Maalmaha Xorriyadda Soomaaliyeed ee Weli Xanniban Q2aad W/Q: Bashiir Cali Barre

Maalmaha Xorriyadda Soomaaliyeed ee Weli Xanniban.

Q2aad Xornimadii koofurta iyo Doorkii SYL

Ummadaha dunida ku nool waxay leeyihiin maalmo ay si gaar ah u maamuusaan isla markaana ku weyn qalbigooda, kuwaasi oo ku astaysan qarannimada bulshadaas.

 Maalmahaas  waxay xuska goonida ah ku heleen maahan inay yihiin maalmo ka wacan oo ka wanaagsan maalmaha kale ee kaliya waa inay yihiin maalmahaasi kuwa qarankaas uga duwan maalmaha kale ee sannadka ku jira, sababo la xiriira xasuus gaar ahaaneed oo dahabi ah.

Si taas la mid ah ayaa dalka soomaaliyeed iyo dadkiisuba u leeyihiin maalmo taariikhaysan oo si gaar ah loo xuso looguna dabbaaldego sida, Maalinta Ciidanka Xoogga dalka oo ah 12 Abriil, Maalintii la abuuray SYL oo ah 15 Maajo, Maalmaha xorriyadda Soomaaliyeed ee kala ah 26, 27 Juunyo iyo 1da Luulyo iyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed oo ah 12 Oktoobar.

 Haddaba waxaan maanta ayaannu u dabbaaldegaynaa mid kamid ah maalmahaas qaran ee ku astaysan qarannimadeenna, 1da Luulyo ayaa lagu xasuustaa xornimadii koofurta soomaaliya iyo midowgii labadii gobol ee gumeysigii reer galbeedku kala qoqobay.

 Xornimadaas kuma imaan deeq gumeystihii dalku u kala qaybsanaana nooma garan ee waxaa ku baxay dhiig xinjiro gaduudan leh, Nafo tira dhaafay oo isugu jira, agoon, agub, indheergarad, waayeel iyo nuuckastoo bulshada soomaaliyeed ay kamid ah ayadoo sida la sheegay ay doorka ugu wacan ka qaateen haweenka soomaaliyeed sida is garab taag dhab ah oo xagga dhaqaalaha ah iyo abaabulka oo ay qayb wacan ka qaateen.

 Waxaa xarakadaas soomaaliyeed ee gobaynta dalka iyo dadkeenna soomaaliyeed dhiiggooda u shubay ay ahaayeen ururkii Dhallinyarada soomaaliyeed ee marka magaciisa lasoo koobo loo yaqiinnay SYL ‘‘Somali Youth League’’.

SYL waxay ahaayeen dhallinyaro aad u carbisan oo aad ula socday dheelliska siyaasadda caalamka iyo siday u socotay, waxaana markiisii hore ururkaas 15/05/1943kii lagu aas aasay magac aan ahayn SYL, kaasoo ahaa SYC ‘‘Somali Youth Clup’’ kahor intaan magaca ururku SYL noqon 1947kii, waxaana sida taariikhdu ay xusayso ay qarinayeen dhallinyaradaasi inay yihiin urur siyaasad ku shaqa leh ayagoo ka cabsanayey inay caqabad kala kulmaan maamulkii BMA ‘‘British Military Administration’’ oo markaas dhammaan dhulka soomaaliyeed marka laga reebo xeebta jabbuuti gacanta ku hayey kadib markii dagaalweynihii labaad ee dunida qaybtiisii ciidda soomaaliyeed ka dhacday ay ingiriisku talyaaniga kaga adkaadeen bishii May ee sannadkii 1941kii, balse markii dunidu kala adkaatay ay quwadihii guulaystay u caddeeyeen waxay doonayeen oo ahayd inay rabaan dalkooda oo ka xor ah gumeysiga lagu haysto.

 Waxaa SYL seeska u dhigay ama aas aasay 13 dhallinyaro soomaaliyeed oo markaa magaalada muqdisho ku wada noolaa waxayna magacyadoodu kala ahaayeen:-

1-C/qaadir Shiikh Sakhaawudiin 24 sano jir  

2- Daahir Cusmaan Sharmaarke 18 sano jir

3- Cismaan Geeddi Raage 18 sano jir

4- Maxammad Faarax Hilowle 18 sano jir

5- Maxammad Cismaan baarbe 33 sano jir

6- Maxammad Xirsi Nuur {Siidii] 28 sano jir

7- Maxammad Xuseen Maxammad 26 sano jir

8- Cali Xasan Maslax 24 sano jir

9- Maxammad Cabdullaahi Xasan {Xayeesi} 25 sano jir

10- Yaasiin Cismaan Sharmaake 26 sano jir

11- Maxammad Cali Nuur 16 sano jir

12- Dheere Xaaji Dheere 17 sano jir

13- Huudow Macallim Cabdulle 17 sano jir.

Sidoo kale waxaa jirey naftood hurayaal badan oo usoo halgamay hanti iyo nafbana u hurey dhulkooda hooyo, waxaana ka mid ahaa, Xaaji Faarax Oomaar, Shiikh Xasan Barsame iyo sheikh Bashiir.

 1948kii ayaa afartii quwadood ee dagaalkii labaad ku adkaatay waxay xamar usoo direen wafdi xaqiiqo raadin ah, kaas oo doonayey inay arkaan bal waxaa y soomaalidu rabto, waxaana xilligaas jiray xisbiyo dhowr ah oo SYL barbar ordayey badankoodna uu sameeyay gumeystihii talyaaniga, waxayna ku doodayeen inaysan doonayn xornimo ee ay doonayaan inay talyaaniga maxmiyad usii ahaadaan ugu yaraan 30 sano oo kale, waxaa kaloo jiray oday dhaqameedyo inkaar qabayaal ah oo sheegtay inay yihiin boqorro beeleed oo ka xaglinayey ururrada gobonnimo doonka ah.

 Dhallinyaradii leegada ee 15kii May 1943dii Muqdisho laga dhisay iyo xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka aas aasmay goballada waqooyi ee dalkeenna Soomaaliya waxay gundhig u noqdeen Xornimaddii la gumeeyay ee dalkeennu uu gaaray 1dii July ee sannadkii 1960kii.

 Markii xornimada la qaatay kadib SYL waxay ku milantay siyaasaddii dalka ka jirtay ee xarig-jiidka, shaqsi nacaybka iyo qabyaaladdu buuxdhaafisay, waxaa dhacday in shaqsiyaad in la sharfo mudnaa in dariiqyada lagu caayo har cad, kuwo aan in la sheego mudnaynna halgamayaal loogu yeero.

 Markii uu dalka millatarigu qabsaday ayaa badankood xubnihii SYL  ee siyaasadda ku jiray xabsi, xabsi-guri iyo masaafuris laysugu daray, sidaana waxay marti iyo dambiileyaal kaga noqdeen dalkoodii ay shalay dhiiggooda iyo maalkooda ku baxsheen xorayntiisa.

Qoruhu wuxuu qabaa in cuqubada laga galay raggaas halgameyaasha ah ay qayb ka tahay dhibaatada muddada soddonka sano ka badan dalkeenna ka jirta ee dhinacna u dhici la’

 W/Q: Bashiir Cali Barre

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.