Maanso: Dhiganaha Gacal iyo Gayaan W/C:- Farax Sh. Cabdirisaaq {Zedra Sheikh}

Maanso: Dhiganaha Gacal iyo Gayaan

Zedra Sheekh

waa maanso gorfeyn ah oo aan ku soo koobayo, waxtarka dhiganaha GACAL YO GAYAAN ee uu qoray, laashin, qoraa: Xasan Cabdulle Calasow Shiribmaal. Erayada curinta maansadaan wadata magaca buugga Gacal iyo Gayaan waa; mahadcelinta iyo hibaynta hadyadda qaaliga ah ee uu maankiisa iyo maskaxdiisa ka curiyey qoruhu. Waa maanso kooban, balse si guud aan ugu dulmarayo dhigaalka aayaha leh ee dhex-ceegaaga dhiganaha. Maansada magaceeda waxa la yiraahdaa GACAL IYO GAYAAN ee ka bogasho wacan:

Kalgacayl godladay
Goortaad qortee

Garashada qurxoon
Gayigiyo arlada
Gaadhsiisay baan
Gallad iyo wanaag
Ku guddoomayoo
Samahaad gashee
Dhaqan guun ahaa
Ku gardaadisiyo
Guurkiyo hiddaha
Tala gaadha waan
Garab taaganahay!

Garashada caqliga
Guullaa baxshee
Inaad geesi tood
Samir gaaxisood
Welibana gob-tahay
Xasanoow gartaye
Hambalyiyo guddoon
.

Guushaad qortiyo
Buuggaad gayaan
U gaclootayeed
Gobo’diisu tahay
Gu’yaal hore sidii
Laysu guursan jiray
Ee geed hadh wayn
Guurtidu inteey
Gogol iyo xariir
Geesaha dhigtaan
Gacal-tooyo xidid
La gorfayn jiree
Gololada qurxoon
Geel laga baxshiyo

Faras iyo gayaan
Laga gayn jiree
Gabay laga tirshiyo 
Geeraar lahaa!.

Dulucdooda guud
Guubaabisoo
Goobaha cishqiga
Giddigood adaa
Murti aan gudhayn
Ku galaalayoo
Anna goonideey
GACAL IYO GAYAAN
Galabtaan akhriyay
Gam’ay xiisahoo
Gar Allee xiskaa
Kaa gaysan yidhi.

Afartaa giraan
Gaashaan wadiyo
Godka maansadiyo
Orodkiyo guclada
Googoos u daa.

Gundhiyee mar kale
Wuxu yahay go’aan!

Gad-gaddoon dhaciyo
Calaf soo gudaa
Laba rays gogladay
Intuu kala dhex galo
Midi gaabiyaa
Gafna waa dhacaa 
Goor iyo ayaan.

Dadna laba gudboon
Danta kala gashee
Gurac yeelatiyo
Gebiyada ku xidhan
Siday uga gudbaan
U gorfaysayoo
Calasoow gaddaad
Ugunaanaddiyo
Guradaad dhistiyo

Gibishaad xidhiyo
Sheekadu garaad
Diiwaan gashaye.

Nin abaal galoo
Isna loo gudiyo
Waxaad tahay gabood
Garab laga dhigtee
Kuma gabo wakhtigu!.

W/C:- Farax Sh. Cabdirisaaq {Zedra Sheikh}

SHEEKOOYIN