“MAAWEEL” Baalal tira yar, balse, tayo badan W/Q: Aw Cabdiqani Xasan Muxumed

“MAAWEEL” Baalal tira yar, balse, tayo badan.

Wiilo Daahir Xasan waxay ku curatay dhigane loo bixiyey: “Maaweel” kuna saabsan suugaanta carruurta, gaar ahaan saddexda goobood ee carrab-jalaqada, googgaalaysiga iyo sheeka-xariirrada. Tayada murtida ay halkaan iskugu keentayna waxaa u dhigma habka ay u qortay oo igala mudan buugaagtii la haybta ahaa ee aan arki jiray.

Cilmiga si loo barto waxa uu qofku u baahan yahay; in uu afyaqaan yahay, si loo sii gudbiyo cilmiga la bartayna waxa ay u baahan tahay aftahannimo (Aw Cabdiqani, b. 125). Labadaas qodob buuggani wuxuu ku daariyey af fudud oo weliba nuxurkiisa la soo koobay.

Marka ugu horreysa magaca buugga oo su’aal igu dhaliyey ayaan raadraacay ujeedkiisa, waana meesha aan ka helay faa’iidada koowaad. Erayga: “Maaweel” durba igama daaddegin, balse, baaris kaddib waxaa ii soo baxday aragtida af-aqoollo (linguists) qaba in uu eraygani ka yimid maaŋweel oo ka kooban “maan + weel” deegaannada qaarna ay dhab u muujiyaan shibbanaha N oo sanqa-ka-yeer ah. Sida uu qabo buugga “Abtirsiinta Erayga Af-soomaaliga” xilliyada habeenkii inta ay cuntadu ka bislaanayso ayaa ilmaha lagu sabaaliyaa sheekooyin maaneed si aanay uga hurdin cuntada dabka saaran. Waa war maan weelin ah oo lagu sugayo weelka cuntada. Haddaba kolka eraygaas lab loo ekeysiiyo wuxuu noqonayaa “maanweel” kolka dheddig laga dhigana waa: “maanweelo”. Inkasta oo uu yahay magac ragga loola bixi jiray haddana waxaad mooddaa in uu awaaruhu qariyey, balse, Wiilo ayaa markan sidii dayaxa u muujisay.

Labada cutub ee aad ii soo jiitay waa googgaalaha iyo carrab-jalaqada oo ilmaha ugu jira door ka korinaya maangaabninada, afgaroocnimada, shigshigga, carrab-dalabka iwm. Bal adiguba isku day in aad saddex jeer ku celceliso “Waligaa waayeel ma maaweelisay” (Wiilo, b. 37). In aad laba jeer sixi weyday ayey u badan tahay, balse, boqollaal taas ka adag ayaa carruurta dhexdooda tiil, si aanan loogu maadsanna cunug kastaa waa uu ku qasbanaa in uu si qumman u yiraa.

Marka aan doc kale ka soo marnana, in aanay ilmuhu hadalka ku mergan ama shigshigin, erayada adagna ay si hufan ugu dhawaaqaan ayey suugaantani xaqiijin jirtay, waana dugsi uu soo maro qof kasta oo reer miyi ah. Xagga aqoonta casriga ah, googgaalaysiga iyo weedhaha.

Maldahan waa mid ka mid ah halbeegyada ay adeegsadaan culimada cilmi-nafsigu marka ay baarayaan kobaca garaadka ilmaha iyaga oo ku salaynaya filashada hadba heerka ilmaha facooda ah. Taas ujeedkeedu waa in adeegsiga suugaantani uu aad u baritaaro hal-abuurka ilmaha.

Xirmada hoose waa in yar oo aan horudhaca buugga ka soo bogdooxay. Waa tilmaan aan jeclaystay sida ay qoraayaddu daryeelayaasha ilmaha ugu hagayso ka faa’iidaysiga buugga.

Sida loo adeegsado buugga:

Haddii aad tahay bare, waalid ama caawiye, ilmuhu wuxuu kaaga baahan yahay inaad ku hagto sida looga faa’iidaysto suugaantaan. Halkan waxaa ah afar qodob oo aad u raaci karto hagitaanka ilmaha.

  1. Googgaale ama carrab-jalaqa kasta waxaa ku jira eraya kooban. Marka hore ilmaha bar ujeedka erayadaas.
  2. Hubi in uu yaqaan eray kasta iyo weliba ujeedka guud ee weedha.
  3. Erayada carrab-jalaqada ah, u sheeg in uu eraygiiba dhowr jeer ku celceliyo. Kaddibna si aayar ah ha u kordhiyo dhihidda weedha oo idil.
  4. Marka uu intaas oo dhan maareeyo kaddib, weyddii in uu ilmuhu curin karo googgaale ama carrab-jalaqo cusub. Tani waxay kuu xaqiijinaysaa in uu arrinka dhab u bartay.

Xagga sheekooyinka, buuggan waxaa lagu ururiyey murti farriin wanaagsan wada gudbinaysa, mid kastana dhammaadkeeda waxaa la raaciyey dulucda sheekada oo ah qodobbo lagu soo koobay waxa sheekada laga baranayo. Wiilo Daahir Xasan, waxaan si gaar ah ugu ammaanayaa habka waxbarasho ee ay buugga u qortay oo ah farsamo ku cusub tebinta suugaanta qoran ee carruurta.

Marka aan ku salaynno murtida caalimkii Islaamka ee ahayd: “La cayaar ilmahaaga todoba sano, edbi todoba sano, la saaxiib todoba sano, dabadeedna hortiisa ka wareeg” (Al-Naabulsi).

2013), buuggani wuxuu u dhexeeya labada da’ ee midna la yiri ha lala ciyaaro midna ha la edbiyo. Toosinta anshaxuna waa iridda waxbarashada, murtida halkaan ku jirtaana waxay noo daboolaysaa labadaas baahiyood. Aragtidayda waxaan ku soo afxirayaa; kani waa buug anfacaya ilmaha, waalidka, baraha iyo weliba qoraaga doonaya in uu ka ilqaato farshaxanka tebinta suugaanta carruurta.

Tixraac:

Asmervik ,Ogden & Rygvold. 1999. Barn med behov av särskilt stöd. Oslo.

Maxamad Saciid Mursi. 2004. Fannu tarbiyatul awlaad fil islaam. Qaahira

Aw Cabdiqani Xasan Muxumed. 2020. Ababinta Toosan. StocholmWiilo Daahir Xasan. 2020. Maaweel. Muqdisho

W/Q: Aw Cabdiqani Xasan Muxumed

Imeyl: gababdigani@gmail.com

NAGA LA SOO XIRIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.