Maansada: Ambaqaad

Maanso Ambaqaad

10911238_10203660297684525_42421129307967057_o

Maansadan ambaqaad waxaan curiyay 17.09.2011 waxaana igu dhaliyay, dood ku saabsan in mar walba ummadeenu halhays iyo halqabsi ka dhigato, adduun weynahaa dhibaato nagu haya, faragelin shisheeyaa jirta, cadowbaa nagu soo duulay, Arrimahani waa kuwo jira, hase yeeshee miyeynu is weydiinay yaa ka oggolaaday in la farageliyo, waxaynu marag ka wada nahay, waxaa nagu dhacay waa waxaan inagu isu geeysanay innagaana iska saari karna, waxaana kaga gudbi karnaa inagoo dalkeena iyo dadkeena daacad u ahaana, dhib iyo dheefna wadaagna, Saaka waxaan maansadan ku soo xasuustay, halka aynu maalintaas joognay iyo hadda, ineynu weli ka sii rajo xunahay halkii maalintaas.
Maansadii Ambaqaad

  1. Haddaan alifkeeda
  2. Arraarta billowga
  3. Intaan unko maanta
  4. Abbaaro xogtayda
  5. Haddaan asalkeeda
  6. Aqoonta lafteeda
  7. Intaan ambaqaado
  8. Asleeyo runteeda
  9. Haddaan arrinkeeda
  10. Ujeedka xagiisa
  11. Intaan u asteeyo
  12. Afeefto u sheego
  13. Asluubta dhigaalka
  14. Amuurta dhexdeeda
  15. Asraraar ka ilaasho
  16. Dadoow eraygeeda
  17. Eed meel iska saaro
  18. Ayaa bal la eersan.
  19. Allaa mahadaa leh
  20. Awoodna dhankiisa
  21. Adduunka wax jooga
  22. Abuuray dhammaane
  23. Oggaada xaqiiqda
  24. Haddaad aqalkaaga
  25. Afaafka adkayso
  26. Albaabkana ooddo
  27. Ilaashato heedheh
  28. Allaabta dhexdiisa
  29. Illeyn lumimayso
  30. Haddaad agabkaaga
  31. Agtaada ku dhawrto
  32. Ishaada ku hayso
  33. Intaadba u jeedo
  34. Aqoon xumi tuuga
  35. Ileeyn arki maayo
  36. Haddaad ubadkaaga
  37. Aqoontiyo diinta
  38. Anfaaca wanaagsan
  39. Abaabis hagaagsan
  40. Asluub ku rabayso
  41. Illeeyn amban mayso
  42. Haddaad ehelkaaga
  43. Intii san ku raacdo
  44. Intii xun ka diido
  45. Adkayso xidhiidhka
  46. Adeecdo waxii san
  47. Ileeyn ma irdhoowdid.
  48. Waxaan arartayda
  49. Arboow dulucdayda
  50. Ujeedo aqoonso
  51. Waxaan eraygeeda
  52. Afeef ugu yeelay
  53. Inay ambaqaado
  54. Asiibto halkii san
  55. Wanaag ku aroorto
  56. Intaad arrinkaaga
  57. Ergooyin u dhiibto
  58. Afkaagu ka sheexo
  59. Inaad ku caddayso
  60. Aqoonta naftaada
  61. Inaad ku adeegto
  62. Haddaad asalkaaga
  63. Awoow dhaxalkiisa
  64. U ooddo gumayste
  65. Ahaato allaabo
  66. Afkuun ka hadlaysa
  67. Awoodna lahaynin
  68. Haddaad isticmaarka
  69. Arboow u taqaana
  70. Adoonsi wax fiican
  71. Illoowdo dantaada
  72. Aboor ku cunaaya
  73. Haddaad u abqaasho
  74. Abuur iyo geedo
  75. Haddaad aynigaaga
  76. Asaaga filkaaga
  77. Abeed u ahaato?!
  78. Haddaad ururkooda
  79. Ushaada u dhiibto
  80. Adaa is dilaayee
  81. Ha eersan adduun
  82. Ugaabi naftaada
  83. La jiif urugtaada
  84. Afkaaga ka dhawro
  85. Cidbaa I ataagtay.
  86. Usoo degay hoose
  87. Waxaa arligeena
  88. Abaarta ka yeelay
  89. Waxaa ummadeena
  90. Alhuuma dul joogta
  91. Waxaa ubadkeena
  92. Asaagood ka reebay
