Maansadi Murug reeb iyo Dhacdey ku timid Curiye: Cabdi qaadir Weheliye

Habeen habeennada ka mid ah, ayeey ila soo hadashay gabar waxeey igu tiri walaaloow waan dhibanahay jacaylkeygi ayaa iga xiran iimana dhowa , waqtigaas jaanis ma heynin, waxaan ku iri: “Anigaa kula soo hadli doona” Iyaduna waa iga yeeshay.

Seddax daqiiqo gudahood, ayeey shan ar iisoo qortay walaal waan murugsanahay run ahaanti waan la tiiraan yooday waxaanan.axaan ku iri: “Waayahaye ii sheeg sida wax u jiraan?

Gabadhi waxay tiri: Waqti aan dheereeyn ayaan wiil aan aad u jeclaa is guursanay ka dibna safar ayuu galay, waddamada shisheeye ayuu ku xiran yahay waxaana jeclaan lahaa haddii aan caawa awoodo inaan xabsigiisa la galo hadii ay jirto sabab la iigu geeyn karo waan raadin lahaa hadii uu lug ka xiran yahay anigana mid la i xiro .

Intaa markii ay mareeyso ayaan isku dayay inaan sheekda hannaan wanaagsan u dooro tixna aan ka sameeyo maadaama aysan gabadhu ii dhoweeyn waxaan dirsaday dareenkeeyga so uu gabadha xaaladeeda dhabta ah iyo gudaheeda murugta taal uu iigu soo sawiro .

Sodi “Memory card” ayuu iigu soo xawilay waxaan sawirtay iyadoo dhiban geedaha ku maran, cadaw kastoo laga maato iyadu la maadato ,anfac iyo nool adduun ay ka soontay ,intaa hummaagyadeeda markii aan helay ayaan tixda billaabay

 

Maansada :(Murug – reeb )

 

