Maansada:Soomaali Hunuunu!!

mxf

Maansadan  magaceeda, waxaa layiraaa “Soomaali hunuunu” waxaa curiyey Abwaan Maxamed Xuseen Faarax,

Waa maanso ka hadlaysa, marxalada maanta umadda Soomaaliyeed ku sugantahay.

  1. Galayr ha’da maanso
  2. Adaa hal abuurka
  3. Tixraaca ha’ leeyda
  4. Hikaadin ogaaye
  5. Hiddiida hiddiida
  6. Hobeyda hobeyda
  7. Hayaay hibiloowda
  8. Aan kuu kala haadsho.
  9. Soomaalidan hoogtay
  10. Habaarku haleelay
  11. Haloosinka qaaday
  12. Hurfaanka hilaacay
  13. Daruurta hullaabtay
  14. Humaagta hilaaban
  15. Hayaan hiyi raacday
  16. Hantaaqada howdka
  17. Habheebta mariinka
  18. Waddada halaq baaska
  19. Ku sii habqan yaaca
  20. Haamaan ka adeegtey
  21. Hanraawuhu boobay
  22. Balaayadu haagtay
  23. Haddaan ha’da maanso
  24. Hubaal ugu sheego
  25. Xaqiiqada hoose.
  26. Soomaali hunuuno
  27. Hunuunu hanaana
  28. Hinraaga libaaxa
  29. Haabhaabka shabeelka
  30. Humbaalka dhurwaaga
  31. Halaaqada weerka
  32. Hamboorinta yeeyda
  33. Hugaha hardaftiisa
  34. Hororka hintifaaga
  35. Heeraarta dugaaga
  36. Hadoodilka haadka
  37. Hormada halaq baaska
  38. Halaaq cayayaanka
  39. Dushaa hoganaaya
  40. Hamuun hilibaaga
  41. Usoo hordhanaaya
  42. Intaadan hadeynin
  43. Ee aad himbiriirto
  44. Wallee ma hagaagtid!!
  45. Soomaali hunuunu
  46. Hunuunu hanaana
  47. Danleey huduriinta
  48. Hunguri hawa raacda
  49. Hud’hud hargo hoosha
  50. Hangoosha kufaarta
  51. Gumeyste horyaalka
  52. Hadhiin dalka hooyo
  53. Cadaawe u heertay
  54. Huuraale shisheeye
  55. Harmiidlaha gaalku
  56. Usoo hag’hagoogey
  57. Hantaaturin taada
  58. Intaad daba hiigsan
  59. Wallee ma hagaagtid!
  60. Soomaali hunuunu
  61. Hunuunu hanaana
  62. Haram odoyaasha
  63. Hareed gar madowda
  64. Hantiile wax heeysta
  65. Hargaanti sargaalka
  66. Hotqeeylya digtooro
  67. Haweenya caruurba
  68. Qabiil hirasheeynta
  69. Qabyaalad u heeska
  70. Dagaal u hamuunka
  71. Colaad hidi waaska
  72. Balaayo horboodka
  73. Dareen hambalyeynta
  74. Xumaan u haliilka
  75. Wanaag holi waaga
  76. Heshiis ka habsaanka
  77. Walaalnimo hiifka
  78. Hawaawir naceeybka
  79. Hujuun la hableeybta
  80. Huruuf la hadaafka
  81. Hitaanyo hinaaska
  82. Helleeley shirqoolka
  83. Hinaash dhagareedka
  84. Haloosin maroowga
  85. Hosaasin daruurka
  86. Hoyaalada beenta
  87. Lasoo hab-hableynta
  88. Wixii huban haatan
  89. Haraati ku kiiska
  90. Waxaan la heleynin
  91. U haarid dhawaaqa
  92. Waxaan la huraynin
  93. Hareerta ka dhaafka
  94. Hunuuda hanaada
  95. Hoheey kala maanka
  96. Intaad ku hadreeyso
  97. Wallee ma hagaagtid!!
  98. Soomaali hunuunu
  99. Hunuunu hanaana
  100. Hortaada dibtaada
  101. Hareer iyo hoosta
  102. Dabkaan hurid qiiqay
  103. Misana holac baahey
  104. Hanfiga holonkiisu
  105. Hareeyey dhulkaaga
  106. Markaad hambalaluq
  107. Gubniin hurgumotey
  108. Magmaaga hulaaqay
  109. Kulayl halwadkiisa
  110. Ninkii hafinaayey
  111. Hareemin kadoonka
  112. Intaad hamineyso
  113. Wallee ma hagaagtid!!
  114. Soomaali hunuunu
  115. Hunuunu hanaana
  116. Nin haanka ku gooyey
  117. Bilaawe holcaaya
  118. Jirkaaga ku heeyley
  119. Halaagey naftaada
  120. Markaad hantatoobsi
  121. Istaag holi weeyso
  122. Inuu har ku geeyo
  123. Intaad hamiyeeyso
  124. Wallee ma hagaagtid!!
  125. Soomaali hunuunu
  126. Hunuunu hanaana
  127. Ninkii hayinkaaga
  128. Halbowle wareemey
  129. Hashaadi dhaleysey
  130. Horaadada gooyey
  131. Inuu hormadowyo
  132. Haleela irmaana
  133. Hoo maal ku yiraado
  134. Intaad hamiyeeyso
  135. Wallee ma hagaagtid!!
  136. Somaali hunuunu
  137. Hunuunu hanaana
  138. Sidii hebed aawra
  139. Hogaan dacayeeynta
  140. Hadiidka garjiidka
  141. Intaad hanqal hoosta
  142. Usii hoganeeysid
  143. Wallee ma hagaagtid!!
  144. Soomaali hunuuni
  145. Hunuunu hanaana
  146. Hantaawilif hooga
  147. Hadaawir dhaqaaqa
  148. Qaxooti habaawga
  149. Tahriib habaqleeynta
  150. Badweeyn hirka laaca
  151. Haftoon ku dhamaadka
  152. Dhibkaad la huleeshay
  153. Ninkii hurinaayey
  154. Uhaayir dhulkiisa
  155. Hareemin kadoonka
  156. Agtiisa ka haarka
  157. Hundhur gacan taaga
  158. Hanyuucsi u tuuga
  159. Haruubada caayrta
  160. Hareera ka leefka
  161. Intaad hamiyeeyso
  162. Wallee ma hagaagtid!
  163. Soomaali hunuunu
  164. Hunuunu hanaana
  165. Dhulkaaga habeeysan
  166. Nimcada halwaneysa
  167. Barwaaqada huursan
  168. Sidaad uga hoogtay
  169. Amaad uga haaday
  170. Bal eeg hantidaada
  171. Dahabka hig-higaagan
  172. Shidaalka hadeeysan
  173. Beeraha higtaraadka
  174. Dalagga halhaleelka
  175. U haali baxaaya
  176. Sabuulka hurfaanin
  177. Badweeynta hiraacin
  178. Webiga hirqanaaya
  179. Togaga hunganaaya
  180. Handaawadka ceesha
  181. Hariyo hilo buuxda
  182. Duleedkiyo howdka
  183. Banaankiyo haarta
  184. Dooxiyo hogiyo buuro
  185. Dagaandega hoobad
  186. Bakool hadileeyda
  187. Hobaanta bislaatay
  188. Xoolaha hag hagaaga
  189. Hawada halac laayrta
  190. Saxada hilalaawle
  191. Qoraxda ku hagogan
  192. Habeen iyo maalin
  193. Waqtiga kala heerka
  194. Waxaan dadba haysan
  195. Adoo hibo yeeshay
  196. Aduun hodinkiis ah
  197. Intaad ka hadaafto
  198. Gargaar hay’adeedka
  199. Haruur misir haadka
  200. Qamadi hunyuucday
  201. Galneeyda halaawday
  202. Hambooyinka quurta
  203. Intaad hambanayso
  204. Wallee ma hagaagtid!
  205. Waxaan hibanaayo
  206. Anoon hal-haleelid
  207. U haaban ka raynin
  208. Aan hooriyo heesta
  209. Soomaali junuunu
  210. Hunuunu hanaana
  211. Horraan shalaytoole
  212. Haddeerya hadhowba
  213. Waxaad ku hadleysid
  214. Waxaad ku hadreysid
  215. Waxaad ku hammaysid
  216. Waxaad higsanaysid
  217. Xummaan hilwadkooda
  218. Intaadan hadaynin
  219. Walleee ma hagaagtid
  220. Wanaag ma haleeshid!!
  221.  Dhamaad
  222. Curiye:Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN