MA LA AAMINI KARAA SOOMAALIDA AJAANIBTA AH?!
Tan iyo bur-burkii Wadanka Soomalia, Dowladihii lasoo dhisay waxaa hogaanka u hayay Qurba joog, kuwaas oo hayb ahaan u xisaabsan in ay yihiin soomaali, balse xaqiiqda dhabta ah ee shaqsiyaddooda aan la aqoon.
Waxa kaliya ee nin walba shaqada lagu siinayay ayaa ahayd, in uu ahaa Aqoonyahan, ama nin hore oo ka tirsanaa dowladii Siyaad Barre, aqoona u leh shaqada markaa loo dhiibayay, inkastoo shaqada loo dhiibayay mararka qaar ay ahayd, shaqo uusan waligii xitaa aqoonteeda iska daayee, uusan qayb yar ku yeelan.
24kii sano ee lasoo dhaafay mar walba waxaa lasoo alkumayay Dowlado, marba magac loo yeelayay, haba u badnaadeen magaca kumeel gaarka ah, kuligoodna waxay ahaayeen kuwa ku dhamaada guul daro.
Waxa ugu yaabka badan ayaa ahayd, in marka xilka laga qaado mid ka mid ah dadka xilkaa ka hayay dowladahaas, ee qurba joogta ah, in uu ku laabto wadankii uu ka yimid, oo uusan lahayn awood ama dhiiranana uu ku joogo wadanka uu u adeegayay xilkana u hayay, taas oo ku tusinaysa in qofkaa shaqadiisa ay ku ekayd kursigiiisa, kana soo bilaabatay magacaabistii la magacaabay, oo uusan awalba jirin qorsha daacad ah, oo ku salaysnaa u adeegidda waddanka uu isir ahaan kasoo jeedo iyo dadkiisaba, waxa meesha keenayna ay ahayd maslaxaddiisa shaqsiyadeeda ama midda wadanka uu ku noolaa.
Howshaas waa socotay, illaa maantadan la joogo wax wali is badalayna ma jirin, oo guul darro ayay ku dhamaatay, dhamaan dadkii waddanka dibaddiisa lagasoo magacaabay kuligood waxay noqdeen kuwa aan ka mira dhalin hammigii loo qabay, ee ahaa in ay Wadanka bad baadin karaan, waxna u qaban karaan, maadaama intii la bur-burayay ay ayagu dhaqnaayeen oo ay wax baranayeen, bur burka shaqasinimana ay ka bad baadeen.
Waxaa jira wax badan oo dadkeena ka daahsoon oo marnaba aan la is waydiin, taas oo ah in dadkan Soomalida ah ee sita paasapprada kala duwan, ee u badan wadamada Galbeedka, yay u adeegaan maxayse yihiin?
Waa laga yaabaa is waydiinta suaashan in ay dad badan ku kiciso tashuus ama shaki badan oo uu qofka qoraalkan aqrinayo is waydiiyo, waxaana rabaa in aan xoogaa iftiimiyo in inkastoo dadku isku wada mid aysan ahayn, oo ay jiraan dad badan oo ay daacad ka tahay shaqada loo dhiibay balse aan waqti la siin, hadana, waxaa jiro sida saxda ah kuwa sida badan ah Sirdoon, ama loo soo diray in ay wax badan ka ogaadaan Bulshada Soomaalida.
Sida iska caadiga ah qofka marka dhalashada wadanka uu jooga la siinayo, waxaa loo dhaarshaa in uu difaacayo Danta Wadankaas, kaas oo markaa gacanta loo saaro kitaab diinta uu aaminsanyahay ah, wixii kadambeeyana lala socdo dhaq dhaqaaqiisa howleeda ama siyaasadeed oo uu noqdo mid lagula xisaabtamo howsha loo igmaday ee basaasnimada ah.
Bal cabir yar ka qaado, adiga oo ah qof Soomaali ah marka aad dhalasho siinayso qof kale oo ajaanib ah, waa in aad ku haysataa maslaxad ah, in uu soomaalia qofkaas danteeda wax badan ka qaban karo una adeegi karo.
Waxaa jira ama aad maqasheen in dad badan oo Soomaali ah, oo ku nool waddamada galbeedka qaasatana Mareekanka am Ingariiska, in dhowr jeer la daba galay ama lagu dhiira galshay in ay noqdaan Basaasiin ku dhex jirta bulshada soomaliyeed ama islaamka ah guud ahaan.
Qaarkood waa aqbaleen sida nagu maqaalada ah oo Masaajidada ayayba nagula tukadaan, waxaana loo balan qaadaa markaa qarashaad fara badan.
Qofka basaaska ah marka uu basaasayo bulshada uu ka dhashay, wuu ka qiimo badan yahay qofka kale ee Ajnabiga ka ah bulshadaas, balse Basaas waa Basaas, mar walba oo maslaxadda laga leeyahay laga gaaraana waa la qaarijiyaa, ama waxaa lagu furaa sumcad xumo kale, ama noloshiisa oo dhan ayaa si kale loo badalaa, si uusan saamayn dambe oo nololeed u yeelan.
Hadaba, ma is leedahay dadka nuucaas ah waa ka maranyihiin kuwa xilalka inoo haya ee aan ka sugayno inay hormarshaan wadankeena, iyadoo aan mar walba aragno ama la leeyahay Siyaasi hebel wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay Wadan hebel, qaasatan wadamada Dariska ah
Nin la leh xiriir dad kale, oo aan maslaxaddeena eegin, oo ay dhibayso maslaxadda soomaalida, ninkaas xilka uu Wadanka u qaban karo waa xilkee? waa su’aal mudan runtii in maskaxda shaqa guri ahaan loo siiyo, sida dhabta ahna maanta dadka ina hogaansha waa nuucaas, kan ugu sareeyo ilaa kan ugu hooseeyo waxay wada sitaan baasabooro Wadamo kale, waxayna u adeegayaan maslaxadda waddamadaas.
Nin qoyskiisa iyo ilmihiisa ay joogaan wadanka kuma jiro, haddii uu jirana ilmihiisa waa hore ayay u koreen ama waxbey ka baranayaan wadanka dibaddiisa, qof walba oo Soomaali ahna wuu ogyahay middaas.
Sawirada aan ka aragno taleefishinada iyo websityada, ama jaraa’idyada, haddi si fiicaan aan indhaha ugu godno, wax badan oo noo muuqan ayaan noo muuqanaya, wax badanna waan fahmi karaynaa, balse, marka aan wax aqrinayno iska aqri ayay noo galaan, ee gudaha dhimirkeena masii dagaan, waxa dhimirka gudaha gala ayaa dareen dhab ah abuura.
Hadaba waxaan kusoo gunaanadayaa hadalkayga, dadku ma wada xuma oo waa ku wada jiraan dad wanaagsan, balse, maadaama mar walba xumaanta ay ka badan tahay wanaaga, ayaan waxaan cuskin lahaa inta inoo haysa hadda hogaanka in ay yihin dhamaan kuwa u wada adeegaya maslaxadda Dalal kale oo shisheeya ah, ayna ku yartahay inta maslaxadda wadanka u adeegta!
Hadaba astaamaha inoo muuqda maalin walba waa kuwa nagu sii abauuraya quus, madaxda kuwa inoo ahna waa kuwa danta dadkeena ka door bida raali galinta shisheeyaha aan maslaxadda inoo hayn, su’aasha kale ee la doonayo in aan is waydiino waxay tahay, mar walba maxaa xilka loogu magacaabaa nin dibadda ka yimid, dalka miyuusan lahayn rag gudan kara waajibaadka ragga dibada looga keenayo? maxaasa mar walba midka ugu xun loo soo xushaa wararka aan maqlayno hadda ma ahan kuwa wanaagsan oo u roon dhagaha muwaadinka xalaal quudatada ah ama muwaadinka damiirka leh ee wax dareemi kara.
Astaan wanaagsan ma lahan hogaankeena hadda usha inoo haya , sida laga dheehan karana waxaa muuqata in loo shaqaynayo Dal lagu magacaabo Soomaalia balse dadka loo shaqaynayo aysan soomaali ahayn, in la waayo Hogaan damiir leh oo danta dalkiisa iyo dadkiisa u hiilin kara waa nasiib darro, tilmaanna u ah in dadkeena ay u bateen dhinacaas damiir xumada iyo danaysiga aan aragtida fog lahayn.
Haddaba Dibad joog waa lagu daalay danta dadkan ama dalkana kama soo dhawa xagooda, ee Daaimow duul dhaamo duur joogta dusheena dullaysay noo soo iftiimi. Aamiin
W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor