Maansada: “Ma ag joogi kari leyd?” Curiye: Saciid Muuse (Ustaadka)

Maansada: “Ma ag joogi kari leyd?”
agj
Ifka ruuxa kuu neceb
Ma ag joogi kari leeyd?.
Mid adduunka kuu jecel
Ma ka sii ordi laheeyd?.

Ahlan ruux ku soo yiri
Ma ka aamusaan leeyd?.
Midka kuu iljabiyana
Ma ishaara garanleeyd?.

Waxaan uurka kaa jirin
Afka maad ka oranleeyd?
Allifaadda beenta ah
Ma u uur nuglaan leeyd?.

Asalkiya xaqiiqdana
Ma u keeni leyd eed?.

Wixi aayatiin dhali
Ma ka oommanaan leyd?.
Anfac waxaan laheynina
Ma abuuran kari leyd?.

Wax Ibliisku kugu yiri
Ma adeecis fali leyd?.
Wax Islaamku farayana
Miyey kugu adkaan leyd?.

Iilka leysma weheshee
Eexda maad ka tagi leeyd?
Aayaha dalkaagina
Ma ka raaci leeyd oday?.

Kolleey adiga maahee
Qofki lihi astaamahan
Ma ka aamin bixi laheeyd
Ma ka aamin bixi leeyd?.

Curiye: Saciid Muuse (Ustaadka)

SHEEKOOYIN