Maansada Duurxul Curiye Cabdiraxiin H. Galayr

10911238_10203660297684525_42421129307967057_o

Maansadan waxay soo baxday, 20/03/2015  waxaa maalintan is weydiiyey su’aalo dhawr ah oo ku saabsan, meesha hadda xaal marayo, haddaba anigoo arrinkaas maskaxdayda ka guuxayey ku cabiraya, Hal abuur ayaan ku halqabsaday, rag saaxiibaday ah oo aanu nahay Suugaan wadaag iyo sheeko wadaag labadaba aanan ka filanayey iney jawaab iga siiyaan Maansadani waa DUURXUL, waxayna xambaarsantahay weydiiyo iyo arrimo cakiran oo u baahan lafa gur  hagar la’aaneed.

Maansada. Duurxul.

  • Dayr hoortay dabadeed
  • Duufaana kacayiyo
  • Mala gaadhay daaduun D
  • uunyadii abaariyo
  • Diif iyo haraadiyo
  • Dulin dabar jaraa yimid
  • Dadka duumo iyo dacar
  • Baahi dirataa timid.
  • Laga guur dadnimadii
  • Looga guuryey daahuush.
  • Ninba wuxuu dalqada iyo
  • Geliyaa docdiisu
  • Daab weyn u qaatoo
  • Ha lays dooxo baa timid.
  • Dammanaa darbaa yidhi
  • Darna maba dareemayn!
  • Ninba daaqadiisuu
  • Duurkaa la xulayoo
  • Ha lays dilo halays dago
  • Dabka yaanu naga damin D
  • ulmaa laysku wada raac
  • Damiyaayna lama odhan.
  • Dulmiidka (1)Xaayoow
  • Duceysane (2)Ustaadkii
  • Diracii (3)Xuseen dhalay
  • Doodaa (4)Bashiiriyo (5)
  • Dhicisoow ma daaliyo
  • Da’yarkeena (6)Dhaaleey
  • Su’aal iga da’ weynbaan
  • Dayrkiina dhigayaa
  • Dadku waa kan guuraye
  • Horta sahan ma loo diray.
  • Kala durugyey reerkuye
  • Duqay iyo waxgaradiyo
  • Guurti kala dabqaadoo
  • Duubcaddaa maloo direy?
  • Ninba dayr ayuu galay H
  • ebel dooni maayiyo
  • Waa kan doobbinaayee
  • Ka daayaay malagu yidhi?
  • Doqon baan xilkeed gudan
  • Damiinbaan aqoon baran
  • Dugaagaan wax nabad gelin
  • Duluf baanan heer noqon
  • Dawdar baan dadnimiyo
  • Weligiis dantiis dhugan!
  • Haddii doobku guur gabo
  • Doonan waayo gabadhiis
  • Ma dadkaa u noqon ubad?
  • Duunya adiga kuu taal
  • haddaad duugto keligaa
  • Dawarsiga ka jeceshahay
  • Ma ku deeq baxaysaa?
  • Danta adiga taada ah
  • Haddaad daayaceed tahay
  • Dad inaad ku maagtaa
  • Umadyahay ma dawbaa?
  • Midka adiga kuu daran
  • Dabadhilif u noqodkii
  • Diidmada walaalkaa
  • Ma damiir wanaagbaa?
  • Gobonimo ka durugoo
  • Gunimada ka doorbida
  • Dabcigeey ka walaxtahay?
  • Dayaxaa madoobee
  • ku dahaadhmay oogada
  • Fallagyada is daba marey
  • Doobir iyo dawada guud
  • Daw loogu heli karo
  • Bal dabuubta maansiyo
  • Deelleey ku soo dirraa?!

Hal abuurka aan ku halqabsaday..

  1. Axmed Macoow Xaayoow(Dulmidiid)
  2. Saciid Muuse Axmed(Ustaadka)
  3. Maxamed Xuseen Faarax
  4. Bashiir Maxamed Xirsi(Diraac)
  5. Maxamed Cilmi Dhicisoow
  6. Maxamed Cabdullaahi Dhaaleey.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

Galayr1977@hotmail.com

SHEEKOOYIN