Ma ogtahay in aad tahay qofka ugu fiican dunida! W/Q: Khadra Ali Addow

IMG_EF85FF-8454A0-331BBA-0817CE-31FB1C-816512

Ma ogtahay in aad tahay qofka ugu fiican dunida! Bal hubi naftaada!

 

Nolosha maanta dadka waxa soo wajaha dhibaatooyin. Qaar waxa ey ka quustaan halganka iyo dadaalka ey ku gaari lahaayeen meeshii eey higsanayeen. Qaar waxa ey illoobaan waxyaabaha wanaagsan, ee ey heestaan. Bal fiiri qodobbadan hoose, si aad u ogaato, inaad tahay qofka dunida ugu fiican, wax kasta oo kugu dhaca:

 

  • Haddaad leedahay guri aad ku hoyato, meel aad jiifato, cunto aad cunto iyo dhar aad xirato, ogoow waxaad ka qanisantahay 75% dadka ku nool dunidan.
  • Haddaad heysato lacag, aadna awooddo, in aad isticmaasho xilliga aad u baahan tahay, waxaad ka mid tahay 8% dadka ugu qanisan adduunka.
  • Haddaad ku waabariisatay caafimaad maanta, waxaad ku jirtaa nimca aad u weyn. Sababtoo ah, waxaa jira 1 Million oo qof oon awoodin iney noolaadaan in ka badan usbuuc, sababa la xariira cudurro ey la ildaran yihiin.
  • Haddii aysan ku argagax galin qatarta dagaallada, ama aadan dhadhamin kallinimada xabsiyada, ama aadan la kulmin xanuunka jirdilka, ogoow waxaad ka fiican tahay 500 oo million oo qof oo ku nool dunidan.
  • Haddaad ku tukee masaajidka adiga oon ka cabseen ciqaab, jirdil, shirqool, ama geeri waxaad ku jirtaa nimca eysan heysan 3 Milyaar oo qof.
  • Haddii aabbe iyo hooyo kuu noolyihiin, is lana noolyihiin ayaga oon is furin, waxaad tahay qof ay dhif tahay, in la helo asagoo kale.
  • Haddaad dhoollacaddeyneysid, ALLAH ku mahadnaqeysid xaalad kasta oo aad ku nooshahay, ogow nimca ayaaa ku jirtaa, dad badan wey awoodaan mase sameeyaan.
  • Haddey farriintan ku soo gaarto ood aqriso, waxaad ku sugan tahay laba nimco oo aad u weyn:

B- inuu jiro qof kaa fakaraa.

T- inaad ka fiicantahay 2 Milyaar oo qof, oon awoodin, iney wax aqriyaan.

 

WAXAAN KULEEYAHAY:

 

Si aad u noqoto qof ka farxad badan sida aad hadda tahay, uga mahadnaq ALLAH nimcooyinka faraha badan, ee uu ku siiyay. Carrabkaaga marnaba yuuna ka fuqin xusidda ALLAH, xifdina dardaaranki nabiga NNKH uu ku la dardaarmay saxaabiga Mucaad (Alle ha ka raalli noqdee) kaas oo ahaa “Ha ka tagin salaad walba inaa tiraa; Ilaahow i waa faji xusiddaada, mahadnaqaaga iyo inaan si wanaagsan kuu caabudo”.

 

W/Q: Khadra Ali Addow

SHEEKOOYIN