Ma is tahay? (AKEEKIM) Qore; Bashiir M. Xersi

kk

Ma is tahay? (AKEEKIM)

Waa wadahadal curis ah oo dhexmaray Caaggene iyo Celiye. Dooddu waa maamin iyo madax ka shaqaysiin is huwan, een ku iman dhacdo, qiso ama sheeko, balse, ku salaysan hummaag erayeyn iyo arar hawraaraysan, tiiyoon ka marnayn waaqic iyo xaalad nololeed la joogo ama iman karta, in la soo dhaafana dhici karta. Waxay u billaabatay sidan;

Celiye ayaa Caaggane weydiiyey, “Yaad tahay? Maya, kumaad tahay?”

Caaggane ayaa isaga oo hubsanaya ku yiri Caaggane; “Maaniga?”

“Haa, yaa kale, oon haddaa weydiinta u jeedinayaa?”

“Aniga waxaa la i yiraa; Caaggane

“Magacaaga kuma weydiin, oo inaadan waxba calalin—sida magaciisa laga dheehan karo—waan ogahay!”

Isagoo is leh malaha abtirkaaga ayuu doonayaa inuu ogaado ayuu ku yiri, “Haa, haddaan ku gartay, waxaan ahay: Caaggane Ciirsade”

“Abbahaa magaciisa kuma weydiin, ee yaad tahay adigu?”

“Anigu waxaan ahay; Caaggane Ciirsade Carfiid.”

“Waa ka xumahay abtirsigaaga kuma weydiin, iyo ina ayaad tahay!” ayuu ku yiri, wuxuuna u raacshay, “Wali isma aannaan garane, aan bal si kale kuugu dhigo. Ayaad ahayd adigu?”

Caaggane ayaa  ku jawaabay, “Aniga waxaa adeer ii ah, oo aan qaraabo dhaw nahay, Libiri Liqe.”

Celiye oon wali helin jawaabtii uu doonayey ayaa ku yiri, “Maya, Reerkaaga iyo jifada aad ka dhalatay kuma weydiin, summadda geeliinnana waan aqaan, ee adiga ayaan ka hadlayey.”

“Haa, aniga waxaan ku dhashay, Tuulada Tarandiid” ayuu caaggana ku warcelshay. Markaa ayaa Celiye ku yiri; “I garo, Barrinka aad degtaan iyo Balliga aad Biyaha ka waraabtaan ama Baraaguhu idiin kugu yaalliin kuma weydiin. Magacaaga, ayahaaga, abtirsigaaga, tolkaaga iyo berrinkaagaba kuma weydiin, ee aan kuugu celsho mar kale. Kumaad tahay?”

Caaggane ayaa sidii inuu fahmay jawaabta la soo booday, “Haa, anigu waxaan waxbarashada aasaasiga ah ku qaatay dugsiyada kala ah: Alquful, Alqilaaf iyo Alqarrib.”

Celiyana wuxuu ku yiri, “Ma anaaba ku weydiiyey iskuulaadka aad wax ku soo baratay, iyo magacyadooda, kaaga darane `AL´ ayaaba horggale u wada ah.” Waxa uu ugu sii daray,  “Ima garan, imana fahmine, ma sidan baa kaa daacad ah, mise aniga ayaad i wareerinaysaa?”.

Caaggane ayaa si kal iyo lab ah u yiri, “Maya, runtii, mar walba waxaan isku dayayaa inaan ka warcelsho weydiintaada, anoo hadba meel kale ku eegaya, marka aad dhan iga diiddo!”

 Celiye, oo garwaaqsanaya ayaa yiri, “Aniga sida ii muuqata waa inaannaan wali ujeedka weydiinta isla garan, waana tan la yiraa:  garashada weydiintu waa warcelinta barkeed, marka aan kuugu celshee, is caddee?”

Haddii Caaggane dhawr maya iyo diidma Celiye ka hor keenay, ayuu wuxuu ku iri, “Intii hore haddaad iga diidday, waxaan isku dayaa midda iigu dambaysa, oo ah,  inaan jaamici ahay, Shahaado ka soo qaatay jaamacadda Shaydaanka!”

Celiye oo ewel Iskuuladka “AL” wata la yaabbanaa, ayaa ku yiri, “Nabee haddaad ka dartay, maya, hadda ayaad ashii asal u yeeshay, mise, waxa dhami waa isku saan ee aniga ayaan wali salkeeda gaarin?”

Caaggane ood mooddo inuu quus gaaray ayaa yiri,“Waxa aad ka hadleeba ma fahmin, ee maxaa saan iyo sal leh?”.

Celiye oo doonayo in aan laga didin ayaa ku iri Caaggane, “Bal aan si kale kuugu dhiigo weydiinta, maadaama aad ogaatay inaan magacaaga, ayahaaga, abtirsigaaga, tolkaaga, berrinkaaga, dugsigaaga iyo jaamacaddaada doonayn inaan ogaado, eehorta ma is tahay?”

Caaggane ayaa ku yiri,“Nin yahow, anigu XERTA waxaan ugu jeclahay in kasta oonan ka mid ahayn AXMADIYADA! Nimanka QAADIRIYA la yiraa sidaa uma xiiseeyo, haddana, ka roon kuwii dambe, ee halaagga iyo hoogga noo horseeday!”.

Celiye ayaa qiraal u muujiyey, oo ku yiri, “Markan waxaad mooddaa inaan xoogaa hadalkaaga fahmay, in kasta oo aysan warcelin u ahayn weydiintaydii, haddana, inta iigu kaadisid XERTA iyo XADRADOODA, horta ma is tahay?”

Caaggane oo shaki galay ayaa ku iri, “Horta aan markaan adi ku weydiiyee, ma waxaad i weydiinee; ani waxa aan isu ahay? Mise ani inaan is haysto?” Celiye ayaa si sahlan ugu jawaaaby; “Maya, saa kuma weydiin, adigu waxa aad isu tahay iyo waxa aad isu hayso/haysato ha noo dambeeyaane, ma is tahay?” Caaggane oo aad mooddo inuu dhirfay ayaa yiri; “Warcelin dambe kuma siinayo, waxaagu waa ha la isku dheelo iyo ciyaar”.

Celiye oo dejinaya ayaa ku yiri, “Maya, maya, Xaashaa Lillaahi, nin ciyaaraya ma kuula egahay, muuqeed se ma leeyahay, mise tahay adigu qof lagu ciyaari karo? Ha iga dharsin, carana yeysan iga kaa qaadin, ee sheekada akeekimkeeda noo sii wad, adoon dhinac kale uga beyrin. Uguna sii adkeeyey; “Inaan kala tagno ma doonayo anoon weydiintaa warcelin qumman u helin, adna waxaan doonayaa inaad madaxaaga ka shaqaysiiso, ee ma is tahay?”.

Caaggane ayaa ku yiri, “Nin yahow waxaan ka baqaa inaad Curraaf iyo Kitaabgaablow aad tahay, sababtoo ah, teer iyo maantoo dhan hal eray ayaad ku celcelinaysaa. Kuwaa ayaa laga sheegi jiray inay erayada qaar wakiishaan, qiyaalo iyo faalin awgeed, ee ma wax baad noo aasaysaa mise waad ba nagu maqan tahay?!”

Celiye ayaa yiri, “In kastoo Faallowgu ugu yaraan maaninta iyo tiraynta ku fiican yahay, oo wixiisa dhami waa xarfo iyo nambarro la isu geeyee {TIRAYN}, haddana, kaa iyo ku dhaw midna ma ihiye, aan mar kale aan kuugu celshee, ma is tahay?”.

Markaa ayaa Caaggane oo is leh jawaabtii uu Celiye doonayey ayad soo heshay ku yiri; “Waryaa hee, hadda ayaan ku gartay, anigu waxaan ahay XAASLE, oo waxaa ii jooga MARWO iyo UBAD aan quudkooda iyo qaydkooda u qalqaalo tago qorrax soo bax walba”. Celiye oon wali helin jawaabtii uu goobay ayaa ku yiri, “Heedhe, inaad aabbe iyo say tahay kuma weydiin, oo nimanka dhami waa yihiin ama way noqon karaa, gaar ahaan marka ay magaca (COD NIN) iyo timaad sheegidda (QOORO) kaliya, ee aan la eegayn kaalinta iyo muhimmada.”

Caaggane oo carooday ayaa ku yiri Celiye, “Nin yahow nin qarriban ayaad tahay, ee dhan walba iga soo xirtaye, maxaad damacsan tahay? Xaggeed ii waddaa, ood ila doonaysaa inan gaaro?” Celiye ayaa ku yiri, “Meelna, illaa iminka waxaan doonayaa inaad ila garato ujeedka weydiinta, iyo waxa ay ku fadhiso, hubaal inay leedahay warcelin waafiya, balse, waa inaan marka hore haleelnaa hilinkeeda.”

Markaa ayuu Celiye gudagalay sharraxaadda iyo faahfaahinta weydiinta iyo warcelintaadaba.

