Maansada (Huddo iyo Hanad)

5326_268414743295710_753968396_n waxeey soo baxday 4-12-2014 waxaana Curiyay
Cabdiqani Xuseen Adan. Waxaa gacan ka geeystay Qorideeda Cabdalla
Maxamed Cabduulaahi
_______________ Mogadisho- Somalia_________________
1. Anoo ku hadlaa Afkeenna.
2. Ku hoobalin maansadiisa.
3. Ayaan Hoobaano Doog leh.
4. Hillaac weeyn ii baxaaye.
5. Hoggaanka waxaan u qaadan

6. Huddo iyo Hanad labo muqaashaq.
7. Haasaawe dhaxdooda yaalo.
8. Laakiin horta barashadoodi.
9. Sideeys ku heleen bal eega,
10. Habdhaqan kiyo muuqa eega,
11. Hufnaanta warkooda eega.
12. Murtida ku hagoogan eega.

13. Huddana Sharafteeda eega,
14. Xishoodka ku Heeran eega,
15. Hoojooga wanaagsan eega.
16. Gaduudka hibqaayo eega,
17. Haddaba Dhabankeeda eega.
18. Hareeddaha yaacsan eega,
19. Waxaan la hinqaaray eega,
20. Car yaa heli doono eega.

21. Anoo ku hadlaa Afkeenna.
22. Ku hoobalin maansadiisa,
23. Ayaan qiso weeyn Hirdeeyne,
24. Kolkuu hanad guurka maagay
25. Hablihi gayigooda joogay,
26. Ka eegay midduu hagaagsan.

27. Hudduu ka ishaartay muuqa,
28. Laakiin holli waa dhankeeda.
29. Jaceylki asoo u heelan.
30. Ayuu qarsadoo huqdiisa,
31. Habeen iyo Maalin toona.
32. Hurdadi uu luuman waayay,

33. Huddana ma’ogee danteeda,
34. Ayeey Hammigoodhan siisay,
35. Raggaba Hoowsheedda maaha,
36. Hillaac kale baa u muuqda,
37. Halkaas lagu soo tabaayo,
38. Mamoodo ineeyba haatan.
39. Haweenkaba laggu Xisaabsho,

40. Anoo ku hadlaa Afkeenna,
41. Ku hoobalin maansadiisa,
42. Ayaan huriyaa Dareene,
43. Habeenkoo kalabar gaaray,
44. Marbuun hanad joogi waayay,
45. Haadaan iyo waaqlo aaday,
46. Dabeeyshana uu laheesay,
47. Asoo ka hugmaayo Duurka,
48. Hal qodobaa lagu ilhaamay,
49. Su’aalana wuu is heeyb shay,
50. Waxuu kolba heeg ka eego,
51. Hummaagti waxeey la aaday.
52. Sinnaba huddo ugama maarmo,

53. Habeenki markoo dhamaaday,
54. Cadceedina heenka keentay,
55. Ayuu hooygiyo gurgiisi.
56. Tartiib ugu soo huleelay,
57. Haraad baa saaranaaye
58. Halkii xalay buu is tuuray
59. Markale hamigaa dhaqaaqay
60. Riya kuheleshay jiifka
61. Hudoo lajirtuu niyeeystay
62. Wadnaha kuhabuu lahaaye
63. Wuxuu halacsaday jaceylku
64. Wuxuu kahinraaga mesha
65. Wuxuu hoo beena qaato
66. Hareerta wuxuu sariirta
67. Umoodo iney lahayso
68. Aduun baan hiifid deyne
69. Bulshadi soo kama haleynin
70. Huwaanti kur meysan aadin
71. Intuu hal haleel u booday
72. Habaaska miyuu dharbaaxiy
73. Asoo ka hu’raayo meel fog
74. Tixdaan rabbi muu haleelin

75. Wixi uurka kaahelay hadaad hanadoow sheegeynin
76. Ood adiga un haystaa hoosbey kuu dhigane
77. Cilmi baa haweeen aawadood hoobtay gacaloobe
78. Hada gaar hudee sheeg waxan kugu hareereysan

79. Kolkuu helay waanadaa yar
80. Hubkiisu intuu isku boobay
81. Halkii hudda looga shegay
82. Hayaan ugumowsan boodin
83. Tilaabta wuxuu hig siiyo
84. Habaaskiyo ciida duulsho
85. Hirdoogle ayaaw carfaayeee
86. Reerkii hudda muusan gaarin,

By Abwaan Cabdiqani Xusen Adan.
Lasoco Qeeybta 2add oo Xiiso baddan —

SHEEKOOYIN