Maansada Midnimaa leh Maamuus Maansadii 3aad ee Silsiladda Midnimo…

pizap.com14120256079681

 

Maansadani waa Maansadii 3aad ee Silsiladda Midnimo, Maansadan ayaa waxay Jawaab u tahay Maansadii uu curiyey Bashiir Maxamed Xirsi, ee Midnimo, Maansadan ayaa ka hadlaysaa, Jawaabna u ah Su’aallo lay weydiiyey aniga iyo Hal abuurada kale, inkastoo aanan ka wada jawaabin, haddana maansada ayaa qeexaysa ujeedkeeda.

Maansada Midnimaa leh Maamuus.

 

Maansadani waa Maansadii 3aad ee Silsiladda Midnimo, Maansadan ayaa waxay Jawaab u tahay Maansadii uu curiyey Bashiir Maxamed Xirsi, ee Midnimo, Maansadan ayaa ka hadlaysaa, Jawaabna u ah Su’aallo lay weydiiyey aniga iyo Hal abuurada kale, inkastoo aanan ka wada jawaabin, haddana maansada ayaa qeexaysa ujeedkeeda.

 

Murtidiyo odhaahdeed

Muhashadiyo laabteed

Maahmaahocurinteed

Masalooyin dhalinteed

Meeqaammo dhigiddeed

Moosinkeeda gelideed

Miisaan u yeelkeed

Meermeer ka jiriddeed

Maamus u wadiddeed

Micno xaraf u sheeggeed

Adigaa midhtirayoo

Bashiiroow mutaxayoo

Alleylehe Makaabsaday.

 

Hadal miirka gala iyo

Maanka iyo laabtoo

Maaxdiisa laga dhamo

Miid aan go’ayn abid

Maskaxdana u tara guul

Majiiraha u fura socod

Maqsed iyo ujeeddo leh.

 

Lama male awaalo

Runta lama mutuhiye

Dhab baa loo macneeya

Danta lagama maarmaan

Ayaa lagu muquunshaa

Hadba murugta joogtaa

Si cad loogu muujaa

Loo meel dayaa abid.

 

MIDNIMadu danguudiyo

Waa meerta nololeed

Marbay qoyska joogta

Midba meel ku toosaa

Talo lagu midoobaa

Aabbuhu milgaha guud

Iyo magaca dhawraa

Manfacana ka taliyaa

Hadba talada tii maqan

Maamuuriyaayoo

Danta ugu majiiraa

Hooyadu mug hawleed

Madhaxiyo hantida idil

Maareyn u keentaa

Dhasha midiba meeshii

Hawsha uu ka muuqda

Masuul kaga ahaada.

 

Isla muujintaasiyo

Isla Maamintaasey

Meel sare ku gaadhaan.

 

Maahmaah horaa tidhi;

“Haddey midig miciin li’i

Bidix maalmo weydaa

U Maleeshay waligeed”.

 

Mid kalena waxay tidhi;

“Ula laysku maraybaa

Muruq liiliyaa jirin

Markay keli ahaatona

Durba maydhax laga yeel”.

 

Manhajkiyo Kitaabkaa

Ku midooba sama yidhi

Mabda’ iyo israacaa

Maamul lagu wanaajaa.

 

In MIDNIMO muhiim tahay

Kala miliqna ceeb yahay

In MIDNIMO manfaco tahay

Kala murugna ciil yahay

In MIDNIMADU muruq tahay

Kala maagna halis yahay

In MIDNIMO mug weyn tahay

Kala maaran hoog yahay

Soomaalaay ma moogine

Maxaa loo maldahayaa

Xaqa loo makrinayaa?!

 

Mudanoow Bashiiroow

Marka hore salaan hoo

Maamuus gobeediyo

Lagu ladhay milgiyo sharaf

Marka xiga su’aashii

Maxaa muruqa xooggiyo

Maskaxdiyo awooddiyo

Mabda’ iyo aqoontiyo

Maamul mida u waayo

Kala maqan ka dhigayoo

Midba degel cidla ah dhigay

Mid yar baan ka leeyahay.

 

Makhluuqa adduunyada

Ku mideysan meel qudha

Qarammada midoobiyo

Midka caafimaadkiyo

U gurmada Masiibada

Midow Yurub u gaariyo

Midka Naato ee guud

Kun midoow ayaa jira

Mabaadiina lagu dhaqo

Maksab iyo mashaqadana

U maareeya wadaroo

Dadku mahad u celiyaan.

 

Soomaali maqalkaay

Weligeed midbay hayd

Umad madal ku kulanto

Moosiyo lahayn xadad

Ama meelo kala xidha

Isu muhato laabtoo

Isku mida ayay hayd

Markuu saancaddaaluhu

Maanyada ka soo galay

Ee makalay awooddii.

 

Maax dumiye dhaqanki

Madasha iyo geedkii

Meegaarkii laga dhoof

Mar haddii minhaajkii

Mad-habta iyo diintii

Marinkeeda laga lumay

Mar haddii aqoontii

Mabaadiida dunidiyo

Majaaliista caanka ah

Midna laysku raacayn

MIDNIMADU hadmay iman?

 

Umad marin haboowdo

Majarihii ka lumayoo

Minjaheedii hoos jiray

Ay madaxa aadeen

Umad muruga mooyee

Mawaafaqo dhibkood tahay

Umad Malagga mooyee

Miciinkuba dhibkood yahay

Umad maydka mooyee

Noloshuba u madowdahay

Umada dunida maanta ah

Marag looga wada furey

Inay sida mawaashiga

Ma yeedhaanka liitaan.

 

Bal aan kuu macneeyee

Muddo hore ninbaa lumay

Maqnaa waayo badanoo

Dadku baadi maqalkii

Ku mashquule badankood

Isagoo mutuxanoo

Muddugoomadluunoo

Mirdawaala soo helay

Ku ye; “Maanta lay keenay

Maxay kuugu taallaa

Beribaan mar kale lumi!”

Maqal yaab la wada yidhi

Soomaalidu ma dhaamaan

Mur intey waraabaan

Mariidka iyo waabay

Iyo Maarre iyo hoog

Ayay maalin dabadeed

Meeshii ka miisaan.

 

Maahmaah ayaa odhan;

“Miidaamo dhego ma leh

Hadduu malag dhawaaqoo

Moolkay ku oroddaa”

Midhkaasay ka dhiganyiin

Maxabbada gumaystaha

Mahadhada dadkoodey

Magacood ku bi’iyaan

Madaxdinimo ku doonaan

Maal ay ku raadshaan

Mayal jilicsanaantey

Dadweynuhu markoodi

Sacab ugu madiixaan

Misna loo mashxaradaa.

 

Dhirtu muuqa guud siman

Magacana ku kala maqan

Kala midho macaanoo

Kala madhaxsigood badan.

 

Dadku muuqa guud siman

Mabda’ana ku kala maqan

Kala meherad wacanoo

Kala mudan kas iyo maan.

 

Masiibadu waxay tahay

Kala maarmi maynnaa

Muran weyn abuurtoo

Madmadoow la geliyoo

Midba maangalkii hadal

Midba meehabowgiyo

Maqaarsaarka doorbidey

Meertada gumaystaha

Midna miliqa taladiyo

Muran aan dhammaaniyo

Mahlakuu ka doorbidey

Mid mawriirsay meelo

Hadba kii muraadlaa

Maamula hankiisoo

Ma yaqaanno mayado

Dantii mooge weeyaan

Maro calali dhaantoo

Mugdiguu iftiin bidey.

 

Ila miriqday heestuye

Aan soo majiiroo

Runta soo majila gebi

MIDNIMAA leh maamuus

MIDNIMAA leh magac weyn

MIDNIMAA leh midho badan

MIDNIMAA leh muruq adag

MIDNIMAA leh maal badan

MIDNIMAA leh Miisaan

MIDNIMAA leh Muuq wacan

MIDNIMAA leh magag badan

MIDNIMAA leh maddad badan

MIDNIMAA leh maareeyn

MIDNIMADA leh Madaxnimo

MIDNIMAA la mahadshaa

MIDNIMAA Is maqal wacan

Midnimaa leh marashiyo

Masruuf aan dhammaanayn

Abid laga masuug la qabin.

 

Soomaaliyeey mudo

Soomaaliyeey maqal

Midnimaa muhiimoo

Midnimaana guul mudan

Iyo lagama maarmaan

Curiye Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Ammin 29.09.2014

SHEEKOOYIN