Maansada: “Hiil hooyo” Waxaa curisay: Hodan Sheikh Cumar

Maansada: Hiil hooyo

 

Oraahdiyo sheekadeyda

Mabda’a iyo aragtideyda

Ammuurtaan faalladeeda

Ujeeddada maansadaydan

Tixdaan ararteeda suubban

Micnaha asalkeeda duugan

Ammaan hooyoo mugweynle

Udgoon hiilkeeda weeye

Istaag dhinaceeda weeye

Astaahil wixii ah weeye

Ummadda xasuusin weeye

Xaqeeda Allaa caddeeyay

Siduu Aayaad ku sheegay

Axaadiistuna abbaartay

Hooyadu aabbaha ka mudan

Adeecidda waalidkeenna

Iyadaa saddex goor la sheegay.

 

Afeef weeyee middaani

Aqlaaqiyan kama tagaayo

Anshaxa suugaantu dhawran

Gaf iyo aflagaaddo reebban

Inkaar maahiyo habaar dheh

Runtana ood saari maayo!

 

Alleylehe ina raggeedse

Anoon ka abaal dhacaynin

Asxaan kii saa tireeynin

Marbana ka il duufihaynin

Runtana ugu aaba yeelin

Dhaliilaha aan indheeyo

Xaqiiqada aan ishaaro

Cabbiro eeddaa dultaalla

Xilkiisa raggaa ilaaway!

 

Irdaha dunidoo ballaaran

Ifkaan afartiisa gaar day

Waxaa Uumiyaha dhooban

Ilmadu hooyeey ku taallaa

I taal ayadoon lahaynoo

Asaay ayadaa xambaarta

Agoon ubadkeeda weeye!

Ilmaha ayadaa koreeysa

Aroor ayadaa qaxaysa

Urugo ayadaa dareenta

Ummusha ayadaa xanuunsan

Cidlada ayadaa ku oonta

Omosta ayadaa ku daasha

Xaqeed ayadaan arkeynin

Indhuhu ayadeey basaasi

Argaagax ku nool dhexdiisa

Wataa AMISOOM ku dheeshay!

 

Ayaan darro weeye taasi

Dabkana aabbaa shidaaya

Asaa ukumaha dilaaya

Arlada Eebbana gubaaya

Rasaas ku asqeeya maato

Aqbaar tabinaaya been ah

Dagaalka asaa unkaaya

Abaar ku furaaya reerka

Colaadda asaa asoola

Yiciista asaa argoofa

Madfaca asagaa ridayaa

Baaruudda asaa afuufa!

 

Inteey ibta nuujisaabay

Misana eeddeed galaaan

Markuu Afo iyo Arooska

Inuu aqal galo rag doono

Ilwaad qurux uu ishaarto

Asaaggeed uga dhex baaqo

Udgoon calmadoo u yeerto

Anshaxa tii lagu barbaarshey

Aqoontiyo diinta Eebbe

Hiddaha dhaqankiyo afkeeda

Markuu sheekada asteeyo

Aroos isagaa ku baaqa

Udgoon ugu waca markaaba

Ammaan ku salaama koow

Markeey ooridi ahaato

Ayaamo markuu la joogo

Axsaab uurkiisa qaaddo

Naa orod aqakiinna aadoo

Abbaayo i dhaaf yiraahda

Jariidka asaa ka eega!

 

Inkira ubadkaba dhashiisa

Aayaha nolasheeda tuura

Iskeedaba uur xumeeya

Asaaggeed asaa ka reeba

Abaaydin asaa ku tuura

Oheey asagaa jidh diida

Inkaariyo ceeb xambaarta

Arxaan darridana ku caana.

 

Dhammaad.

 

Hodan Sheikh Cumar

Hodan2015@autlook.com

SHEEKOOYIN