MA XABASHI BAANU NAHAY MISE… ? W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

MA XABASHI BAANU NAHAY MISE……. ?

Taariikhda waxaa loo bartaa si wax looga ogaado wax badan oo aan la ogayn aqoona loo lahayn, waxaa kaloo taas  sii dheer in Qofka Taariikhyahanka ah uu mararka qaar saadaalin bixin karo micnaha uu wax ka saadaalin karo wax markaa ku adkaaday Dadka halka ay ku biyo shubanayaan isaga oo ka tusaala qaadanayaan sooyaalka Taariikhda.

Taariikhda sideedaba waa Astaan la xariiqo oo markaa laga soo xariiqay ama ay xariiqeen Dadkii sameeyay, iyada oo mararka qaar laga been sheego jiritaankeeda, balse, maadaam wuxu ay yihin wax la qorayo Dadna ay qorayaan, marnaba kama marna Maslaxaddda dambe ee markaa la leeyahay, waxaa kaloo ka marnayn waxyaabaha sida Faan iyo Ceeb qaris.

Dadku ma qoraan taariikhdooda Madow, haddii ay dhacdo in ay qoraana waa mid ay Afeef ahaan ama Digniin ahaan ku tusayaan Dadkooda dambe in aysan samayn Qaladka ay ayagu sameeyeen mid la mid ah, waxaana la dhihi karaa in la sheego Ceebaha ama Baalasha Madow ee Taariikhda, waxay Gogol xaar u noqotaa in mar dambe aan lagu celin khaladkaas, si dhibka markaaas la arkay aanan dib dambe loo arag.

Taariikhda Soomaalida marka aad dib u eegtid waligeed waxay ahayd mid qasan oo aan Hadaf lahayn, mar walbana waxaa jiray Laba qolo oo iska soo horjeeddo oo ku kala duwanaa markaas Hadafka loo abaari lahaa Qaab Nololeedka Bulsho ee markaa jiray.

Marka si dhab ah loo eego Soomaalida iyo Xabashida waligood Col ayay ahaayeen, hadana mar walba waxaa Siyaasad ahaan guulaysan jiray Xabashida,  laga yaabee in Soomaalida mararka qaar Military ahaan ay guulo soo hoyaan, taas oo marka si dhab ah loo eego aanan macna badan suubin jirin, waxaana jira Oraah oranayso u Guul darayso maanta dagaalkaaga, si aad maalin dambe u Dagaal gasho, taas oo looga jeedo in maalmaha qaar ee Qaraarka ah in aad dhadhamiso ay kuu wanaagsan tahay, si aad u adkayso Midnimadaada iyo Hadaf siyaasadeedka markaa aad leedahay.

Micnaha u jeedada qoraalka aan Cinwaanka uga dhigay ayaa ah, in aan isku waydiiyay waxa aan runtii nahay, Magac Soomaali waanu wadanaa marka dhabta laga hadlo, Erayga Soomaali la dhahan waa afka aan ku hadalno iyo dhulka aan dagannahay ee ma ahan mid ka tarjumaya waxa aan Umad ahaan nahay iyo halka aan kasoo jeedno.

Waxaa laga yaabaa qaarkiin in aad is waydiisaan Qoraha waxa uu ku keenay qoraalkan, su’aashan uu is waydiiyay ee ah ma Xabashi baa nahay mise……….?

Jawaabta haddaan meel dheer kula aado waxaa laga yaabaa in aad jaanis iigu hesho in aad Muran dadban ama toos ah ila soo aaddo, balse, taas waa hore ayaan ka diyaar garoobay oo waxaan ku leeyahay waxa aad tahay waa tahay, kumana oranayo Xabashi ayaa tahay, balse, waxaan hubaa waxa aad isku magacowday in aadan ahayn una dhalan una shaqayn sida uu kor ku noqon lahaa, waligaana aad ahayd mid Qandaraasla ah oo kolba halka loo saaro Qandaraaskiisa ka shaqayn jiray.

Dagaalada Gudaha ama Dibadda ay Soomaalidu gashay marka si hoose loo eego kuligood wuxuu ahaa Dagaalo hadaf la’aan ku dhisnaa oo loo yeelay Magac wanaagsan ee Soomaalinimo ka muuqato, balse, barta saxda ah ee uu markaa kusii jeeday waxay ahayd bur burinta Soomaalinimada loo nasab sheeganayay markaa.

Waxaa jirtay xilli gaaban oo jaanis loo helay in Soomaalinimo loo istaago loona diriro, hadana waxaa markaa soo taagnaa Dad kale oo Soomalinimadaas dhinac ka sheeganayay, diidanaana shaqada markaa socotay, ayaga oo ku andacoonayay in howshu Magaca ay sidato aysan ahayn oo ay Shaqsinimo ku durayeen, ujeedadda aan hadalka ka leeyahayna waa Dagaaladii ay soo galeen Sayidka iyo Axmed Gurey iyo intii kale ee Soomaalinimada ama Islaanimada ku diriri jirtay, colna la ahaa Xabashida iyo wixii la hal maaala, balse xusuusta ma ahan in laga saaro Ragaas aan soo sheegay Dadkii ugu darnaa ee la dagaalamay diidanaana Hadafka ay wateen in ay ahaayen Soomaali kale, Magaca ay rabaan ha qaataan ama ha adeegsadaan.

Howl marka la fulinayo halka laga fulinayo ay iska caddahay micnaha halka looga soo amar qaato fullintaas wax is badal ah ma jirayo, mar walba Sawirka iska muuqdana wuxuu ahaanayaa mid sidiisa u muuqda waana ka xumahay runtii in aan anaga noqono Dariiqa la isku bur bursho la isku adeegsadana.

Wax jirtay hal mar oo la oran karay Cadowga Dariska ah ee Maskaxda badan inoo adeegsan jiray aan ka fogaano, waana marka uu Siyaad Barre Xukunka qabsaday oo wax u eg Qaran Soomaaliyeed oo dhab ah uu soo baxay, maxaasa ka dambeeyay?

Intii Siyaaad la shaqaynaysay waxay dantu bidday in ay Magan u noqdaan Itoobiya, isla halkaasna laga soo abaabulo Filimka maanta socda ee la magac baxay Filimka aan dhamaadka lahayn, waana filim runtii aad looga soo shaqeeyay ilaa xadna la oran karo Itoobiya waa ku guulaysatay, inkastoo wali ay wax badan u dhiman yihiin, ayagana haddii waqtigu uu sida uu hadda ku socda ku sii socda ay heli doonaan waxa ay ku hammin jireen.

Bur burkii Siyaad kadib, Filimka Soomaaliya ka socda waxa uu mar walba kasoo baxayay ama laga soo saarayay  dhankaa iyo Addis, ilaa xad waa lagu guulaystay in Waqooyiga laga dhaadhacsho In ay ka go’aan Soomalia inteeda kale, dhankaa iyo Puntland taariikhda hore marka dib loo eego ay waligood ahaayeen kuwa u jilicsan xagaa iyo Addiis dhib bandanna aan ku hayn, oo waxaaba la oran karay waxay ahaayeen Jabhaddii ugu horeesay ee Soomaliya Xabad lagu soo farsameeyay Itoobiya ku soo ridday, ayagana waxay hadda raaceen Dariiqii Waqooyi Galbeed Soomaaliya ay raaceen.

Istaraatijiyadda Itoobiya markaa waxay ku koobnayd sida ay labadaas Gobol Soomaaliya uga goyn lahayd, maadaama ay lahaayeen Xeebo dhaadheer dadna ay wadaageen micnaha waxa aan ka hadlayo waa dhanka Soomaalida Itoobiya xigta, iyo kuwan ay isku qoys ahaayeen ilaa xadna waxaa la dhihi karaa waa ku guulaysatay Itoobiya, maadaama Dakadaha labadaas gobol ay Itoobiya si raqiis ah ama la oran karo waaba qiima la’aan ay Badeecadahooda ugala soo dagaan.

Hammiga maalinba meel ayuu kaa sii tuuraa, xiligaas Itoobiya hadafkeeda ma ahayn in ay Soomali oo dhan gacanta kusoo dhigto, balse, markii ay heshay aragtayna in Damiir laawayaashu badan yihin loona jidbaysan yahay, in shaqada ay doonto loo qabanayo iyada oo looga badalanayo Magac iyo Maqaam aan jirin ayay soo hunguriyaysay intii kale ee ka hartay Somaalia,  maalin walba sida ay shaar usoo gashaynaysay maanta waxay taagan tahay heer ay anagaba naga mid tahay, oo Cidda Itoobiya la safan ay maanta ka sharaf badan tahay cidda kasoo horejeeda, Nin aysan Itoobiya soo sharciyayna uusan waxba ka noqon Karin Soomaaliya, Filimkan aan ka nahay jilayaasha oo mar walba oo Jilaa waqtigiisa dhamaado ama dhinto lagu badalayo Jilaa kale, waana wada contarct  waxa socda maanta.

Itoobiya shaqadeeda iyada oo Addis joogta ayaa loo qaban jiray dhib la’aan, wax walba oo ay doontana xagaas ayay ka fulin jirtay,haddii ay ahaan lahayd in ay markaa fashiliso wax aysan danteeda u arag iyo haddii kalaba, balse,howshaas waxay soo gabgabowday Sanadkii 2006 markii Maxaakimtii ay la wareegeen Magaalada Muqdisho iyo Konfurta Soomaaliya intaeeda badan, waxaana meesha ka baxay Qolooyinkii Itoobiya Military ahaan markaa howsha u fulin jiray oo awooddoodii la wiiqay dib dambana aysan usoo laaban Karin.

