Maansada: Gadsan

mmmm

Maansada: Gadsan

Garashada Ilaaheey
Qof kuu galiyo waa DOOR
Gablan maahan ruuxuu
Caqli Guulle siiyaa.
Gaabis maahan calashaa
Kii loo gu’ tiriyoon
Saddex labo u geyn karin.
Wallaan meel gabbaad lihi
Dhaxan loogu go’i Karin.
Gurgurshaa nin dhaansaday
Godob layli kama galin.
Nin hillaaca gaaraa
Gabaa-hiring ma sahansado.
Gadaw laabitaankiis
Xeel la gaaray weeyaan.
Godka hoosta loo qoday
Ogoow waa nin gurigiis.
Gudin daab la’aanihi
Dhacan kuuma goyseen.
Bacaad waa la garaniye
Haddaaney gawaan noqon
Galku biyo ma celiyeen.
Nin Rasuulka gees maray
Gooni Eebbe caabudin
Diintu gooya bay tiri!
Gunti mira ku xiran hooy
Kuwa gacanta soo galay
Go’e looma daadiyo.
Haddaan diintu gooyneyn
Dhaqan lagama guuree
Marti goor xun kuu timi
Gaaja laguma fiirsado
Neef gool ahaaybaa
Gawrac loogu jiidaa.
Soddon geel hadduu qado
Saddex waa ku gaaraa
Maahmaah guun ah baa tiri.

 

Dhammaad.

Hodan Sh. Cumar

SHEEKOOYIN