Maansada Nisa Taageerida nabadsugida Qaranka W/C: Hodan Sh Cumar

National_Intelligence_and_Security_Agency

 

 

 

 

 

Maansada Nisa

Waxaan maansadaan kooban curiyay 1-23-2016 waxay igu dhalatay, markaan daawaday muuqaal, laga dheehan karo naxariis, iyo geesinimo, uusan sameeyeen ninka  shisheeyaha ah ee loogu yeero Amisom, muuqaalka oo ahaa gurmad ay ciidanka qaranka Nisa u fidiyeen shacabkii ku hoobtay, wax yeelladii ka dhacday Liido, waloow ay waajib saaran guteen, haddana Ma arag, ciidan aan mushaar iyo mooral fiican qabin oo ka geesisan ciidanka qaranka. Maansadiina waxay tiri:-

 

Maansada Nisa:

 

  • Halyeeygiyo nafhurahoow
  • Hadyaddii dalkeeygoow
  • Harka deda cadceedoow
  • Hibadii dhulkeeygoow
  • Hoos lagu nagaadoow
  • Hir daruuro rooboow
  • Hanqar noo iftiimoow
  • Hamashka iyo doogoow
  • Dirir hooray galaboow
  • Caddo iyo hillaacoow
  • Aayaha hadhoowtiyo
  • Berri loo hanwaynyoow.

 

  • Hawraar san iyo hadal
  • Suugaanta hibbada ah
  • Sida magacey hodanka ah
  • Gabayada hummaagtaa
  • Hal abuurka maansada
  • Anigoon hawaysteen
  • Hal iyo laba xarriiqeen
  • Hamiyeena curinteed
  • Qalbigaad i huriseen
  • Holacaad u jiidheen
  • Hawshiinna qarannimo
  • Waxaa hibatay laabtoo
  • Igu beertay heesaha.

 

  • Horu jooga yaashii
  • Hilbeheenna cunayoo
  • Noo loogay haadde
  • Nolasheenna hiifoo
  • Nabad inaan ku hurudniyo
  • Sharaf naga habaawshoo
  • Hoog nala jecleystiyo
  • Handadaadda nacaskii
  • Nacabkii hanfida dhigay
  • Hirdidaad ku qaaddeen
  • Haraatida cuslaydiyo
  • Hannaankii dagaalkiyo
  • Heegankiyo nadaamkii
  • Habsamidii qurxooneyd
  • Heeseynta qalabkiyo
  • Hubka rididda toosnaa
  • Hagar li’i difaacii
  • Haggidiisa taliyaha
  • Waxaa hibatay laabtoo
  • Igu beertay heesaha.

 

  • Hiilkii dad waynaha
  • Naxariista hibadaa
  • Bulshaad habeyseen
  • Haraadka iyo oonkiyo
  • Hiirtaanyada ka mayrteen
  • U hurteen naftiinnoo
  • Xabbadaha holcaayiyo
  • Hawsarkiyo banbaanadu
  • Hilibkiina feenteen

 

  • Halbowlaha dhex qaadeen
  • Heda aad u weydeen
  • Dhimashada u hanateen
  • Aniguna hinqaday kali
  • Xubin dhexe habeenkii
  • Hurdadii ka toosoo
  • Hilhishoo baraarugay
  • Hamma mowsi qalinkii
  • Hal haleel u raadsaday
  • Erayada hiddaha dhaqan
  • Heelliyo ammaaniyo
  • Mahad celin idiin huray.

 

  • Harcad EEBBE tuugoo
  • Ku hadaaqay samahoo
  • Haybsaday duciyo khayr
  • Adduunyada hagaagiyo
  • Habsamaanta nololeed
  • Hanta oo hurdada leda
  • Aakhira jannada hela
  • Dunidana halkii roon.

 

  • Dhiirra galin habboon iyo
  • Hadalkeygu waa talo
  • Iyo Hogga tusayntii
  • Hal abuur lahaan jirey
  • Nisa hawsha sii wada
  • Hagaajiya wixii ba’a
  • Hiigsada asaaggiin
  • Dalka cadawgu yuu helin
  • Shisheeyuhu ha haajiro
  • Ammisoom ha dhoofaan
  • Haadaan ku shuba Ugus
  • Haraadiga ku kala baxa
  • Hoojiya wixii haray
  • Hurgufoo dhilqaha iyo
  • Hufsha idil qaniinkoo
  • Higta guuxa gaardiga
  • Hiiraanga guuxaay
  • Ku hurdaan dadweynuhu
  • Habacsaniyo tuugiyo
  • Weligiin hunguri xume
  • Yaanu heerin sharaftiin
  • Anna heesta waan dhigay
  • Idina hawsha sii wada
  • Halgan baa inoo haray
  • Shacabkoow hantiyo maal
  • Ku harqiya halyeeyada
  • Habloow dahabka soo fura
  • Haye wadajirkeen dhaha.

 

 

Hodan Sh Cumar

SHEEKOOYIN