Maansada DARIIQUU RABBI JEEXAY! W/C: Drs Sedra Sh. Cabdirisaaq

Maansada DARIIQUU RABBI JEEXAY! W/C: Drs Sedra Sh. Cabdirisaaq

Maansadaan magaceeda waxa la yiraahdaa: Dariiquu Rabbi jeexay!” Waa maanso farriin iyo guubaabin ah, kuna socota walaalaha Soomaaliyeed ee goortaan adag uu dhiiggoodu bilaashka ku daadanayo. Waa maanso dareen hadal ah isla markaana damqasho ah. Maansadu waxay leedahay:

Dadnimaa talin wayday
Dawgii waa laga leexday
Lama waayin dadaale
Danba waan laga yeelan
Colaad waa la denshaaye
Nabad baan la danaynba!

Dadka maanta lalaayay
Doodda yaa ka dhagaysta
Dul istaagga xabaasha
La dareema xanuunka
Dabadeed ku yidhaahda
Duulalkii idin laayay
Dagaalkii lagu leeday
Dambigii ka abuurmay
Dunuubtiisa kumaa leh
Dumadiisa ku qaatay
Yaa dalluuntiyo iilka
Dar Allee idin keenay
Bartan laysku daboolay?

Inta geesi la dooxay
Hilibkiisa dugaaggu
Inta uu lafa diirtay
Kala daalay cammuuda
Doqonbaan garanayne
Darkii maanta la aasay
Doorkan yaa tebi doona?

Duddaday ka baxeeniyo
Dermaday ka kaceeniyo
Dugsigay ku jireeniyo
Xilkii loo dirsanaayay
Yaa usoo degi doona?

Haddii aanay duruuftu
Ogaalkaagu dersaynin
Haddii aanu damiirku
Sina kuu damqanaynin
Haddii aanu dareenku
Sina kuu dabrahaynin
Haddii aanad dillaalka
Damaciisa arkaynin
Haddii aanad darjiidhka
Ka durkaynin dhibkiisa
Haddii aanay dubuurta
Diidahaynin dhegtaadu
Ma dawaa dhalanaysa
Daahir yaa noqonaaya
Haddii ayse dunuubta
Daawanayso ishaadu
Ma dalbaa dhismi doona?

Nin dirayska hagoogta
Nin dalaayad samaysta
Diinta ruux ku qaraabta
Shacab aan dayacaadda
Docna aan uga guurin
Dawlad aan naxahaynin
Iyo jaahil durbaanka
Ku dagaaya xigaalka
haddii laysku diraayo
Dabna laysugu dhiibay
Yaa dayaanka rasaata
Intuu duunyo ka maalay
Darajooyin ka gaadhay?

Dabar goynta barbaarta
Deldelaadda gayaanka
Kala daadinta qoyska
Oday waa duco yeele
Waaliddiinta la dayrshay
Nin kastoo ku dan seegay
Isku duulkiyo hoogga
Markii lays dardaraayay
Birta layskala daalay
Nin kastoo qosol deexday
Digashay ka ahayde
Daalimiinta wax laysay
Daayin waa arkayaaye
Inta daadisay dhiigga
U diglaysay waxyeello
Iyagaa ku dambaabtay
Dariiquu Rabbi jeexay!

W/C: Drs Sedra Sh. Cabdirisaaq

NAGA LA SOO XARIIR:
laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN