Maanso: Daliil- Raac Curiye: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid

 

12483515_1961800627377557_788462051_n

Maanso: bahda jiiftada-

magaca:- Daliil-raac

Curiye: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid

 

Waayadan ma dihanoo
• Suugaan ma daalacan
• Daahana kamaan furin
• Dahaadhkiina kama jarin
• Ka dib jirey warkeedoo
• Daayey maanso gebigeed
• Balse lagama daaloo
•Dani seeto weeyee
•Iga goysay dabarkoo
•Deyrkaan ku hoos jiray
• Debeddawga soo baxay.

• Maahmaah da’ weyn baa
• Dulucdeedu ay tidhi:
• Dani waa ma dhaafaan
•Oo lama dayaci karo
• Waxaan uga dan leeyahay;

• Dareenkaygu jeerkaas
• Maankaygu ii diid
• Anna doorkay Gaashaan
• U daruuray Yeebaash*

• Igamana degaysoo
• Dacartay dhankaygana
• Uga darantay igu yidhi

• Dood waxaan wadaagnaba
• Soo dabac go’aankay
• Ka dib soo durduriyoo
• Daabax adhi sidiisii
• Soo daldaliyay jiiftada
• Sida daad u soo rogay
• Sidaa ceelka dooxana
• Durduurtiisa soo shubay
• Lingaxoo daboolnaa
• Dal-dalool kasoo baxe
• Dalluuntana markay tahay
• Dawlis baan adeegsadey

• Dantaydiyo ujeeddada
• Ubucdeeda doogtiyo
• Dulucdeyda Qalinloow*
• Aan u dego bartay taal

• Dunidani dhamaanteed
• Baalleeyda duushiyo
• Dabbaabaad kuwaas orod
• Uu u doorey Mawluhu
• Dadka iyo wixii nool
• Eebbaa diyaarshoo
• isku dariska noolaha
• abuur dood laheynbuu
• ku jirsiiyey dunidee
• Daahir uba ogsoonow

• Aan hoos u soo dego
• Soo durkoon ujeeddada
• Dacalkeeda kaalayo
• Duruus waxaad taqaanee
• Ku daabacan kitaabbada
• Daliilkiyo iskugu jira
• Falsafaad daraasaad
• Waxa daahan lagu furo
• Duudduub dhammaantood
• Diimahan adduunyada
• Kala duwan dhammaanee
• Dacallada ku faafee
• Duul waliba keligiis
• Ku doodaayoo gaarkiis
• Taayadaa lasoo direy
• Dariiqii saxnaa iyo
• Diin weeye kaamila
• Doc kalena ay joogaan
• Kuwo diidey Eebboo
• Dafiraaya gebigiis
• Waxa marag ma doontaa
• Waxyigii kusoo degay
• Daacigii arladan gebi
• Nabi maxamedkii digay (Scw)
• Inoo diidey naartee
• Furqaanteenan dahabkaa
• Islaam kuba dedaalee
• Ku dabaqay adduunyadan
• Diinteenan mudantaa
• Inay tahay dariiqiyo
• Tii lagu degaayee
• Fardowzada diyaarkaa
• Duuduubka lagu galo

• Aan hoos u soo dego
• Soo durkoon ujeeddada
• Dacalkeeda kaalayo

• Dar Ilaahay ruuxii
• Dadkiisaba dhamaantood
• Deris wuxuu ku dhaamiyo
• Duruus wuxu yaqaannana
• Ugu deeqa idilkood
• Waxa marag ma doontaa
• Dabcigii Anbiyadiyo
• Dardaarankii rasuulkeen
• Dariiqii asxaabtiyo
• Dawgoodii inay tahay
• Adiguna danaysoo
• Ajarkana daldala oo
• Noqo daaci khayr qaba

• Doobabkiyo caruurtiyo
• Waayeel rag iyo dumar
• Dhalinyarta da’daydaay
• Dabuubtaydan iga maqal
• Duuboo kusii dhaqan
• Faraqana ku daabaco

• Dunidani siday tahay
• Daarahaa ku joogiyo
• Doonyahaa dhexmarayiyo
• Duunyada la haystiyo
• Dirayskaa xariirtiyo
• Dahabkaba isugu jira
• Dalmaroow ba gebigood
• Waa la duubayaa garo
• Lays duugayaa garo

• Wakhtiguna dorraatiyo
• Maantiyo dirkeediyo
• Berridaa dambeysuu
• Dariiqeeda raacaa

• Daqiiqado sidooduu
• Sannadkii degdegayaa

• Duunyo weeye sabankani
• Aakhiro u durugee
• Danbiyada wixii tegay
• Kuwo daw kusoo jira
• Tawbad ula diyaar noqo

• Dulaabtaay warkaygani
• Aduu kuu dan leeyee
• Maskaxdiin ku daabaca

• Eebbeheen daliil buu
• Usoo direy rasuulkeen
• Inuu yahay diraagii
• Anbiyada dirkoodii
• Kii ugu dambeeyee
• Dabadii mid kale jirin

• Ayaadkaa soo degay
• Markay duni yimaadeen
• Wuu dardaarmay Nabigeen SCW.
• Ka hor duugistiisoo
• Daaciyada adduunyada
• Diintani barteedii
• Geynaaya dacallada
• Daalib adiga weeyee
• Ha dayicin xilkaagaa

• Gebogebada deelkay
• Waxay tahay dabuubtay
• Aan kula dardaarmee

• Ha dulmiyin masaakiin
• Ha dulleysan qayrkaa
• Khayrkana ha dacal marin
• Daacad iyo ahow ruux
• Xaqa kuba digriya oo
• Runta loogu dawgalay
• Dalkaagana ilaashoo
• Ka jir dayro iyo ceeb
• Gaalkana la doodoo
• Xadiisyada daliishoo
• Daadafee afkaartuu
• Adduunyada ku degi rabo.

• Dugsiyada qur’aankana
• Kuwa maanta dabadeed
• Dabka looga qaadiyo
• Dhallaankana duruustiyo
• Diintooda barayaa
• Daalib adiga weeyaan

• Da’da ereygu socotoo
• Ila durugtay haatane
• Waxa aan kusoo dabi

• Soomaalaay dadnimadii
• Isku soo dabbaaloo
• Dulmigana ka dhiidhiya
• Danaheenna guudkaa
• Haw dulleyn mid gaaroo:
• Yuu goblamin dalkeennuye
• Dib haloo xisaabtamo.

1* Yaxye cali cabdi( yaxye yeebaash)
2* Cabdiqaadir qalinle

Maanso: bahda jiiftada-

magaca:- Daliil-raac

Curiye: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid

 

SHEEKOOYIN