Ma dhinte waa ilaahe, Kadare dhaxal buu ka tagay.

10969078_915267901840133_270782691_o

Ma dhinte waa ilaahe, Kadare dhaxal buu ka tagay.
Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun. Alla ha u naxariistee, waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xuseen Sheekh Axmed ( Kadare ) oo ahaa ruug caddaa waaya arag ah, isla markaana ahaa afmaal hal-abuur ah oo aftahannimadiisa ay gaarsiisneyd inuu la yimaado far qoraal isaga u gaar ah oo curintiisa ku abtisata, taasi oo uu ugu magac daray « Kadariya» sannadkii 1952kii.

Abwaan Kadare, wuxuu ahaa shakhsiga kaliya ee ka soo haray amaba ka noolaa guddigii far qoraalka af-soomaaliga, kuwaasi oo markoodii hore ka koobnaa sagaal xubnood, markii danbana tiradooda la gaarsiiyay 24 xubnood, wuxuuna marxuum Kadare noqday shumacyadaasi far qoraalka af-soomaaliga u iftiimay kii ugu danbeeyay oo ifka ka damay, ( Ma dhinte waa ilaahe, Kadare dhaxal buu ka tagay ).

Maxaa lagu xusuustaa abwaan kadare?.

1. Ruug cadda Xuseen Sheekh Axmed « Kadare» waxaa lagu xusuustaa kaalintii firfircooneyd ee uu kaga jiray u halgankii iyo soo bandhigiddii qoraalka afsoomaaliga, taasoo afka hooyo u noqotay garab iyo hiil aan la illoobi karin, weligiina wuxuu ku xusnaan doonaa dhaxalka sooyaal taariikheedka ummadda Soomaaliyeed.

2. Abwaan Kadare, wuxuu ahaa shakhsi u tafa xeydtay baarista iyo kor u qaadidda hiddaha iyo dhaqanka ummadda soomaaliyeed, wuxuuna ahaa weriye ama barnaamij daadihiye Idaacadda Radiyo Muqdisho ka sii deyn jiray Barnaamijkii lagu magacaabi jiray « Hiddaha iyo dhaqanka» ee ay dadku wada xiiseyn jireen.

3. Wuxuu ahaa aftahan maansada tirinteeda ku xeel dheer, gaar ahaan shiribka iyo guurowga, waxaana geyiga soomaaliyeed caan ka noqday tixo uu isaga tiriyay oo in badan oo dadka ka mid ahi ay halkudheg ka dhigteen, sidoo kale wuxuu ahaa qoraa buugaag soo saare ah, iyada oo ay in badan oo qaraalladiisa ka mid ah aanay nasiib u yeelan in ay madbacadaha casriga ah soo gaaraan, in kasta oo wax sheeggiisii ay bulshada laabaheeda ka wada guuxayaan.

4. Wuxuu ahaa siyaasi qunyar socod ah oo daaha gadaashiisa wax ka arki kara. Wuxuu ahaa siyaasi u howl gali jiray sidii oday dhaqameedyada madasha lagu ixtiraamo, weliba wuxuu ahaa nin aan had iyo jeer deg degin ee hadalka xubintiisa suga gartana libinteeda qaata.

Alla ha u naxariistee, Marxuum Xuseen Sheekh Axmed « Kadare» waxaa u wada tacsiyeynaya guud ummadda soomaaliyeed gaar ahaanna, afmaallada iyo qalinleyda waxaana looga tacsiyeynayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday, isaguna waxaan ilaah uga baryeynaa inuu jannadii firdowsa aheyd ka waraabiyo ( Aamiin).

Bashiir Cali Xuseen.
Barbaariye@hotmail.com

SHEEKOOYIN