  • Hadba laba mataanoo
  • Ku midoobay noloshoo
  • Muxibada kal gacalka leh
  • Sidi malab ka doocaan
  • Muudsada jaceeylkoo
  • Mid waliba midkii saba.
  • Dhibki waa’ la soo maray
  • Moogsiis hilmaamsiis
  • Isu maandhayaayoo
  • Hadba sheeka maad loo
  • Magac iyo xusuus ba leh
  • Kaltan leeysu mariyoo
  • Hal muceedki boodhari
  • Maahmaahyadiisi
  • Sidi miida xoolaad
  • Mirta dhexe habeenkii
  • Sidan hadal ka loo maqal
  • Loo miisa hoosoo
  • Noloshaba macaankeed
  • Muska reerka taaloo
  • La mushaawiraayoo
  • Xaajadu mushaax tahay.
  • Dhibku waa markiisee
  • Sow mudanihii qabay
  • Marwadii kamuu socan .
  • Makri iyo shil maahoo
  • Dunidaaba meertiyo
  • Hadba gaasir miratoo
  • Milmileeysa dhaankee
  • Sow nooli maalmeed
  • Sahankii ma qaayibin .
  • Soow maamul gaaloo
  • Madaxyahay midaan garan
  • Xilka uu ku maqanyahay
  • Cida uu u maqanyahay
  • Mihnadii waxeey tahay
  • Mucda iyo garaadkii
  • Micno iyo hankuu sido
  • Iyagoon maleeyn jeer
  • Muraadkiisa gaarka ah
  • Xabsi moolalkiisiyo
  • Sow maxbuus kamey dhigan !.
  • Dabadeed mirtii dhexe
  • Xili uunku maatoo
  • Barkimada ku maranyahay
  • Anoo keli mushaaxoo
  • Minan keyga sii raba
  • Sow muuq haweenoo
  • Mugdiyada dhex liicoo
  • Hadba laan ku maranoo
  • Meereeysaneeysoo
  • Miyir liidan maan arag .
  • Dabeed ma weeydiin
  • Waxa aad ka maagtoo
  • Meehanawgan kugu riday
  • Bal marwooy inoo sheeg .
  • Marwadii waxeey tiri
  • Aan kuu madaalshoo
  • Miis kuugu dhoobee
  • Horta adi masuuloow
  • Marka hore kumaa tahay ?
  • Waxan iri nin maansiyo
  • Suugaanta maaloo
  • Miimkeeda dhuuxoo
  • Muud muudsadan ahay
  • Marwadii waxeey tiri
  • Maqaloo bal sii dhuux
  • Aan kuu Mar dooxee
  • Miliftaana iga hoo
  • Haddaad miyir gadoontoo
  • Dhaayahaagu mooraan
  • Bal inaad madiiftoo
  • Iska meeyrto baan rabay.
  • Marwadii waxeey tiri
  • Naftu iga mid weeyoo
  • Moowlaan ka baqayaa.
  • Kol inaan majiijoo
  • Bada maaxda weeyn iyo
  • Isku tuuro mool baas
  • Mudanow ka dhiidhiyay
  • Mirihii saciiriyo
  • Naar baan masuugee
  • Dunidaba wixii mudan
  • Ama maamul la i dhaho
  • Kol mugeed la ii daro
  • Taaj madaxna leey suro
  • Mudac aad isiisiyo
  • Maxaar iima doorshaan
  • Midabkaan ka heeystaa.
  • Marwadii waxeey tiri
  • Waxaan milicsadaa jeer
  • Deeyrtii la soo maray
  • Oon maxamed caashaqay
  • Marxabadiyo guurkiyo
  • Meherkeeni uu dhacay
  • Murti iyo cayaartii
  • Laga mariyay goobtaa
  • Iyo maanta sidan ahay
  • Mid is doorsha weeyaan .
  • Hadda maal adduun iyo
  • Manfac waan ka haajiray
  • Haddii uu macaan jiro
  • Dacar baan ka maashaa .
  • Haddii cadaw maluuxoo
  • Dadku ay ka maageen
  • Jiro aaga meeraha
  • Ani waan la maataa
  • Aarkaan miciinsaday .
  • Waxaan taa u magac dhabay
  • Ama aan ku taamaa
  • Mar inaan agtiisiyo
  • Mugdiguu ku noolyay
  • La majeerto baan rabay .
  • Hadduu majin ka xiran yahay
  • Anigana mid leey xiro
  • La wadaago murugtiyo
  • Mahadhada xanuunka leh .
  • Ha yeeshee masuuloow
  • Ma awoodo taasoo
  • Kummaanan kun meeyl iyo
  • Melyan dhaansi weeyaan
  • Marna laga gayooneeyn .
  • Ana soo makoowsaday
  • Mucjisadi la dheeygagay
  • Ilmo maax dureertoo
  • Qiiradu ku milantahay
  • Inaan mooso weheshay .
  • Yarti sabar u meeliyay
  • Dejiyoo muraal sabay
  • waayuhu inuu mirir
  • Yahay maal dhunkaaleed
  • Marna uu gu’ hooriyo
  • Yahay maax xareedeed
  • Gabadhii u maashiray .
  • Ducadii u meeriyay
  • Iri moowlaheenoow
  • Adigaa wax muuqdiyo
  • Waxa meel fog kaa yaal
  • Minid kaa qarsoomeeyn .
  • Lammaanahan mar kala lumay
  • Marjac waara ugu deeq
  • Cid kastoo maqaal dumay
  • Adigaa mudiira ehe
  • Midigtaada gaarsii
  • Waa muraayad laabtuye
  • U madiif ilaahoow
  • Manfac baan la deeyrine
  • Dhaqashada u mooreey
  • Muluqyaasha kaca iyo
  • Oowlaad ku meeqaam
  • Noloshana murtaax iyo
  • Uga yeel mid aan dumin

 

 

 

Magaca maansada (murug-reeb )

 

 

Curiye hal -abuur (cqadir weheliye )

 

09/01/2016

SHEEKOOYIN