Maansada: HABLAHEENNA Curiye: Bashiir M. Xersi

Maansada: HABLAHEENNA

 

Hablaheennu waa gobe

Raggii baa hagranayoo

Hayin iyo u noqon hebed.

 

Hablaheennu waa gobe

Raggaan hiil u gelinoo

La hinjinin canaabaha.

 

Hablaheennu waa gobe

Rag la hawl galoo wacan

Oo hagaagsan baan jirin.

 

Hablaheennu waa gobe

Rag hagoo agaasima

Horkacaaya may helin.

 

Hablaheennu waa gobe

Waa hubqaad itaal lehe

Rag horboodayaan helin. 

 

Hablaheennu waa gobe

Waa hormuudka noloshee

Rag hareer socdaan jirin.

 

Hablaheennu waa gobe

Rag hilaadin karayoo 

Hantiyoo wadaan helin.

 

Hablaheennu waa gobe

Raggii baa la harayoo 

Horseed aan u quurayn.

 

Hablaheennu waa gobe

Raggii baa hamradayoo 

Hor istaaga yoolkood. 

 

Hablaheennu waa gobe

Rag u heello tuma iyo

Nin hab siiya may helin.

 

Hablaheennu waa gobe

Huuhaa huruuf iyo 

Raggaan hiif ka daynayn. 

 

Hablaheennu waa gobe

Haydaariyo hah mooyee 

Rag hilow gelshaan helin.

 

Hablaheennu waa gobe

Raggii baa hafraayoo

Hadalsami ka waayeen.

 

Hablaheennu waa gobe

Raggii bay hufnaan iyo

Habsamaan ka waayeen.         

 

Hablaheennu waa gobe

Hammigiyo hankoodaba 

Raggaa hoos u wada dhiga!

 

Hablaheennu waa gobe

Huqya hoog waxaa baday

Rag halaag hamuumaya.

 

Hablaheennu waa gobe

Hoyaad iyo harsimo lehe 

Rag ku soo hirtaan jirin.

 

Hablaheennu waa gobe

Hagbad aan la dhuumane

Rag ayaan hal dhaafayn.

 

Hablaheennu waa gobe

Raggaa neceb Habboontoo

Hanad wiil ku taamaya.

 

Hablaheennu waa gobe

Raggii baa hodaayoo 

Haadaan ka tuuraya. 

 

Hablaheennu waa gobe

Habacsane hareer ka mar

Hanfadkowna nabad geli 

 

Hablaheennu waa gobe

Ha hujuumin nacas yohow

Ha haraatin doqonoow.

 

Hablaheennu waa gobe

Ha rafaadin huduryohow 

Ha halgaadin hoogoow.

 

Hablaheennu waa gobe

Waana hooyadaayoo 

Horaaddaha ku nuujiday.

 

Hablaheennu waa gobe

Waana hibo walaashaa

Ku habtoo ku haysaye.

 

Hablaheennu waa door

Waa afo aad la hoyatiyo

Ilmahaaga habartood.

 

Hablaheennu waa gobe

Afka aan ku hadalnana

Waa hikaadiyaha dhiga.

 

Hablaheennu waa gobe

Abaal marin haddiyad iyo

Billad yaa u huray abid?.

 

Hablaheennu waa gobe

Higsiga han iyo hadaf

Halabuura waligood. 

 

Hablaheennu waa gobe

Hogol roob ah weeyoo

Raggu hoorsan waayeen.

 

Hablaheennu waa gobe

Raggu uusan huri karin

Misna hayso lagu karin.

 

Hablaheennu waa gobe

Halhays lagu handada iyo

Horor cagojuglaa dilay.

 

Hablaheennu waa gobe

Ammaan lagu huwiyo iyo

Hambalyiyo salaan mudan

 

Hablaheennu waa gobe

Aan hoggaan ka dhigannoo

Hoggaamiye u dooranno.

 

Hablaheennu waa gobe

Waa haldoorka guushee

War ragow heshiis la gal.

 

Dhammaad.

02/02/2017

 

F.G: maadaama maalmihii dacwadda BADDA lagu jiro, maansadan waxaan muquuno uga dhigayaa Dr. Mona Alsharmaawi, oo ka mid ah qareennada difaacaya BADDEENNA. Sidoo kale, waxaan muquuno uga dhigayaa dhammaan hablaha raggu ku noqdeen kuwa leh tilmaamaha maansada ku jira.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

SHEEKOOYIN