Maansada Soorquureed Curiye: C/qadir Ibraahim Weheliye

 

Untitled234

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maansada Soorquureed.

Maansadan waxaa la yiraahdaa SOOR QUUREED, waa maanso ka hadlaysa, dhibaatooyinka socdaallada halista ah ee ay bulshadeenu inta badan mashaqada ku galaan ee TAHRIIBTA, anigoo intii awoodeyda ah koobaya bal, mahadhooyinka iyo mahlakada lagala kulmo iyo halka loo socdo waxaa yaal ee loogu yimaad ayaan iri:

 

  • Saatir waa Ilaahii
  • Na sameeyay idilkeen
  • Suubanoow rasuulkana
  • Salalaahu baan niri (scw).
  • Socotoo dhaqaaqdo
  • Fool baana sidatoo
  • Garashaa sidkeedii
  • Oof saabis joogtaa
  • Sabadeey ku dhalilayd
  • Saynsaab u dooree
  • Ila soco afdhuuboow
  • Soow tii nin hore yiri
  • Samadaa rideeydii
  • Sahal loogu maalaa .
  • Ana sararta hoosiyo
  • Feer baa i saranoo
  • Suuryaa i heeysee
  • Balaan sugo dabiibaha .
  • Aan su’aalo duunkee
  • Saxya qalad midee bey
  • Bulshadeydu sidataa ?
  • Inta soof la daaqsado
  • Seenyiyo idiiniyo
  • Saca iyo dirkiisiyo
  • Sabeenta iyo sumalkiyo
  • Senge iyo kol ay tahay
  • Faras seeda weeyne ah
  • Sumadeena weeyaan .
  • Hadeey saraca beer tahay
  • Webiyada susuma tahay
  • Bado soo jireen tahay
  • Dahab iyo simaar tahay
  • Soomaali waa tii
  • Lagu sheegay sunudiyo
  • Sujci iyo tujaarnimo .
  • Ha yeeshee suldaanoow
  • Anigoo sidaasaa
  • Sabarkeeygu maranyahay.
  • Saanteeydu liic tahay
  • Salka hawlihii gabay
  • Saranseer igu koror
  • Haddaan siibto oo dhaco
  • Suxulkaan u baad shaa
  • Ciidiyo saliiqyada .
  • Socdayoo dhaqaaqee
  • Ila soco afdhuuboow
  • Dhibki seddax sideedaad
  • Sii dhaafay baa jira
  • Sumuc iyo awood iyo
  • Suug iyo bombaaniyo
  • Xabbadaha sumsumaye
  • Seeraarayaa jiro
  • Imisaa nin soo kacay
  • Sambabkiisa laga qoday
  • Haraagii salooshaday .
  • Imiseey socdaaleen
  • Gabdho iyo rag soo qaxay .
  • Safar waa halkiisii
  • Silac hoow badnaadee
  • Saxaruhu dhexdiyo
  • Siigiyo dabeeyl iyo
  • Sulukaantu badanaa
  • Adimada ku suuxiyo
  • Sahaydoo yaraatiyo
  • Siic siicu daranaa
  • Imisaa sucaadiyo
  • Hanad lagu sagootiyay
  • Wedki saacihii galay
  • Sara jooga ugu yimid .
  • Sulub iyo haldhaayadi
  • Dumarkii saloognaa
  • Boqolaal la siin jiray
  • Sahal ay ku feenteen
  • Kufsi ay ku sooreen .
  • Sulmi waa halkiisee
  • Weli safarki waa kow
  • Seeymaa usii dihan
  • Surimaa usii xiran
  • Midiyaa usii sahan
  • Iyo suul madoobaad
  • Saynuuf ku gaadoo
  • Sunuudaada baadoo
  • Doon saxan la moodoo
  • Sodon loogu talagay
  • Sedax boqol ku qaadoo
  • Saa yeelayaa jira .
  • Hayeeshee suldaanoow
  • Weli safarki waa koow
  • Waa lagu sagootiyay
  • Sacab haadis baa jiray
  • Badi waa salaxantahay
  • Sali weeye lagu yiri
  • Sirir baa ku soo dumay
  • Safki aaryadii maray
  • Dadki weey saluugeen
  • Sida xaalku uu yahay
  • Halki saacad lagu yiri
  • Sagaal buu amaahaday
  • Tiradii seneeyd beri
  • Lixdan waa lasii guray
  • Samak iyo kaluun iyo
  • Shimbirihi salaameen
  • Sarartoodi leefeen
  • Cabsidii sed laga dhigay
  • Kol sawaxan la sii daar
  • Sabi hooyadii waa
  • Dabadeed suldaanoow
  • Saan cadaalihi yimi
  • Dadki badi simaar sii
  • Dhaawacii saliid mari
  • Maraakiib na saar saar
  • Suufkiina loo dhigay
  • Seexdana kol lagu yiri .
  • Sidi xoola duureed
  • Sumad gaara loo yeel
  • Farahana sabciin jeer
  • Laga qaad suldaanoow .
  • Hamigoodi sii liic
  • Sedrigoodi waa tii
  • Nimcadaad sur suurani
  • Sahaloow kol lagu yiri
  • Noloshii silooneeyd
  • Dhaayaha kol loo saar .
  • Sadaradi u yiiliyo
  • Sadaashii hora iyo
  • Sahankoodu beenow
  • Sakaraaday himiladi
  • Xaal koodu waa silac
  • Iyo siismo quureed.

Dhammaad.

Curiye: C/qadir Ibraahim Weheliye

SHEEKOOYIN