“Si aadan ii dhibsan, aan markan kuu qeexo ama diirka kaaga qaado erayga, ararta iyo ujeedka weedha. Anigu waxaan doonayey inaan ogaado ma ahayn midabkaaga, muuqaalkaaga, aabbahaa iyo abkaaga, isirkaaga iyo ayahaaga, tolkaaga iyo tagoogtaada, berrinkaaga iyo balligaaga, dugsigaaga iyo jaamacaddaada, waalidnimaada iyo wiilashaada, ee waxaan ku weydiinayey, adi ahaan, ma tahay qofka aad tahay? Aan sii jilciyo, qofka magaca iyo muuqaalka, dabciga iyo diirka ka sokow, waxaa u dheer inuu is yahay; isku kalsoon yahay, mar walba uu wax samaynayo uusan u samayn waa la samayn jiray iyo waa la i faray, ee uu sameeyo inuu u arko inay qumman tahay, habboon tahay ama lagama maarmaanba ay tahay inuu sameeyo, isagoon cabsi iyo cagajuglayn ku qabanayn, iyo in la ceebeeyo haddii uu fulin waayo, balse, mar walba uu wax qabanayo uu ka hormarsho waxani ma u qulmaan ama ma ka hor imaanayaan dadnimadiisa, damiirkiisa iyo darajadiisa? Qofku marka uu is yahay, waa marka uu XOR yahay, haddaba, muxuu xor ku yahay? Wuxuu XOR ku yahay, inuu is yahay, dadnimadiisa, garashadiisa iyo go’aankiisa. Tan waxaa ka dhalanaysa weydiin kale, oo ah, muxuu xor ka yahay? Wuxuu XOR ka yahay; wax walba oo ka hor istaagaya inuu sameeyo wax walba oo suubban, isagoon eegayn qof, qolo iyo qabiil, dhaqan, diin iyo qaanuun, ee sir iyo sillooni la’aan, niyadsami iyo laabxaarnaan wehliso ku qabanaya. Marka aad is tahay waa marka aad ugu wax soo saar badan tahay, waliba waa marka aad curiso, unugto walxo qiimo gaar ah leh, ee ku qotoma hadba maaddada aad baratay ama aad ku wanaagsan tahay ee noloshu u baahan tahay. Marka aad is tahay waa marka aad bulshada wax ugu taal, ee aad hormarkeeda gacan ka gaysanayso, aad qayb ka tahay qaabinta qalabaynta qawmiyaddaada. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiinayso; oo miyaan Jaamiciga iyo Aabbuhu qayb ka ahayn hormarka bulshada? Hubaal haa, haddana, waa Jaamicima iyo waa Aabbema? Waxaan jeclaa lahaa inaad ka soo harto eegmada iyo aaminaadda magacyada iyo tilmaamaha, muuqaallada ha ka reebin, maxaa yeelay, Jaamicigu haddii uusan wali ka xoroobin xayndaabkii ay ku xeernaayeen intii isaga ka horraysay muxuu qiimo ah uu leeyahay? Kama muhimsane, aabbuhu haddii uu yahay aabbe uun USHIISA laga cabsado, muxuu qaayo leeyahay? Marka la leeyahay ma is tahay? Waxaa looga jeedaa inaad dhan walba uga jirto labadaada saamood (maqaarkaaga iyo jidkaaga/raadkaaga) maxaa yeelay, haddii aad labadaa ka baxdo, adigu isma tihid, ee waxaad tahay hadba qolada, qaabka iyo qaranka aad dhexgasho, oo mar walba saamayntoodu ay kaa muuqanayso, haddii aysan ba kugu qasbin inaad sidooda oo kale noqoto, taa oo meesha ka saaraysa wixii aad ahayd adigu, keenaysana inaad ku milanto ama aad la mid noqoto. Ma is tahay wali ma dhammaane, horta ma is tahay? Is ahaanshahaagu wuxuu keenayaa inaadan dhag jalaq u siin, aadaanna dhugan dhan iyo dhabbe aan kaaga ahayn, illeyn mar walba noloshu kama marna cakir iyo cawlanaane, taa oo ay tahay si aad isu ahaato inaan midab aan midabkaaga ahayn ku soo galin. Ujeedka ma ahan inaadan dadka wax la wadaagin, wax ku darsan, wax la qaybsan, ee waa inaadan noqon giircaddaad ama garow, oo kuu gudbin kara JIRJIRROOLE iyo LABA WAJIILENIMO.”

Markuu Celiye sidaa u kala dhigay una qalay, hawraarsanna ugu haadiyey ayuu Caagganena ku yiri, “Hadda aan ku weydiiyee,adiguna,  ma is tahay?”

Markaa ayaa Caaggane la so booday, “Haa, haa, hadda waan is ahay, oo waan hubaa! Waliba kuu hubaa, oon kaa hubaa”

“Hagaag. Mar haddaan isla garannay, waa guul” ayaa Celiyana ku yiri, kuna soo xiray, “ballanteennu waa inaan is ahaanno, ee aannaan kala ahaan ama nala lahaan, maan, maskax, mabda’, muuq iyo midabbba”.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

SHEEKOOYIN