxaan ahay Muslim. Taas macnaheedu ma ahan inaan inkirayo waaqica ka jira deegaannada Soomaalida. Asalka Soomaalidu waa dad Muslimiin ah kana sii ah Sunni-Ashcari-Suufiyo haystana madhabka Shaaficiyada. Aniga ahaanna waxaa ila qurxoonayd in wadaadadii ka yimid Sucuudiga aysan deegaanada Soomaalida ku faafin madhabka Salafiyada, ee ay kaliya saxaan khaladaadka wadaadada Suufiyada. Taasi ma dhicin, wixii dhacay baana dhacay!!
Anigu raalli kama ahayn in deegaannada Soomaalida lagu faafiyo madhabka Salafiyada, sidaa si la mid ah raalli ka noqonmayo in lagu faafiyo madaahibta Shiicada, Qur`aaniyada iyo afkaarta Calmaaniyadda. Balse waan soo dhaweynayaa qofka raba inuu wax saxo lakiinse aan tallaalayn fikir keeni kara cadaawad iyo cuqdad kale oo kala geysa Soomaalida.
Haddii aad I weydiiso “Waar maxaad ku diideysaa madaahibtaas adoon ahayn Sunni iyo Shiici toona?” waxaan ku leeyahay; Soomaalidu waa dad ay hoggaamiso caaddifaddu inta uusan hoggaamin caqligu, sidoo kale waa dad aad u weyneeya wadaadka inta aysan weynayn waanada(Diinta), waa dad aad u qaddariya koox-diimeedyada, waana dad ay u fududahay ineey galaan dagaallo ku salaysan madaahib, saas darteed ma jecli in magaca diinta la iskugu diro walaalaha Soomaalida. Dunida islaamka meelo ka mid ah waxaa ka jira dagaallo u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada oo lagu hoobtay, marka haddii lagu faafiyo madaaahibta Shiicada deegaanada Soomaalida, adiguba qiyaas waxa ka dhalan kara anaga oo hadda maqlayna ereyo cadaawad muujinaya sida in la yiraahdo “Shiicada baa ka khatar badan Yahuudda!!”

Anigu waa jeclahay in wax la saxo, waase in aan la inkirin waaqica iyo waayaha nolosha ay Soomaalidu ku sugan tahay. Wadaadadii Salifayadu meysan tixgalin waaqica bulshadeena markeey dagaalka afka iyo addinka ah la galeen wadaadada Suufiyada, sidaa si la mid ah uma eka kuwa tixgalinaya waaqica kuwa faafinaya madaahibta Shiicada. Waxaanse la yaabay in nimankii aqoonyahanka ahaa ee aan is lahaa waa ka badqabaan doodaha lagu rafto ee koox-diimeedyada ayba ayagii abuureen doodo kale oo lagu harqan-doono!!! Balse qofka caaqilka ahi waa midka qiimeeya waaqica bulshadiisa ee ma ahan midka soo waarida afkaaro bulsho kale oo abuuri kara jah-wareer kale.

GUNAANAD

Ma ahi Sunni aflagaadeeya culimada Shiicada, mana ahi Shiici aflagaadeeya culimada Sunniga, waxaan ahay Muslim tixgaliya culimada muslimiinta inta ay tixgaliyaan diinta Islaamka. Ma ahi Sunni wadaad-raac ah oo wadaadku kala weyn yahay diinta, mana ahi Shiici wadaad-raac ah oo wadaadka Shiiciga ah kala weyn yahay diinta, waxaaan ahay Muslim waano-raac ah (Diinta) oo ay ku weyn tahay diinta Islaamku. Ma ahi Sunni dadka ugu yeeraya in Sunniga oo kaliya ay Muslimiin yihiin, mana ahi Shiici dadka ugu yeeraya in Shiicada oo kaliya ay Muslimiin yihiin, waxaan ahay Muslim dadka ugu yeeraya in qof kasta oo ku dhawaaqa weedha Tawxiidka uu yahay Muslim kana mid yahay kooxda badbaadada ayna dhawran tahay sharaftiisa, naftiisa, xoolihiisa iyo wixii uu mulkiyeyba.
Ma ahi Sunni amaba Shiici u haysta in dagaalka u dhexeeya Carabta iyo Faarisiyiinta uu yahay dagaal-diimeed, waxaan ahay Muslim rumeysan in dagaalkaas yahay dagaal qowmiyadeed siyaasadaysan uusan mudnayna in la diimeeyo. Waxaan rajeynayaa in diinta Islaamku mideyn doonto walaalahaas is garbinaya. Waxaan ahay Muslim jecel midnimada muslimiinta kana soo horjeeda in cunfi iyo colaad la dhex dhigo. Muslim jecel in dadku waxa ay isku diidan yihiin lagu soo bandhigo dood-cilmiyeed ka madax banaan colaad iyo cunfi. Muslim jecel in marka hore la qiimeeyo ruuxa wanaagiisa intaan la qiimeyn khaladaadkiisa. Muslim jecel intaan ruuxa la xukumin in si xikmadaysan loogu caqli-celiyo.

QAADDIROOW SIDA QUMMAN.
W/Q: Ismaaciil Nafyar
EMAIL: ismahmet@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.