  93. Waxaa odaygeena
  94. Agnaanka ka yeelay
  95. Aqoon yahankeena
  96. U diiday odhaahda
  97. Indheergaradkeenu
  98. Waxuu la irdhoobay
  99. Arliga uga dhoofay
  100. Ayaa garanayaa?.
  101. Aqoondaro maaha
  102. Iftiinka adduunka
  103. Islaanimo fiican
  104. Awood la yaqaano
  105. Allaa ina siiyoo
  106. Nimaan aqriyayna
  107. Agteena ma joogee
  108. Inaynu adeecno
  109. Awaamirta eebe
  110. Islaamna ahaano
  111. Akhyaarnimo keeno
  112. Ayaa is hortaagay ?
  113. Hadday ummadeenu
  114. Israaci lahaydoo
  115. Aqoonsan lahayd
  116. Mar uun arki layd
  117. Idbaarka naftooda
  118. Dhibkay ku idlaatay
  119. Ur baa bixi laydoo
  120. Ishaaro wanaagsan
  121. Ayaa iman layde
  122. Bal eega arligeena
  123. Bal eeg umadeena
  124. Bal eeg arageena
  125. Anfiyo dhibka haysta
  126. Abaarta ku faaftay
  127. Irdhada olalaysa
  128. Aydii lagu foofshay
  129. Waxay afka saarto
  130. Iyo anaanuf ka wayday!
  131. Bal aan u ekeeyee
  132. Rag baa abid nooloo
  133. Aqoon ka idlaanoo
  134. Ilaalsha dadkoodo
  135. Ilaah u diraaaye
  136. Abaabul wanaaga
  137. Asluubta nidaamka
  138. U duubta islaaxa
  139. Qoraaga asteeya
  140. Allman arinkiisa
  141. Inaaynu ku raacno
  142. Ayaa ila fiicaan.
  143. Si aan u ahaano
  144. Dad aayo sameeyo
  145. Aqoona ku duulaa
  146. Intaanan dhamaynin
  147. Bal aan eraygeeda
  148. Allaah barigiisa
  149. Akhiir uga yeelee
  150. Aamiinta I raacsha
  151. Dadoow idilkiinba.
  152. Abaarta dalkeena
  153. Illaah haka qaado
  154. Ixsaanka wanaaga
  155. Islaanimo fiican
  156. Ilaah hana siiyo
  157. Aqoon lagu faano
  158. Afrika laga sheego
  159. Sidii awalkeenii
  160. Ilaah hana siiyo
  161. Dadkoo ah walaalo
  162. Abti iyo ina eedo
  163. Adeer innankiisa
  164. Aayiyo ubadkeeda
  165. Arxaamna dhexyaallo
  166. Af xumo laga dhawro
  167. Israaco dhammaana
  168. Ilhaah hana siiyo.
  169. Awlaad umadeeda
  170. Hadeer u adeegta
  171. Aqoonin xumaanta
  172. Iblayska qabiilka
  173. Axyaa waddanii leh
  174. Ilaah hana siiyo.
  175. Dad koo is arkaaya
  176. Eed aysan dhex oolin
  177. Eexdoo la dhammeeyo
  178. Sinnaan ambaqaado
  179. Ilaah hana siiyo.
  180. Ibtilo xuma reebta
  181. Isir lagu faano
  182. Anaa u sareeyaa
  183. Anaa xukumayaa
  184. Anaa ugu fiicaan
  185. Waxaa arligeena
  186. Ammuugan ka yeelay
  187. Ilaah hana dhaafsho.
  188. Argaagaxa yaalla
  189. Aabbaha la dilaayo
  190. Agoonta qaxaysa
  191. Aasayda haweenka
  192. Ilmada qubanaysa
  193. Ilaah hana dhaafsho.
  194. Afduubka dadkeena
  195. Ayaamahan haystay
  196. Ikhyaar laga qaaday
  197. Awoodii dadweyne
  198. Rag kale ku adeegto
  199. Illaah hana dhaafsho
  200. Dadkoo isku uura
  201. Ul iyo sida diir ah
  202. Is aamin yimaado
  203. Ilaah hana siiyo
  204. Ilaah hana siiyo.

Amminta: 14/09/2011

Curiye: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

galayr1977@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN