MAANSADA: DHAB-KA-HADAL Curiye: Kunciil Qorrax

 

 

 

 

 

 

MAANSADA: DHAB-KA-HADAL

1- Kala dhigan ayaamuhu
2- Kala dhidibsan waayuhu
3- Adduun dheelmad weeyaan
4- Naftu dhimasho weeyaan
5- Dhaayo aragti weeyaan
6- Dhagna taagan weligeed,

7- Ruux walbaba dhaliishiis
8- Ama dhaqan ammaantiis
9- Haddii dhabarka loo suro
10- Miyeey ceebi dhalan leyd?

11- Haddii dhowrsi jiri laa
12- Alle loo dhowaan laa
13- Aakhiro la dhugan laa
14- Dadka dhoohanee lumay
15- Cadaab miyuu ku dhici laa?

16- Haddaan Dhudiba sharaftiyo
17- Dhaqankeeda dhigi layn
18- Miyaa dheef shisheeyuhu
19- Soo dhigay banaannada
20- Dhuunteenna mari layd?

21- Haddaan qaranku dhici leyn
22- Dhigyo udub la noqon laa
23- Sharna loo dhowaan layn
24- Maatida la dhibi layn
25- Miyuu dhicisku talin laa?

26- Afartaa dhardhaar adag
27- Oon dhariga saariyo
28- Dhuuni kii la cuni laa
29- Dhadhan kiisa wacaniyo
30- Dheef iyo nafaqa iyo
31- Maka dhigay ujeeddada
32- Been lama dhiteeyee
33- Dhab-kahadalka maansiyo
34- Aan hoos u dhaadhaco
35- Kala dhigo dhambaallada.

36- Inta madax dhagxumo jacel
37- Xilka dheegga loo suri
38- Walle dhalasho guul iyo
39- Inaan dhiirranaan socod
40- Dhulka nabad ku joognaa
41- Waa habeenki dheelmaday

42- Adoo dheeha kuu dihan
43- Dhaaydeeda heli kara
44- Dhado subax timaaddiyo
45- Dhal-dhalaalka aan jirin
46- Halla raacin dhaayaha
47- Haku dhumin sidii hore

48- Kolleey dhagax la tuuraa
49- Meel la’aan ma dhacayee
50- Intaan hadalku kaa dhicin
51- Inaad dhowrsataa roon

52- If waa laba dharaarood
53- Midaad maanta dhaaddiyo
54- Dhimman qayb ah weeyaan
55- Mana dhimato taariikh
56- Haddii meel la dhigo abid
57- Ruux adi dhiggaagaa
58- Yuu ku dhaafin waligaa,

59- Iney guushu dhalataa
60- Dhaqaaq bey ku xirantee
61- Ha is dhigane soo dhici
62- Dhug u yeelo waayaha
63- Dhaayaha fur waligaa
64- Tusmo-dhicis ha noqonine,

65- Hanka ruux ka dhaawacan
66- Marna guul ma dhaliyee
67- Dad waxaad ku dhaaftood
68- Dhiggaa kaga sarreysaa
69- Diintood ku dhaqantiyo
70- Dhiirranaanta weeyaan,

71- Dhiifnidu hub weeyee
72- Ha is-dhiibbin waligaa
73- Ha u dhiman sidii ruux
74- Horay nolasha uga dhacay!

75- Laba dhalasho hooyiyo
76- Dhiiggaba wadaageey
77- Kala geeysay dheeftuye
78- Haddaad ruux wax dheer tahay
79- Haku dhowran baahida,

80- Murti dhumuc lahaa tiri:
81- Qofka adiga kaa dhacay
82- Ruux buu ku dheer yahay
83- Xurmadiinna dhaba iyo
84- Isku dheeridiinniyo
85- Xiriirkaa dhamaadaye
86- Dhaqdhaaqa ruuxdiyo
87- Ma dhamaan naftiisii
88- Haddaad ceeb ku dhoobtana
89- Waa kuu dhag-xumo uun,

90- Si kastood dhibaatiyo
91- Dhakafaar u daristaan
92- Dharaar waxaa ku soo mari
93- Aad Dheeha maashide
94- Samir kaasho waa dhabe.

95- Dhowr shillin nin haystow
96- Kolleey waad ka dhimanoo
97- Luxud kuu ma dhigantee
98- Qofka dhuubmay gaajada
99- Bal dhankiisa soo eeg,

100- Mid baa dhimir xanuunkii
101- Dhoobada ku seexdoo
102- Mid baa fooqyo dhaadheer
103- Dhacadiida hooskoo
104- Ku daliiqa dheeylada
105- Dharag-daacsigiisuna
106- Gadan yahay dhaqaaloo
107- Aan dhugan hareeraha
108- Misna Waxa ku dhinac sugan
109- Midaan dhuuni deeqiyo
110- Helin dheef ku filanoo
111- Aan dharabba loo hayn,

112- Dhacdo weeye baahdoo
113- Kolleey sharafu dhimatoo
114- Dhaqan beylah noqoyoo
115- Laga dhaadhac samahee
116- Ta dhimmani waxay tahay
117- Ruuxdoo la dheelmiyo
118- Dadkoo dhiirri galay oo
119- Dhidirrada sideed nool,

120- Dharaaraha gudbee tagay
121- Dhib ku dhaafay weeyee
122- Hala raacin dhaayaha
123- Midda dhalatay faallee
124- Dhugmo iyo haddii aad
125- Dhiifooni leedahay,

126- Adoon taada dhicin karin
127- Ha dhaliilin ruux kale
128- Ha u dhuran sidii doqon
129- Iyo dhuuni raacyada,

130- U dhawow qofkii jacel
131- Dhanka horumarkaagoo
132- Ha dhoweysan waligaa
133- Qofka adi dhibkaagiyo
134- Jacel kala dhantaalkaa,

135- Qofka dhimirka laga galay
136- Adoo dhinaca qaban kara
137- Ha ku eegin dhaayaha
138- Ha ku dhaafin hawl adag,

139- Adoo qaranka dhicin kara
140- Inuu dhaco gar maahee
141- Ha u quurin dhiiqada
142- Ha u dhiibin cadawgoo
143- Dhac-dhac iyo hunguri iyo
144- Ha ku iibsan dhowr shilin.

