Macallimadda (Ruwaayad) Qore, Neil Simon

Macallimadda (Ruwaayad)

Qore, Neil Simon

Afeef:Waa markii iigu horreysay ee aan qoraal suugaan ah afceliyo, kolkaa waa marag ma doonto, in aanan waayaynin galdaloolo iyo dhaliilo.

Hordhac

Ruwaayaddani, waxa ay ku salaysan tahay, sheeko gaaban oo uu qoray Anton Chekhov. Waana hal jiliin, iyo hal dhacdo. Howshaydu waa afcelin kaliya, faaqidaadda dulucda iyo farriinta ruwaayadda waxa aan u dhaafayaa akhristayaasha.

Magaca:ruwaayaddu waa (The Governess) aan ku macneeyay Macallimadda. Ereygu macnihiisu waa qof bare ah, gaar ahaan haweeney macallimad ah oo ku nool guriga carruurta ay wax barto.

Jilaayaasha: Mistressoo aan u bixiyay Shariifo; magac aan is lee yahay macne ahaan wuu u dhigmaa ama u dhaw yahay. Julia iyo labada cunug ba waxa aan magcahooda u qoray sida ay u dhignaayeen.

Bilaw…

 Shariifo: Julia! (Mar kale bay wacaysaa) Julia!

[Macallimad yar, Julia, ayaa degdeg soo galaysa. Waxa ay joogsanaysaa miiska hortiisa, wayna dugeysaa.]

Julia(Madaxa oo hooseeya). Haa, marwo?

Shariifo: Isoo eeg, cunugyahay. Madaxaaga kor u qaad. Waxa aan jecelahay in aan indhahaaga arko, marka aan kula hadlayo.

Julia: (Madaxeeda ayay kor u qaadaysaa). Haa, marwo. (Laakiin madaxeedu waxa uu leeyahay caado ah in uu tartiib hoos aado mar walba.)

Shariifo: Sidee bay carruurtu ku yihiin casharradooda Faransiiska?

Julia: Waa carruur aad xariifiin u ah, marwo.

Shariifo:Indhaha kor… waa xarifiin, ayaad tiri. Hagaag, maxaa diidaya? Xisaabtana? Xisaabta waa ay ku wanaagsan yihiin, ayaan malaynayaa?

JuliaHaa, marwo. Gaar ahaan Vanya.

Shariifo: Hubaal. Waan ogaa. Waan ku talaxtagay xisaabta. Hooyadii ayuu ka dhaxlay, miyayna kula ahayn?

Julia: Haa, marwo.

Shariifo: Madaxa kor… (Madaxa ayay kor u qaadaysaa.) Waa tahay.  Qaali, haka baqan in aad dadka indhaha ka eegto. Haddii aad isu maleyso in aad liidato, waa sida dhabta ah ay dadku kuu la dhaqmayaan.

Julia: Haa, marwo.

Shariifo: Gabar deggan. Miyaadan ahayn?… Bal hadaba, aynu dejino xisaabaheena. Waxaan maleynayaa in aad lacag u baahan tahay, inkasta oo aad marnaba i weydiisan. Aynu aragnee, waxa aynu ku heshiinay soddon Rublesbishiiba, miyaysan ahayn?

Julia(iyada oo yaaban). Afartan, marwo.

Shariifo:Maya, maya, soddon. Meel baan ku qoray. (Waxa ay tilmaamaysaa buug) Markasta macallimiinta waxaan siin jiray soddon… Yaa kuu sheegay afartan?

JuliaAdiga, marwo. Qof kale kalama hadlo arrin lacag quseysa.

ShariifoSuurtagal ma ahan. Waxaa dhacda inaad malaysay in aad maqashay afartan, marka aan dhahay soddon. Haddii aad madaxaaga kor u qaadi lahayd, marnaba ma dhacdeen taa. Isoo eeg mar kale, waxaan u dhahayaa si cad. Soddon Rubles bishiiba.

Julia: [Waa sidaa] Haddii aad sidaa dhahday, marwo.

Shariifo: Hagaagsan. Waa soddon bishiiba… Hadaba, halkaan waxa aad joogtay laba bilood.

Julia: Laba bilood iyo shan beri.

Shariifo: Maya, maya. Hubanti Laba bilood. Waan qoray. Sidayda oo kale, waa in aad samaysataa buug, si aysan u dhicin isku-raacid la’aantan oo kale. Sidaa darteed – waa laba bilood oo middiiba tahay soddon Rubles… waxa ay noqobaysaa lixdan Rubles. Sax?

Julia(Way dugaysaa). Haa, marwo. Waad mahadsan tahay, marwo.

Shariifo: Waxaad ka goysaa sagaal Axadood… waynu isku raacnay in aan Axaddaha ka goyno, miyaynan ahayn?

Julia: Maya, marwo.

Shariifo: Indhaha! Indhaha!… hubaal weynu yeellay. Markasta Axadaha waan ka goyn jiray. Iskuma dhibi jirin in aan meel ku qoro, waayo markasta ayaan sameeyaa. Miyaadan xusuusan markii aan ku dhahay weynu ka goynaynaa Axadaha?

Julia: Maya, marwo.

Shariifo: Fikir.

Julia(Way fikireysaa). Maya, marwo.

