Maansadda: Dhulkaa lagugu haystaa!

cawke

 

Maansadan waxaa la dhahaa ‘Dalkaa lagugu heystaa’ waxaa curiyay abwaan Cabdulaahi Cabdi Xasan (Ladane).
Maansadani waxa ay ka waramaysaa dhibaatooyinka soomaalida idilkeed heysta iyo waxkasta oo wanaageeda ka soo horjeeda, iyada oo baraarujina ah xaqiiqdana tilmaamaysa.
Waxay kaloo sheegaysaa cadawga soomaalida oo noocwalba leh sida ‘dawladaha deriska, reer galbeedka iyo carabta qaarkeed, iyadoo maansadani si dadban u hadlaysa hadana ruuxii aad ugu fiirsada wax kasta oo ay tilmaamayso wuu garan karaa.
Way dhici kartaa Akhristuhu in ay ku dheeraato maansadu, balse kolkaad bilowda adigoo dhameeyey baad arki doontaa, isku day inaad akhriso, hadaad waqti u hesho.

FG: Maansadani lama hadlayso Maamul gaar ah, Waxay la hadlaysaa waa soomaalida guud ahaanteed.
Waa danraac adduunyadu,
Ninba tiisa doortoo,
Ruuxba ruux dagaayoo,
Tartan loo degdegayoo,
La is daawanaayee;
Ma ogtahay dadweynoow,
Dabuub iyo afguud baa,
Maanta lagu dagaalaa.

Nin dadkaaga haystoo,
Miis dushii ku saartoo,
Dastuur kuu samaystoo,
Indhaha kaa dugaayoo,
Ku dakhraaya baa jira,
Hadda duul fog maahee,
Deriskaaga weeyaan.

Mid dux maran ku siiyoo,
Dufan suna ku mariyoo,
Saaxiib duqoobiyo,
Aad daweeye mooddoo,
Isku kaa diraayoo,
Dayuus kugu talaashoo,
Dayaxaaga awdoo,
Kuu dijaala baa jira.

Waana gaale daymee,
Carab daacayaa jira,
Ku dulleeya baa jira,
Hoos kuu diraa jira.

Sababtuna dadweynoow,
Mid daboolan maahee,
Khayraadkan dahabka ah,
Daayinkaygu kuu tubay,
Daah inuu ku jeeroo,
Dado buu rabaayoo,
Darxumadiyo­ gaajada,
Duudkaaga taallaa,
Dawadeed ma raadshoo,
Dhibta kaama diiree,
Wuuba sii daneeyaa.

Nin kudkude dugaashaday,
Waxa uu la dalab yahay,
Nin inuu dedoodiyo,
Dhaxanbaas ka didayoo,
Dugsi goobiddiisii,
Dab qalxamaya gelayoo,
Dhaawac darani gaaree,
Xusuusnow daliilkaas.

Curad daalinaa jira,
Ku dhuqeeya baa jira,
Mid ku doorshay baa jira,
Dad-qal xuma u doodoo,
Ku dilaalay baa jira,
Midku dayriyaa jira.

Waxaa taa ka sii daran,
Siyaasigan daciifka ah,
Dirqi buu ku noolyoo,
Gaalbaa daduucee;
Diricoow kacoo hadal,
Daadihi quruumaha,
Bahalladu didsanayaan.

Dirir naafa lama simo,
Ruux caqliga dugsanayee,
Idinkoon wax sii dumin,
Da’yareey wax aragtee,
Maydaan damqanahayn?!

Ninka Qurac dul fuulee,
Laan dabada saaree.
Gudin hoos ku doojiyay,
Dadoow muusan waalnayn?!
Dijaal ina adeeroo,
Nacabkaba u doonoo,
U dedaala baa jira.
Dullinnimada qaarkeed,
Dhimashaa ka door roon!
Marka uu dad leeyahay,
Kanuu aad u daawaday,
Nin kas adiga kuu dilay
Damal kuuma jiidoo,|
Harka kuuma dooree
Daleed iyo bannaan buu,
Kugu dayriyaayoo,
Daansha-daansho weeyee,
Horta abid digtoonow,
Saqajaan danbeetana,
Dadkeygoow ha aaminin,
Dooyo nabadda feydoo,
Duleedkaaga taaloo,
Aad la dirirtid waa gar e,
Ma ogtahay waxaa daran,
Mid rar kugu digsiiyoo,
Dubaaqaaga xadayoo,
Hubka daran ku siiyoo,
Dar-dar reerihiinniyo,
Kugu yiri duqeeyoo,
Daacad aad u tahayoo,
Dabar adiga kugu xiray.
Daanyeer wax maamulay,
Khudbadduu diraa tiri:
Daanyeer dhamaantiin,
Taaboo wixii dagan,
Dafa maalin iyo leyl,
Wixii idinka tabar daran,
Dilya baad isugu dara,
Waxse iga dardaarana,
Noole kuu darnaan jiray,
Aanadii ha sii dayn,
Dhan kastaba ka daydayo,
Ilaa uu ku hoos dego.
Duur-xul weeye sheekadu,
Nin fahmayse deeqdaa,
Dammiin waase moog yahay.
Markay sheeko darartaa,
Sheeko lagu daraayoo,
Dar-dar maaha hadalkuye,
Dugsi ruuxa tegayee,
Dersi baro is yiriyee,
Cilmi dooniddiisii,
Lagu rogay dabayliyo,
Reer hebel ka soo durug;
Muxuu yaab la deden yahay!
Su’aal weeye daashee,
Sahankuu diraayiyo,
Hanka diiraddiisii;
Saw ma jabin dadweynow?
Abeesada duqda ahiba,
Ilkaheedu duudduub,
Korka way ka diriraan,
Hosna waa dir wada yaal!
Siyaasadda duniduna,
Waa sida duntaasoo,
Duddo weeye gaaladu,
Loo diray Islaamkoo,
Hal ujeeddo daarrane,
Ogsoonow dadkaygoow.
Ogsoonow dadkaygoow,
Shan damane ayaad tahay,
Waadna kala duddaayoo,
Garaadkaa ku doodane,
Goormaad dantaa garan?!
Nin duddumo u yeertaa,
Lala maagyay daalkee,
Ma marbay u diir-nixi,
Ooy dhankiisa soo deyi?!
Iyadoo shir loo dagay,
Goluhuna diyaar yahay,
Dirirtii na taallaa,
Nin walbaana dooddii,
Ay tahay dadweynoow;
Aan daaqsinkay helo,
Aan horay u sii dego
Aan cirirkan doogsado,
Aan gaado dabacsane,
Geela aan darkii tubo,
Gol-dalooladaydiyo,
Dil-dillaaca aan xiro,
Taariikhda aan dugo,
Aan dacarta riixoo,
Ologgayga duudsiyo
,Cadaw yuu i dala’sane,
Aan hub badan diyaarsado!
Misna dabinka baanuhu,
Uu gooddi duran yahay,
Ninka daahay madashaas,
Iyo kii dhankale dayay,
Golahana daleensaday,
Labadaba­ docdoodaa,
Khiyaannadu u durugtoo,
Sahan baa u soo diran,
Diilalyaa ku soo maqan,
Dilku waa halkiisee,
Duunyadaaba laga xadi!
Marka ay digriyayaan;
Ayuun baaba laga degi.
Midkii dawliskiisiyo,
Wadaantaba gacmaha dara,
Heshiis baaba lagu deyi,
Kan kalee dayoobana,
Marinkaaba­ laga dugi,
Daadah baana lagu hayn!
Inta ay duriyaddii,
Ka dillaacin dhaayaha,
Daliilkiyo ujeeddadu,
Ma daboolna goortaan,
Qaramadan isduubee,
Golahaba diyaarshee;
Nabaddaan­ dabiibnaa,
Dalalka u akhriyayaa,
Beenbay ku doodaan.
Tuuggii darraad baa,
Reeruhuu daldali jiray,
War intuu u diir naxay,
Xoolahoodi daajiyay,
Misna duur-markiisiyo,
Dibindaabyadiisiyo,
Damaciisi waalnaa,
Daacadnimo ka qaayibay,
Diinna malaha ruuxaas,
Ani igama daadegin!

Dadkaygoow war li’idaa,
Damiirkaagu dheeraa,
Doqonnimo huwanidaa,
Aragtiyo didsanidaa,
Kuwaad dihatay maqanaa,
Caku wada dansanidaa,
Daaraddaadu gubanaa,
Dancigaadu xiranaa,
Doobigaagu maranaa!
Hadday caano daataan,
Waa la dabo qabtaayoo,
Lama diido caymee,
Waa adigan durkaayoo,
Nabaddii ka deegee,
Ogsoonow dadkaygoow,
Darbadaha xumaanta ah,
Ee lagugu dooriyay,
Dingaraaradana wacay,
Iyo dabinkan yaallee,
Dagaag liita kaa dhigay,
Dawgalkood ma dheeree,
Dalkaa lagugu haystaa!
Xaajadii shar deeqdee,
Xunta dabaqaddeediyo,
Duminta u adeegtee,
Dadka kala fogaysaa,
Dakaankeeda lama sugo.
Deg-deg toos dadkeygoow,
Daqaqami shisheeyaha,
Adoo deexashada wada,
Misna dogobyadaadiyo,
Dabka­ adiga kugu shidan,
Hal-haleel u wada dami.
Bogagga isu dood-qaba,
Doogtuna dhex taalee,
Dakanada sugaayee,
Dooxatada u ciil qaba;
Ku dabiib kitaabkoo,
Dabra-celini yay dhicin.
Talo ha iska daynina,
Degelkana wanaajiya,
Caddaaladina yay dudin!
Xaqa dabaqyadiisiyo,
Ha ka weecan daacadda.
Dantiyo hawlahaa guud,
U dibbood dhankoodoo,
Ha sinnaado duulkani,
Misna daacad ugu sheeg
,Inuu yahay dun qura iyo,
Soomaali dooroo,
Dad isdhalaya idilkood.
Taariikhda duugga ah,
Dirir baa ku taallee,
Daan-daansigaa balo,
Tir-tir wayska dooriye!
Duuduubka sheekada,
Daaddays adoon mudan,
Didinyadana sii wadan;
Aqoontaba ku diirsoo,
Isu laab dawooboo,
Iska raw dugaaggoo,
Deel-qaafkan laaloo,
Darartii hashaadiyo,
Daran-doorri caanoo,
Madax doora yeeloo;
Soomaalay dantaa garo!

Mahadsanidiin.
Waxaa curiyey: Abwaan Cabdulaahi Cabdi Xasan (Ladane).

 

SHEEKOOYIN