Waxaa taas lagu micnayn karay Dhabar jab soo wajahay Qorsho muddo soo socday oo u hirgali waayay Itoobiya, taas oo dhalisay in markan ay howsha Gacmaheeda ku qabsato, taas oo kaliftay in Maal badan iyo Rag badan ba ay ku wayso, Dhiiqa xuna ay dhexda la gasho.

Mar walb waxaa jiray Maamulo ka wayn Itoobiya, oo filimka gadaal ka hagayay ,balse ujeedooda ayaa mid ah, marka inaga waxba iskuma keen dhaaman Mareekan iyo Itoobiya, maadaama ay ku midaysan yihiin hadafka ah hala waayo wax Soomaali la dhaho, taas oo runti ay u adeegsanayaan dhaqaalahooda iyo Dad inaga mid ah oo Soomaali wada ah.

Taariikhda iyada aya is fur furta C/laahi Yusuf ayaa lagu nacayay Itoobiya, Shariifna Itoobiya ayuu kasoo horjeeday, wuxuu Alla qaddaray in Shariif uuba kasii darnaado C/laahi Yusuf, marka la eego sida loogu adeegayayay Itoobiya iyo Mareekan intaba.

Waxaa la yiri kumeel gaar ka baxa, Xasan ayaan naloo keenay waaba kasii dartay howshii, oo haddii shalay Itoobiya aysan ahayn Amisom maanta Amisom ayay noqotay, dhaqaalana waa u baaqday oo Magac African ayay wax ku cuntaa, Ahdaafteeda Siyaasadeed ee Soomaaliyana marti kama ahan oo waaba aragtaan sida Gabra uu u kala maamulayo Hogaanka noo magacaaban.

Haddii marka Hogaan walba aan yeelano waxa uu dhisayo ay yihiin, wax uu u dhisayo raali galinta Itoobiya, ma Soomaali baa nahay? Soomaali wax ay iyada leedahay ayay dhisan jirtay ee wax Dad kale leeyihiin ciddii loo dhiso ayaa leh waana sida dhabta ah.

Maalin walba marka ay is qabsadaan shaqaalaha Itoobiya(Hogaanka Soomaalida hadda) isla Itoobiya ayaa dhex dhexaadiso, ha dhahdo midkood iska bax ama ha ku qanciso in uu meel kale wax ka helayo, ama ay ka siin doonto, balse, dhabta ayaa waxay tahay in wax wanaagsan aan laga filan Karin kuwa hadda Hogaanka noo ah, maadaama Qaranimada ay Khayaano mar walba la daba taagan yihiin, in ay dumiyaana diyaar u yihiin si Maalmo kooban ay wax ugu noqdaan.

Runta marka aan isku sheegno ma naqaan waxaanu nahay, marba haddaanan u adeegayn waxa aan sheeganayno  haybad ahaan, Qofka marka waxa uu yahay uu u dhimanayo una dagaalamayo ilaa heerka uu doonaba haka gaaree ayaa la tilmaami karaa tilmaantiisa dhabta ah, balse, Dad Hogaankooda iyo Halyeyadooda ay waligood Cadowga la kala safnaayeen, marka mid uu xabad ku rido Cadowga uu midka kale caana la daba taagnaa,  soo lama oran karo marka walaalayaal in aan maanta is waydiino Su’aasha ah ma xabashi baanu nahay mise?

Haddii Dadkii oo dhan ay Xabashi u wada shaqaynayaan, Qof walbana uu ku dadaalayo sida xabashida hadafka ay leedahay uu u gaarsiin lahaa heerka ay Xabashida doonayso, soo xabashi ma nihin?

Haddii aan Qofka Soomaaliga ah kaga kalsooni badanahay midka Xabashida ah, kan Soomaaliga ahna aan u arko Cadowgayga koowaad, kan Xabashiga ahna aan u arko Walaalkey soo xabashi ma nihin ?

Siyaasadda Soomaalia sida dhabta ah waa mid loogu adeegayo Shisheeyaha, ha ahaado Xabashi ama kuwa kale, waasa xaqiiqo in Siyaasad maanta loogu adeegayo Soomaali aysan meesha ka jirin, waxa jirana ay yihiin wax sii wiiqaya Rajada dambe ee Soomaalinimo, waan ka xishoonayaa in aan idin dhaho iska iloowa Soomaalinimo, balse, waqtiga idin ogolaysiiyay in Itoobiya oo Amisom ah aad aqbashaan shalayna idin diidsiinayay isla waqtigaas ayaan sugayaa marka uu idin ogolaysiiyo in aad aqbashaan in aad ka mid tihiin Dhulwaynaha Itoobiya ay caasimaddiisu tahay Addis Abab,  wax Soomaali la dhahana ay noo noqoto oo kaliya hayb ay Qoomiyad sheegato oo kaliya.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.