Maansada Damaq W/T Cabdinaasir Maxamed Cali

Maansadan Damaq waxa ay ka hadlaysaa dhibaatooyinka lixaadka leh ee dalkeenna ka jira waxa laga dhaxlay iyo dagaallada iyo dirirta sokeeye sida ay u saameeyeen nolosha ubad badan oo ku waayey waalid iyo waaceenba, taasi oo gayeysiiyey in  ay ku noolaadaan duurka, darbiyada iyo daleelaha daaraha jajaban ee magaalooyinka,  iyadoo aysan jirin, dadweyne iyo dowlad iska xilsaartay oo u taagan daryeelkooda iyo danayntooda, haddaba bogasho wacan:
Da’da maansa-deydiyo
Deelleyda suugaan
Danta hadalka aan rabo
Haddaan daahfurkisiyo
Duluc kale ku sii daro
Hoy dalkeenu waa hodan
Deeqdiisu waa buux
Dalaga iyo beeraha
Duunyada la dhaqayiyo
Duurjoog ugaariyo
Macdantiyo dahabkiyo
Shidaalkuna dihanyahay
Wali aan loo degin
Deeqdiisu dhimantahay.
Badda dayrka nagu ahe
Daadsan yahay kalluunka
Dahabka iyo luulkuba.

Rabi nama dureynine

Oo nama duleynine
Dalka dunida ugu ladan
Ugu deeqda badanbuu
Degelkeenna laga dhigay
Innagaan dareemine
Umad diidan toodii
Gunnimana ka doorbiday
Dawarsiga shisheeyiyo
Doolaalka cararkiyo
Dumi oo rid mooyee
Aan daysta garanayn
Xumo loogu dowgalay.
Is dilkaan dhexdeena
Duulaanka dhiiga leh
Dirirtaa sokeeyaha
Dambarkaan ka maalna
Ama deexda laga helo
Waa dacare ila garo
Da’yartoo la duufshiyo
Darbiyada fariistoo
Daroogada u dheeftahay
Dabka hore la wada dhigo
Daa’in idin ku dhaarshe
Duligiyo xumaantaas
Ma danbaa ma darajaa
Ma wax loo dulqaataa?

Soomalaay dubaaqiyo
Dareenki maxaa helay?
Damiirkiini fiicnaa
Deyn miyuu ku bixiseen
Waxaa dalil ah duulyahow
Dib haddaanan loo noqon
Duruustiyo waxbarashada
Dugsiyada la wada tagin
Jahli daaqad laga xiran
Dawo daa warkeedee
Waan dabar go’aynaa.

Mid kalaan ku darayaa
Ogow ubad ku waa dahab
ubixii  dalkeeniyo
Waa doorka aayaha
Rabbi noogu deeqee
diif inaan ka dhowrnaa

Darxuma ka jiranaa
Waa  danteenna ee garo

Inaan qaar u danayno

Damaq uu inoo galo
U da’daal badnaanoo
Doorsiino nolashoo
Dalcad sare fikteydiyo
Daruuraha ku korinaa
Darna  daranyadaa yo
Daalaadhaciyo hoog
Darbiyada la jiifaan
Dan miyaa ma darajaa?
Ma wax loo dulqaataa?

Dulucdiyo u jeedada
Waxaan uga danleyahay
Haddii aan la dararayn

Diihaalna  laga jiro
Ma duloobo ruuxnee
Darbi-jiifku waa wiil
Da’yaroo wax tarilaa
Haddii loo dadaaloo
Dugsiyadana loo diro
Darxumadiyo diiftiyo
Dacdaradana laga jiro
Cudurada dilaaga ah
Dabayshiyo jadeecada
Dawo uu ka hela iyo
Daryeel caafimaad sugan
U dareemo naxariis
Soomaalay damqada oo
Dar Illaah u kaca oo
Dibjirkana  daleedaha

Dibbadaha u hoydee
U damqada dhammaantiin.
W/T Cabdinaasir Maxamed Cali

SHEEKOOYIN