Maansada: Kaadir “Ka dare”

12615308_1087974041254681_9193401953543810546_o

Maansada: Kaadir “Ka dare”

Maansadan, waxaan ugu baroordiiqayaa, Xuseen Sheekh Axmed “Kadare”,  (AUN) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho ku geeriyooday 02/02/2015 oo ahaa ruug caddaa, waaya arag ah iyo afmaal halabuur, kana mid ahaa, aqoonyahannadii farta qoray, oo waliba, far qoraal isaga u gaar ah lahaa, oo layiraa; «Kadariya» sannadkii 1952kii. Maansadu waxay leedahay;

Maansada: Kaadir “Ka dare”

Geeriyaay kadeedleey

Kurbo iyo xanuunleey

Kadab gooya halisaay

Kalgacayl yareeyaay

Kaadirrada dhammaysaay

Kooraha u rarataay

Kaymaha xabaalaha

Hadba kadin aguugaay

Hadba koox ka nixiyaay

In kastoo Kitaabkiyo

Eebbe kaatib kaa dhigay

Kashu way ku neceb tahay.

 

Kaalintaadu waa qarin

Kartidaadu waa duug

Kedin iyo dil weeyaan.

 

Gacal ka la fogeeyaay

Kalaxyada u sidataay

Kalxammada ka jabisaay

Haddba koona joogay

Hadba kaymo jeexaay

Kurayada ka nixiyaay

Gabdhahana kadlamiyaay

Hooyada karkariyaay.

 

Shalay kawlkaad goysiyo

Inta aad kabiixdee

Kalwisaye naftoodii

Kubka aad ka jabisaa

Kumanyaal malyuuniyo

Kalkoos tirada dhaaftee

Maanta kaad kalweysee

Una kaadin weydee

Keebka aad u qabatay

Inuu Kaadirkeennii

Kitaabbada qoraalkiyo

Kaydiyaha afkaygiyo

Kalsamaha dadkaygiyo

Ka daruu ahaayee

Ma ogtahay kidfeeyaay?!

 

Geerida Ka dare iyo

Korka shacabka gooyse

Kaaheenna damisaay

Kal su’aala weeyee

Kibirrowga Aadmiga

Kudka iyo dilaaga ah

Karti xumaha jaahila

Maad kadeeddid kaaso

Keenaysid tuuggoo

Ka kaxaysid dunidaba?

Inta aad Ka dare iyo

Naga dilan kan noo roon 

Mid kaloo la mida iyo

Kaafiyaha shacabkiyo

Kaalmeeya Umaddaan?!

 

Kaadirkii aqoontiyo

Darsigiyo Kitaabkiyo

Qorma Kaalshaheennii

Kii shiilay maankee

Kurtummada jahliga iyo

Kuraamaha ka gooyee

Hadba kayma baadloo

Kasha doojinaayaa

Kasmadeenna geeyaad

Kadiyaay kaxaysoo

Kicisoo la booddaye

Kal su’aala weeyee

Maad korommadaa jaan

Kibirrowga Aadmiga

Kudka iyo dilaaga ah

Karti xumaha jaahila

Maad kadeedid kaaso

Keenaysid tuuggoo

Ka kaxaysid dunidaba?!

 

Kontan sano ka badanbuu

Tacliin kaydinaayoo

Hadba koox wax barayoo

Kaalmeeyey shacabkee

Isagoonan Kimis iyo

Kurus qaadanaynbuu

Kal samaan ku wadayoo

Farxad Koobinaayee

Ma kalwaday halyeeygii

Ka darena ma naga tegay

Qalinkii ma kayd gabay!

 

Kacdoonkii afkeenniyo

Kii na baray fartaan iyo

Sida kooban loo qoro

Kaahiye inuu yahay

Karbuuniyo ilays iyo

Ku ifiyey kasmayada 

Waa kiis anan marag iyo

Koox aan u baahnayn.

 

“KADARIYA” fartiisii

Ku dhigdhigay qoraalkiyo

Ku kammilay higgaaddoo

Ku habeeyey koorsoo

Ku hannaanshay kalimoo
Ku kaydiyey aqoon guud.

 

Bulshayahay kafeeyoo

Halka aad ku kooddaan

Iyo Kulammadiinnaba

Ka dariyo raggiisii

Kol kastaa ka sheegoo

Kaska abid ku haystoo

Magacood kor yeeloo

Koolkoolsha weligiin.

 

Kariimow Raxmaanow

Adaa kali ahaayoo

Kaalmadaadu badantee

Ka daraan galliin iyo

Kaaga nahay shafeec diran

Karam iyo wanaag iyo

Ku jisee maqaam kore

 

Aamiin.

 940947_1027528517290351_777796833335727565_n

Dhammaad.

Febaraayo, 2015

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

SHEEKOOYIN