Ma dhawa oo waxbaa dhiman! Q-1AAD W/Q: Maxamed Maxamuud Geeddi

Ma dhawa oo waxbaa dhiman! Q-1AAD

Jidadka waxaa yaal qashinkii aan xaafadaha ka soo fogaynay guryahana waxaa buuxa akhlaaqdii aan dariiqa ka soo barannay, culumadii kutubtii ayey hadba dhinac u rogtaa, bulsahadiina waxay qabaan su’aal ciida ka badan, waxaan nahay dad ooman oo biyo ay hoostooda buuxaan baahan oo leh dhul baaxad wayn oo barwaaqo ah, daacadnimadi iyo is-aaminaaddii oo geeddi ah ayaa tallaabay xudduudaha nagu hareeraysan markaas ayaan naq-raacnay.

Annagguse magacyo iyo maryo kala midab ah ayaan siisanayaa qarannimadii sannado ka hor tahliisha iyo toorayda uu dhagaxa iyo waranku wehliyo lagu soo dhicyay, maanta dadkii ay aabbayaashood u halgameen ayaa duullaan ku ah qalfooftii ka soo hartay magaca Soomaalinnimo.

Muunadda dal uu leeyahay waxaa saldhig u ah sida ay u ilaaliyaan dhaqanka, taariikha ummadda iyo suugaanta, maantase waxaan dul taagannahay meeshii laga siibay udubbadii dhaqanka ooyin iyo baroor moog iyo maqaam loo dhiso waa mid aan meesha oollin, haddii ay jiraan dadaallo dib loogu soo celinayo wadiiqadii uu lahaa waxaan dirbiyada fadhiyo dadkiisa oo ay qalimada ka qallaleen, qaarkoodna aan maalmahaan u heesin jcayl, gu’ baraawaaqo ah iyo dayr lagu diirsaday.

Wixii laga yaabi jiray ee marka la arko faraha la laalaabi jiray waxay naqdeen: maaweelo iyo madaddaalo, hibadii iyo hal-abuurkii waxaa marti ka noqdeen fagaarayaashoodii waxaana xoog ku qabsaday is-ka dhigid, dhaadhaajis iyo dhaqamo qalaad.

Si dib loogu celiyo wobiyada qoraayaasha, hal-abuurrada qaybahooda kala duwan ee guray waxaa lagama marmaan ah in la lafa-guro fursadaha la heesto iyada oo la howl gelinaayo caqliyada caaraddu ay degtay, waxaase ka horreeyo in la daweeyo boogihii dhaqanka iyo sooyaalka ka soo gaaray markii lagu duray dawooyinka qaldan oo loo qoray markii uu dumay qarankii gacanta ku haayay. In la helo maskax fiyow oo aan uga darin, hoggaan daacad ah oo aan ku danaysan, bulsho uu heellan aan dib uga soo dhican howlaha dib u soo noolaynta dhaqanka.

Waxaa furan amateedka shacabka si ay u dhadhemiyaan suugaan aan saxar, deel-qaaf midna lahayn oo ku dhisan udubbadii lugu ogaa iyada aan ood la saaraynin hal-abuurrada dhallinta casrigaan oo leh dareen iyo hab-tebin u gaar ah.

W/Q: Maxamed Maxamuud Geeddi

EMAIL: Mmgeedi2018@gmail.com

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN