Maansada: Gabdhayhow xishoodkii! W/C: Farax Sh. Cabdirisaaq (Dr Zedra)

Maansadaan magaceeda waxaa la yiraahda: Gabdhayohow xishoodkii. Hal-abuuraddu waxay toos ula hadleysaa dumarka soomaaliyeed. Waa maansadii qariniga 21-aad. Waa maanso ay dhexdeeda ku idil yihiin wacdi, waano iyo wax sheeg. Waa farriin toos ah iyo mid dadban oo ay abwaanaddu dumarka soomaaliyeed u direyso. Run ahaantii waa curis cuddoon oo dareenka soo jeeda ama nool ruxaya. “Hadalka wanaagsani wuxuu ka kheyr badan yahay wax dhiibka ama saddaqada”. Waa aayad quràan ah. Haddaba maansadani waxaa laga allifay maan caafimad qaba, sidoo kalena og dhibaatada carra-edeg ku heysata dumarka soomaaliyeed!. Maansadu waxay leedahay:

  • Gad-gadoonka noloshiyo
  • Gebi dhaca adduunkaa
  • Hadba waaya gooniya
  • Iyo maalmo gaagaxay
  • Noo soo gudbinayee
  • Gurigaa ba’ xaajooy
  • Goormeey haweenkii
  • Iyo gaaridii dumar
  • Sida cawsha goonbida
  • Ama goosan caymaday
  • Kalinimo u guureen
  • Waqtiyahow is gurayaa
  • Gaydhaadu yaabloo
  • Laydhiyo gufaacadu
  • Guulaamo caadliyo
  • Goror keeni waydaye
  • Gabadannada jiilaal
  • Ma inay cir gudhisaa?
  • Xidigtii guduudkiyo
  • Nuur lagu gadaamee
  • Galac laga sugaayaay
  • Hadmuu saxalku gaawaha
  • Adna gebi qarsooniyo
  • Jarka kugu gufeeyoo
  • Kaa tegay guluubkii
  • Maxaa geeshkii ii kacay
  • Intay guuldarraysteen
  • Giriyaad abaareed
  • Iyo goob xun joojiyay?
  • Afartaasi googoos
  • Iyo guud mar weeyee
  • Gundhigiyo ujeeddada
  • Waxaan uga gol-leeyahay
  • Marka aan gadaaliyo
  • Dib u guro xasuusaha
  • Taariikhda guunkaa
  • Imisaa gayaan beri
  • Gabadh uu nin caashaqay
  • Laga bixiyay guunyoo
  • Iyadoo gammaan faras
  • Iyo boqolka geelaa
  • Gaba’eeda laga dhigay
  • Yaradkuna u gaaryoo
  • Gelbiskeeda dhawr jeer
  • Sacab loo garaacoo
  • Gaafkeeda xiisaha
  • Loo tumay gu’ iyo dayr
  • Iyaduna garaadkeed
  • Galadeeda ruuxnimo
  • Gaagaabsi mooyee
  • Golayaasha qaarkii
  • May noqon tu galafloo
  • Gaadhsiisa faankiyo
  • Gogoshay ku huruddiyo
  • Gurigay ku nooshahay
  • Gudihiisa waxa yaal!.
  • Imisaa ganbooleey
  • Xadhig aan go’ayniyo
  • Hal xidhaale gaamuray
  • Loo sudhay gadaankoo
  • Bal maxaad gashaa iyo
  • Guushaada noo sheeg
  • Gurrac loo su’aaloo
  • Gaashaanka sharaftiyo
  • Gobonnimo ku diritoo
  • Guurkooda faallayn.
  • Afartaasi googoos
  • Iyo guud mar weeyee
  • Gundhigiyo ujeeddada
  • Waxaan uga gol-leeyahay
  • Hablayahow garayskiyo
  • Maradiyo guntiinada
  • Ma inaynu gunudnoo
  • Gashannaa xijaabkoo
  • Gocorkiyo shisheeyaha
  • Iska giijinnaabaa?
  • Mise gacallayaaloow
  • Inaan gubanno weeyaan?
  • Ma innaan gasiinkiyo
  • Go’ sariirta yaalliyo
  • Gudbinaa sirteenoo
  • Xanta geedka taallaba
  • Laynagu gorfeeyaa?
  • Mise gebi ahaanteen
  • Intay goori goor tahay
  • Hadal lama garoocdee
  • Samahaynu garannaa?
  • Afartaasi googoos
  • Iyo guud mar weeyee
  • Gundhigiyo ujeeddada
  • Waxaan uga gol-leeyahay
  • Gocashana ma taalloo
  • Gadmashooyinkii dhacay
  • Idinkoo garwaaqsada
  • Waa talo go’aaniyo
  • Laga rabo guddoonoo
  • Gunnimooyinkaa jira
  • Guluf aan ku qaadnee
  • Inta inan garaadlee
  • Gayigeenna joogtiyo
  • Guudlayda xaawalay
  • Waxaan gaar u leeyahay
  • Adigoo gashaantiya
  • Ama gibil cad hooyaa
  • Ama gololo qoysiyo
  • Noqday geenyo shaaximan
  • Guullaheyna kaa dhigay
  • Guradii ammaankee
  • Gacamada jannada gala
  • Gondaheeda marayeen
  • Yaanu galabta dabadeed
  • Ficillada gel-gelintee
  • Dhaqankeenna gaasiray
  • Kaa duubin godadluhu!.
  • Mana tihid gantaalaha
  • Laysku gooni baadhiyo
  • Guumaysta qaawane
  • Ka fogoow gaddoonkiyo
  • Halka laysku gaadee
  • Quruxdaada gadatiyo
  • Godka laysku caayoo
  • Godobtaadu yey noqon
  • Gawraca naftaadiyo
  • Hiddahaaga guurood
  • Muuqaallo gamashiyay
  • Iyo weedha gaatira
  • Ku guhaadinaysood
  • Ku gunaanad seegtide
  • Horta garo cidaad tahay!
  • Gabdhayahow xishoodoo
  • Innagoon gal-galadkiyo
  • Gaadiidka shayddaan
  • Godolkiisa maalayn
  • Ama geeddi beenaad
  • Orod daba guclaynayn
  • Ama filima gaaliyo
  • Fiidyow gaboodsannin
  • Ama aanay naga gudhin
  • Xilka gudashadiisii
  • Yaan guurti odayiyo
  • Gadh-caddaaga waayeel
  • Laga galabsan eedaha!.

W/C: Farax Sh. Cabdirisaaq (Dressa Zedra)

NAGA LA SOO XIRIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN