Maansadii Qabirlaay oo ka mid ah, Silsilad maanseedki Qoomamo

 

Daadir

Maansadan  waxaa la yiraahdaa  “QABIRLAAY”  waxayna ka mid tahay, Silsilad maanseedkii QOOMAME oo na dhex martay aniga iyo rag  badan oo  Jaallayaasheyda ah oo hal abuur ah,Silsiladda oo dulucdeedu ahayd kala duwanaanshaha aragtiyeed ee maanta  Dhallinta soo kacaysa  ka taagan yihiin  xaalladaha iyo meertooyinka  nololeed ee la marayo. haddaba  bogasho wacan maansadii  oo dhameeystiran.

 

 

 

 

Sidi qaadir keen yiri
Waa qisaas adduunyadu
Qof kastoo dul joogana
Qalax qaadda weeyniyo
Afrog iyo qud kooliyo
Dawin qeeylyayaa suran.
Qudhu waari meeysee
Intaan qaadda leey oran
Qabrigeeyga leey dhigin
Inta waajib igu qoran
Ama qaarka ii suran
Inaan qeeybo weeyaan .

Afartaa qiyaasteey
Ma qotomiyay haaneed
Afar kalana qoowl kiyo
Qaaf leeydu ii furan
Nin garaa qaderiyee
Qoonaxeeygu ii raran .

Qasab malahan maansadu
Qandi malahan lagu tolo
Waa qeeyd bafta ahoo
Qiimo qadarin mudan .

Waxba yaan qooriga
Qarda jeexin dulucdiyo
Qasadkiyo halkaan rabo
Qiso iyo ujeedkay
Qabsadoo ka miirsada .

Qaafleyda heestiyo
Qoomamiyo oraahdeed
Ninka qayday maansada
Alleylehe runtii qeex
Qeeybtiisa faalee
Beentii la qarin jiray
Qalfaheedi naga aas
Waa qalayax muuqdee
Haka qadina dhaayaha .

Ina qorane heestiyo
Qeyla dhantow soo diray
Lagu quursay beey tiri
Murtidaadu qeel iyo
Qas qas iyo dagaal iyo
Qod qod iyo hir badanaa .

Alloow boogta yaa qala
Qurunkeeda maashiyo
Qalbiyada nadiifiya .

Inta aad qabiilkiyo
Qob qobeeyso reer reer
Bal qiyaas wixii dhacay ?.

Afartaa u qaabee
Qansax laama uga goo
U firaash qodxaha nacab
Afar kalana qoowlkiyo
Qaafleeydu ii furan .

Waa su’aale iga qabo
Qabir laawe oowr iyo
Qurbaceeygan laba jira
Qaalin aan rarkaba baran
Horta yaa u qiil deyay
Intu xariga qoor suro
Yaa yiri kebdaha qaad ?

Waa suaale iga qabo
Qaliifoow bal faalee
Boodhari ha qeeybiyo
Sahal kii qardhood iyo
Qadaroow bal baar baar .

Ninka gaal ka qolofta leh
U qoraaya xeerada
Intu hiira qalabsado
Isagoon quraac cunin
Kalahaad u beer qoda
Dhedadiyo qaboowgiyo
Qar qaryadu udheertahay
Oo weliba qaansiyo
Qumac iyo risaas iyo
Quwadii u wada hura
Yiri waa qaraabiyo
Qoowmiyad wadaagoo
Abtirkeeygan ii qoran
Isagaan ka qaatoo
Amxaarkaan la quutaa
Saw qaracan ciiliyo
May noqon qabaar culus ?

Afartaa u qaabee
Qansax laama uga goo
U firaash qodxaha nacab
Afar kalana qoowlkiyo
Qaaf leeydu ii furan .

Soomaali waa qoys
Waa qoys walaala ah
Ninka qeeybi yiriyoow
Adigaa qasaaroo
Qataar kaagu jabanyee
Haka qadin irmaanada .

Hashii koofur lama qalin
Sidig weeye Qaarwiil
Qurux badan rageeysaa
Bisinkaba u qabatoo
Waxaa qabada noo tolay
Qeeyrkeeda dhaaftiyo
Qormadii jabuutoo
Jig jigaa qotomisoo
Dhaantada u qaadoo
Gaarisaa qibleeysoo
Qoowl siibta nirigtoo
Xamar baa qorsheeysoo
Ku qudbeeysa nabadee .

Soomali waa qooys
Waa qooys walaala ah
Inta aadan qaraw tirin
Bal qiyaas wixii dhacay
Taariikhda qoran eeg
Intan dhididka kuu qubay
Sidaan kuugu quud guro
Imisaan ku qaday doox
Imisaan qarfaha maray
Aar soo qandoodiyo
La qadeeyay weeraha .

Anoo qoobku jaban yahay
Dabin qooshan leey suray
Leey qalay daraadaa .

Afartaa u qaabee
Qansax laama uga goo
Ufiraash qodxaha nacab
Afar kalana qoowlkiyo
Qaafleeydu ii furan .

Bada qaadka weeynoo
Qabaal aan ku dhuray shalay
Darmaankii qurquriyoow
Maku qaba timeeysaa ?

Sebanadan qarkood dumay
Qar duleelo badanaa
Diinka qolofta weeyn baa
Quraankaba dhiga duul
Qanja aadmi lagu arag
Qarir diiran laga baar .

Waa sarbeeb qafilanoo
Makasaha qadoodilan
Xuub looga qariyee
Qurdanoow itaalkaa .

Waxba yaanan qiiroon
Qulqul heestu iga noqon
Qabirlaay u xeeriyo
Ogoow quusna maahee
Qalinkeeygu waa dihin .

Waxaan qaafka kaga baxay
Qaran qaar tilmaamoow
Qormadeeda tuujoow
Maansada u qiil daya .
Aminta la curiyey: 23/05/2015

Curiye: Cabdulqaadir ibraahim weheliye

SHEEKOOYIN