MA NAHAY TILMAAMAHAN UMMAD LEH?! W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

MA NAHAY TILMAAMAHAN UMMAD LEH?! 

 

Qof walba oo cinwaankan aqriyo su’aasha ugu horayso ee uu is wadiinayo ayaa ah, waa maxay tilmaanta la sheegayo umadda tilmaantan leh ee qoraha maqaalkan sheegayo maxay tahay?

Waa su’aalo runtii jawaabo badan u baahan doono, ilaa inta aad ka guda gali doontid mowduuca uu qoraalka ku socdo .

Bani aadamka sidiisaba mar walba waa mid ka jaahil ah waxa dhici doono mustaqbalka, taas oo runtii ku qaas ah Allaha khaaliqa ah ee abuurtay Dunida iyo Uunka ku dhex noolba

Mustaqbalka sidiisba wax ogaan karo ma jiraan, oo waa cilmi aysan heerkiisa waligood gaarin bani aadamka gaarina doonin,  balse sida dhacda mararka qaar waa la ogaadaa waxa dhici doono mustaqbalka, iyada oo laga ogaado xaga Rususha uu allah soo dirsaday, marka ay tilmaamayaana waa kuwa ka baxsha tilmaan ama tilmaamaba astaamaha waqtigaas uu la imaan doono waxa lagu garto.

Hadaba waxaa la tilmaamay umad imaan doonto Aakhiro Zamanka, umaddaas oo leh tilmaamo u eg tilmaamaha aan maanta leenahay, waana Xaddiis iska daciif ah oo sugnaashihiisa aan la ogayn, laakin waxaa isoo jiitay qaabka tilmaanta umaddaas macna ahaan xaddiisaka uu ku sheegay, marka aad eegtidna waxaa kuusoo baxaya in maanta sida aan nahay uu tilmaamayo!

Hadaba waxba yaanan hadalka idinku sii badin, aan idiin kala baxo idinka iyo xaddiiskaas iyo tilmaanta uu bixinayay,  waxuuna ku qoran yahay kitaab la dhaho mucdamo saqiir, sida aan sheegayna xaddiis ahaan waa daciif, oo hal nin ayaa marfuuc ka dhigay, micnaha saxiix ku tilmaamay, ninkaas isaga ahna  wuxuuna aad u cabirayaa dadkanaga waxa ay ku sugan yihiin iyo tilmaanta ay leeyihiin.

Wuxuu oranaya C/laahi bin cabbaas allaha ka raali noqdee “waxaa imaan doono marka la gaaro Aakhiru zamanka, Qoom wajiyadooda ay yihiin wajiyada aadmiga  qalbiyadoodana ay yihiin qalbiyada shaydaanka, bani aadam ayay u egyihiin way isku qoslayaan, hadana gudaha iskagama wanaagsana, oo mid walba waxa uu ku mashquulsanyahay sida uu kan kale wax ugu gaysan lahaa, waxaa intaas usii dheer in ay yihiin boobayaal wax booba, oo aan waxba reebin sida Waraabayaasha oo kale,qalbiyadooda wax naxariis ah kuma jirto, waana muuqataa middaas sida saxda ah dad naxariis leh in aanan ahayn.

Waa dhiig daadin badan yihiin oo dilka iyo dhaca ayaa ku badan, mar walbana waxay iskugu gar gaaran dulmiga, bal eeg tilmaanta xaddiiskaas, in yar oo naxariis ah kuma jirto qalbigooda, wax badan ayuu faaiidaynayaa eraygaas sida runta ah, maxaa yeelay naxariista dadka haddii ay ka guurto, waa kuwa u dhaqmo sida xayawaanada oo kale,wuu sii socdaa xaddiiska ka raali noqda sharaxaad ayaan meelaha qaar sii galin doonaa,

Haddaad raacdid wax yar oo xumaan ah kaama ilaalinayaan oo kaama reebayaan, bal in ay kugu kaalmeeyaan mooyee, tusaale tolka aad ka dhalatay u tag, oo laba oday kala sheekayso wax kasta oo dambi ah in ay ku galiyaaan ayay isku dayayaan, lagama yaabo in Alla ka cabsi iyo xaqa in ay kuu dardaarmaan, lagama yaabo in ilmahaaga diinta ku dhaq kuu dardaarmaan, bakhti iyo nacayb in ay kaa buuxiyaan wax aan ahayn kuuma dardaarmayaan, saacadna lagama yaabo in ay kaa ilaaliyaan qubxi iyo balaayo oo dhan, midba midda ka xun ayay kugu dhiiri galinayaan.

Wuxuu kaloo yiri, marka aad ka qarsoonto waa ku xamanayaan, marka aad la joogtidna waa kuu qoslayaan,waana laba wajiilanimo arrinkaa, mar walbana waxay doonayaan in ay faafiyaan wax alla wixii ceeb ah ee aad leedahay, halka sunnada ay ahayd in ceebta la isku qariyo!

Marka ay kuu sheekaynayaana been waxaan ahayn kuuma sheegayaan, oo waa umad wada dhiil ah, micnaha wada qorsha ah, mar walba oo dadka wax loo sheegayo waxaa loo tilmaamayaa wixii wanaagsan oo dhan, iyo waxaana la oranayaa waxaas ayaan qaban doonaa oo runtii qorshahaba aan ugu jirin waa sida maanta madaxda dowladda ay ku dhaqmaan iyo odayaasha dhaqanka.

Waxaa taas sii dheer in ay yihiin umad wada qayaano badan, oo mar walba in ay wax qayaanaan u nool,  wax walba oo aad u dhiibato waa kaa qayaanayaan, eray afkaaga haddii ay ka helaana, isla markiiba waa kuwa u turjuma sida uusan ahayn, una badala hadal kaa hor keeni kara dadka kale, marka wax loo aamini karaa maba jiraan waa umad wada Haabaan noqotay ama dad cun ah, oo wax walba in ay laqaan jecel, waliba xaq darro ku laqaan.

Cunnugooda yar waa cunnug shar badan, bal ilmaheena u fiirsada waa ilmo dhib badan, oo dhagxaan waddada la taagan, masaajiddadana marka ay soo galaan wada buuq ka dhigo,  bal maanta cunnuga soomaaliga waydii kalimadda Shahaadada, iyo gaalada kubadda ciyaarta magacyadooda, mid mid ayuu kuugu sheegayaa iyo shaqadooda, xitaa qaabka ay u noolyihiin waa kaga aqoon badan yahay, amaa shahaadada warba uma hayo waxa ay tahay.

Midkooda dhalinta yar aad  buu ugu dheereeyaa xumaanta iyo waxyaabaha faaxishada ah, taasina waa mid maanta qof walba oo Soomaali ah ka dharagsan yahay, oo xumaanta Taleefonada ayaanba ku sidanaa, wixii aan doonana aan isaga suubinaa, xitaa faaxishada heerka aan ka gaarnay ayaa waxay noqotay, in aan xubnaha Tarankeena aan inta sawirno taleefonada iskugu soo dirno, waa heerkaas heerka aan faaxishada ka marayno maanta, marka soo ma lihin tilmaanta nala ku tilmaamay aqriste?

Odaygooda gaboobay wanaag hal maalin ah xitaa ma amrayo umadda uu u yahay odayga, xumaana ma reebo, tusaala gaaban odoyaasha dhaqankeena iyo ciroolayaasheena bal arag, hal ka mid ah oo maalin inta uu istaago, umadda uu hogaanka u yahay maslaxaddooda wanaaga ku jira amraya, bal sheeg marka la yiraahdo reer hebel halagu duulana, waa mid lasoo istaago sawaxankiisa idaacadaha iyo meel walba oo uu codkiisa ku dheerayn karo!

Qofka mu’minka ah ee dhexdooda ku jira waa la daciifsadaa,  tusaala gaaban isagana, meeqa umad ah oo masaakiin ah oo nagu dhex nool ayaan ku xad gudubnay sharaftooda, oo aan ka dhignay umad aan u dhigmin umadaha kale sida wax qaybsiga 4.5, bal caqliga shaqaynayo inta shaqeeyo hasoo saaro in umad dhan oo uu Alla wada abuurtay, midna la yiraa Nin ma dhamid, midna la dhahaa Nin kaamil ah ayaa tahay, soo caqligaas maahan caqliga buka ee dulmiga maahanee wanaaga aan u jeedin, Allah aan ka cabsano haddaan doonayno in aan dhibkan ka baxno oo barwaaqo gaarno.

Midkooda dulqaadka badan waa doqon dullaysan,  sida ay u arkaan oo waxaa laga aaminsan yahay in uu yahay mid aan waxba iska dhicin Karin, xaqiisana dhacsan kariin, waa doqon dulaysan ayay dhahaan, halka diinteenuna na fartay dulqaadka oo ah, magac Allah nafsad ahaantiisa uu isku magacaabay, tallow waa yaabee umadda nuucaas ah umad nuucee ah baa lagu tilmaami karaa?!

Mid walba oo xumaanta reeba dhexdoodana, waa eedaysane mar walba dambi ku jira oo la eedeeyo, waxaan la yaabay qofka wanaaga sheegaya, miyuusan ahayn mid ka talinaya aayaha dambe ee umadda, wanaag haddi la diido xumaanta maxay u taraysaa umadda, qofka caqliga leh ee maskaxda nadiifka ah leh ma ahan mid ku dag dago xumaanta, waana mid ka fogaado har iyo habeen meelaha xumaanta lagu sameeyo.

Qofka qamarjiga ah ee daroogada iyo khamriga caba, faaxishada bandanna, dhexdooda waa mid muxtarim ah oo aad loo qadariyo,  waana aqoon yahay, soo nama hogaanshaan marka kuwaas na fara qabiilka iyo wax walba oo xumaan ah, sida dhabta ahna ninba ninka uu ka xun yahay waan kasii jecelnahay, waana isaga ayaan dhahnaa ninka naga dhicin kara umadaha kale.

Sunnada dhexdooda waa ka bidco, bidcadana dhexdooda waa ka sunno, sidaa marka ay dhacdana, Allah wuxu ku sallidaa kuwa ugu dhibka ka badan, oo uu kaga dhigaa xaakimiintooda iyo hogaankoodaba, mar haddii uu hogaanka kaa halaabana, sida dhabta ah waa fahmi kartaa in dariiqa nolosha oo dhan uu kaa dhumayo,  waxaana tusaala yar kuugu filan sida aan maanta nahay, oo dhan walba aan uga dayacanahay, wuxuuna xadiiska sii cadeeyay in marka ay sidaa dhacdo Culimadooda iyo dadka taqiga ah ee allah u dhow in markaa ay alla tuuga badin doonaan, waxna aan laga aqbalayn! Maantana waa na haysataa taas.

Marka xaddiisakan waxaa laga wariyay c/laahi binu cabbaas Allah ka raali noqdee,  waxaa marfuuc ka dhigaya nin la yiraa Maxamed ibnu Mucaawiya, marka waa daciiful xadiis, dariiqa uu saxiix ku yahay lama garanayo, dabaraani ayaana mucdamu saqiir ku qoray.

Marka muhiimaddaydu ma ahayn xaddiiska iyo in aan idin wacdiyo, ee waxaa isoo jiitay xaddiiskan daciifka ah  hadalada  ku jira,  kuwaas oo ila noqday kuwa cajiib ah, marka la eego tilmaamaha qaarna ama sida aan oran karo gabi ahaanba ay yihiin kuwa umaddeena ay ku sifowday, ayna kasoo daahirtay,  sida dhabta ahna xaddiiskan ma ahan mid aan ku koobayo tilmaantiisa Soomaalida oo kaliya, ee waa mid daboolayo gabi ahaanba dunida, balse, inaga soomaali ahaan waxba inagama quseeyaan haddadan la joogo dunida, maxaa yeelay tabarba uma hayno, oo gurigii aan ku noolayn ayuu fasahaadku gubayaa oo ololkiisu baxayaa, sida aan u dammin lahayna aan garan la’anahay!

Hadaba walaalayaal inteena wax garadka ah ee uu Allah xikmadda iyo niyadda wanaagsan ugu deeqay, aan u istaagno sidii aan u bad baadin lahayn umaddeena, Jahliga iyo Jariimada ay ku jiraaana aan uga bixin lahayn, xumaantana uga reebi lahayn, wanaagana u fari lahayn, insha allah waxaana ku raja waynahay in maalin ay noqotaba aan heli doono dadkii u istaagi lahaa xaqa, dulliga iyo duruufaha adag aan ku jirnanan umaddan ka saari lahaa bi idnillah.

Waan ka cudur daaranayaa haddaan erayda qaar si munaasab ah u isticmaalin fahmkana uu noqdo midka aan u dan leeyahay mid ka duwan  gafkayga shaydaan xagiisa ayuu ka ahaaday wixii aan wanaajiyayna alla xagiisa ayay ka ahaadeen.

 

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN