Ma tahay HOOYO Soomaaliyeed? W.Q: Asiyo Dawaarig

Ma tahay HOOYO Soomaaliyeed?

 

Ma dooneysaa, in ilmahaagu nolosha guul ka gaaraan? Sidaan la soconno waan wada garanaynaa, hooyo meeqamka nolosha Aadamaha ay ka joogto. Waa tiirka qoys kasta.
Hooyo kasta oo Soomaaliyeed waa macalinka koowaad ee ilmaheeda, marrka waxaa loo baahanyahay, in ay siiso ilmaheeda barbaarin wanaagsan, akhlaaqduna ugu horreyso, dad la dhaqanka kuwa ka waaweyn iyo kuwa ka yaryarba siday u ixtiraami lahayeen, diin jaceyl in uu yahay qof islaam ah waxyaabaha Alle ka reebay iyo kuwa la faray, dhaqan jaceyl, dadka Soomaaliyeed uu ka soo jeedo dhaqankooda, dal jaceyl in uu dalkiisa dadka ku nool iyo astaamihiisa uu jeclaado, waayo, fursadaha ugu qaalisan uu ilmuhu ka faa,iideysan karo waa agjoogga hooyada.

Aabbuhu badanaa wuxuu noqon karaa shakhsi hoyga ka maqan, haddii ay ahaan lahayd, in uu mashquul ku yahay ganacsi, halka ay ku nool yihiin meel ka fog uu ka shaqeeyo ama howlo siyaasadeed uu ku jiro, waa sida ugu badan ee aabbayaasha Soomaaliyeed ugu heli karin jaanis ilmahooda.

Hooyo saameynta ugu badan adigaa ilmahaaga ku yeelan kara iskagana dhigi kara ilmahaaga saaxiibka kowaad uu leeyahay, marka ma dooneysaa, in ilmahaagu nolosha guul ka gaaraan?
Hooyo markaad noqoto, qofka ugu dhow ilmahaaga lana socda ilmahaaga dhaqdhaqiisa, waxaad ogaan kartaa ilmahaaga waxa uu doonayo mustaqbalka, in uu gaaro ama uu higsanayo, sida marka uu ilmahu billaabo, in uu hadaaqo (hadal bilaabo) in aad ka garan karto halka uu ku wajahanyahay ama marka uu jecelyhay, in uu ficil ahaan, in uu sameeyo oo isku dayo, sida in uu iska dhigo qof war tabinaya ama qof dad caawinaad gaarsiinayaa ama ganacsade matalo iyo ilmo jecel mar walba in uu guryo dhiso.

Waa dhab waxaas uu jecelyahay, in uu doonayo, in uu heer ka gaaro, markaas aad ogaato ku dhiirrageli iskuna day, in aad siiso mawduucyo la xiriira waxaas uu jecelyahay, oo aad uga sheekayso dad guula ka gaaray halkuu higsanaayo, si uu ugu dhiirrado oo uu yoolka uu leeyahay u gaaro.

Waa xaqiiq, qof kasta waxa uu jecelyahay oo lagu garab istaago, in uu guul ka soo hoyayo, markaasna uu mahdinayo barbaarintii wanaagsaneyd uu helay. Ilmahaaga oo guuleysta waa guushaada.

 

W.Q: Asiyo Abdirahman Abdisamed Dawaarig

 

SHEEKOOYIN