145- Afartaa dhigaalkiyo
146- Waa dheegga hadalkee
147- Dhugadoow ha sii deyn
148- Dhug u yeelo saaxiib
149- Oo yaanay kaa dhumin,

150- Maansada dhaliil iyo
151- Ha u arag dhaleecee
152- Erayada dhadhamayiyo
153- Dheecaanka miiddaa
154- Gacmahaaga uga dhuro
155- Beryo aad ku dhaaftide,

156- Afar kale dhawaaq iyo
157- Dhabta hadalka loo yiri
158- Ayaan kuu dhex galiyee
159- Sida dhigo isugu qabo
160- Oo dheelli ka ogoow,

161- Dhaqan weeye dhaantadu
162- Rati dhinac u dheelshana
163- Loo ma dhuujin caynkee
164- Curad kaaga dhacay ceel
165- Habaar loo dhitayn waa,

166- Aan dhammeeyo arartee
167- Hadal iyo dhammaantii
168- Warku waxuu u dhacayaa
169- Dhambaalkayga hadalkuna
170- Dhidibkiisu uu yahay
171- Ha dhageysan dhugufyada.

172- Waxaad dhiig ku leedahay
173- Kuna tahay nin dhiirrada
174- Waa dhulkaaga hooyee
175- Ha ka dhoofin waligaa,

176- Halaqiyo dhurwaayada
177- Dhaxantiyo dabeylaha
178- Badda dhumacda weyn iyo
179- Mowjadaha is dhalan roga
180- Yaaney dhiigga kaa shuban,

181- Ma gafuhu nin dhaqan liyo
182- Maaha ruux wax dhiciyee
183- Dhowrka shiline hooyadu
184- Usoo dhidida maandhow
185- Nin dhiteysta weeyoo
186- Dheefkala ma heystee
187- Hanku dhicis ha noqonine
188- Hooyadaa dhibka udiid,

189- Dhaqan waxaad u leedahay
190- Yaanu dhoofku kaa dhumin
191- Iskamaada dhalanine
192- Dib udhugo waxaad tahay.

193- Nafta dhiirri mooyee
194- Ha is dhiibin waligaa
195- Dhabbahaaga nololeed
196- Dhanna ha uga leexane
197- Guushaada soo dhici,

198- Dhagahaagu yey maqal
199- Hadallada dhunkaashaa
200- Dhaayahaagu yey arag
201- Dhagxumadiyo ceebtee
202- Ka dheerow xumaatada.

203- Ninka dheemmantiisiyo
204- Dheehadoow lahaa iyo
205- Dhaqankiisi dhigayoow
206- Dhaawac dhidibsanbaa tee
207- Dhaqtarrada xaggood qabo,

208- Nin walalki dhiiboow
209- Kaa dhimay damiirkoo
210- Dhoohane ayaa tee
211- Iska dhimo adoo nool!

212- Ninka dhinac u seexdee
213- Ineey guul u dhalatoo
214- Dheefsada sugaayoow
215- Adna ruux dhantaalmoo
216- Dhalanteed ku nool iyo
217- Lax dhukaan qabtaa tahay!!

218- Qaraxyada dhacaayiyo
219- Dhibta yaa inoo dhigay?
220- Dhaqan guurku waa maxay?
221- Maxaa dhiiga shacabkaan
222- Dhulka loogu qubayaa?

223- Anigoon ku dheeraan
224- Biyo dhacu halkuu yahay
225- Hadaan hoos u sii dhigo
226- Waa dhiga qabiilkoo
227- Qarannimada dheefsada,

228- Dhayal ha u maleeynine
229- Abwaan dhiirran baa yiri
230- Barkin lagu dhareeriyo
231- Hurdo aad dhan ula taal
232- Wax ku dheefi mayside
233- Dheeree hankaagoo
234- Cadawgaa hubka u dhuro,

235- Hankaagoo dhaqaaqaa
236- Guul kuu dhaweeyee
237- Ha is dhiibin waligaa
238- Hadduu cadawgu dhamac yahay
239- Adiguna dhimbilo noqo!

240- Dhabka hadalka maansada
241- Aan soo dhammeeyee
242- Mindi dhiliqsan ruuxii
243- Hilib inuu ku dhila raba
244- Silic iyo dhib mooyee
245- Sahal ugu dhambaliwaa,

246- Waxaa taa ka dhiganoon
247- Dhacarteeda maalnaa
248- Shacabkeenna dhuurigu
249- Dhudhummada ka galayee
250- Dhurdihiyo qaniinkuna
251- Dhurdarrada u qooleen
252- Bal may dhirif daraadii
253- Mar ka dhiidhiyaanoo
254- Dhololsiga qabiilkiyo
255- Kala dhimashadeenaba
256- Dhab maa looga xaaloo
257- Xeer dhidibbo adag loo
258- Dhanged iyo sidii diir
259- Aan kala dhacayn abid
260- Maruun dhidibka loo mudo.

Dhammaad.

Curiye: Kunciil Qorax

SHEEKOOYIN