Shariifo: Ma aadan fikireyn. Indhahaagu way amakaagsanaayeen. Toos u soo eeg wajigayga, si adagna u fiiri… miyaad xusuusataa hadda?

Julia: (Si fudud) Haa, marwo.

ShariifoJulia, kuma maqal.

Julia: (Cod sarreeya) Haa, marwo.

Shariifo: Wanaag. In aad xasuusato waan hubay… Iyo saddexdii fasax. Sax?

Julia: Labo, marwo. Ciiddii Miilaadka iyo Dhalashadii Sannadka.

Shariifo: Iyo dhalashadaada. Waa saddex.

Julia: Dhalashadayda waan sameeyay, marwo.

Shariifo: Miyaad yeeshay? Ma loo baahnayn. Macallimiintaydu abid dhalasho ma aysan samaysan…

Julia: Laakiin waan samaystay, marwo.

Shariifo: Balse weydiintu taa ma ahan, Julia. Hadda waxa aynu ka hadlaynaa arrimo lacageed. Si kastaba, waxa aan xisaabinayaa laba fasax haddii aad ku adkaysanayso… miyaad ku adkaysanaysaa?

Julia: Laakiin waan sameeyay, marwo.

Shariifo: Markaa waad ku adkaysanaysaa.

Julia: Maya, marwo.

Shariifo: Wanaag badan. Waa saddex fasax; sidaa darteed waxa aynu ka goynaynaa laba iyo toban Rubles. Intaa ka dib, Kolyayariisow waxa uu xanuunsanaa afar beri, wax casharro ahna ma aysan jirin.

Julia: Laakiin Vanya ayaan casharro siiyay.

Shariifo: Run. Laakiin waxa aan shaqada kuu siiyay, in aad laba carruur ah wax barto, ma ahayn hal kaliya. Shaqo aad bar qabatay, miyaan ku siiyaa lacag dhamaystiran?

Julia: Maya, marwo.

Shariifo: Sidaa ayaynu uga goynaynaa… saddex beri buu saygaygu ku siiyay ogolaansho ah in aadan shaqayn qadada ka dib, oo ilig baad ka xanuunsanaysay. Sax?

JuliaTobanka ka dib. Waan shaqaynayay ilaa tobanka.

Shariifo: (Buugga ayay eegeysaa) waan hayaa “Qadada ka dib ma qaban wax shaqo ah.” Waxa aynu qadaynay toddobada ilaa siddeeda, ee tobanka ma aysan ahayn, sax?

JuliaHaa, marwo. Laakiin aniga…

Shariifo: Waa toddobo Rublesoo kale… laba iyo toban u gee toddobo waa sagaal iyo toban… ka goo… waxa ay noqonaysaa… kow iyo afartan Rubles… sax?

JuliaHaa, marwo. Mahadsanid, marwo.

Shariifo: Haddana, afartii Janaayo waxaad jabisay bakeeri iyo saysar, ma run baa?

Julia: Saysar kaliya, marwo.

Shariifo: Saysar la’aan bakeeri Maxuu ku taran yahay, yaah?… waa laba Rubles. Saysarku dhaxal buu ahaa. Qiimo badan buu ku kacayay, balse iska dhaaf. Waan caadaystay in aan u dulqaato qasaarooyinka.

Julia: Waad mahadsan tahay, marwo.

Shariifo: Haddana, sagaalkii Janaayo, Kolyain uu geed ka booday baa shaarkii ka jeexmay.

Julia: Laakiin waan u diiday in uu sidaa sameeyo, marwo.

Shariifo: Laakiin kuma uusan dhagaysan, miyuu yeelay?… Toban Rubles… Afar iyo tobanka Janaayo, Vanyaayaa kabihii laga xaday…

Julia:Adeegtada ayaa xadday, marwo. Adiga ayaana cayriyay.

Shariifo: Laakiin lacag fiican baad ku qaadataa, in aad wax walba ilaaliso. Waxaan kuu sheegay kulankeenii ugu horreeyay. Laga yaabee in aadan dhagaysanaynin. Miyaad dhagaysanaysay maalinkaa, Julia, ama maankaagu waxa uu jiray daruuraha?

Julia: Haa, marwo.

Shariifo: Haa, daruuraha ayuu jiray maankaagu?

Julia:Maya, marwo. Waan ku dhagaysanyay.

Shariifo: Gabar wanaagsan. Kolkaa, waxa ay ka dhigan tahay shan Rublesoo kale in ay ku daysay. (Buugga ayay eegeysaa)… Alla haa… lix iyo tobankii Janaayo waxaan ku siiyay toban Rubles.

Julia: Ima aadan siin.

Shariifo: Laakiin way ii qoran tahay. Haddii aan ku siin, maxaan u qortay?

Julia: Ma garanayo, marwo.

Shariifo: Taasi warcelin lagu qanco ma ahan, Julia… maxaan u qortay in aan ku siiyay toban Rubles, haddii aysan dhab ahayn in aan ku siiyay, yaah?… Jawaab ma lahan miyaa?… markaa waxa ay noqonaysaa in aan ku siiyay, miyaanan ku siin?

JuliaHaa, marwo. Haddii aad sidaa dhahayso, marwo.

Shariifo: Hagaag, hubanti sidaa baan dhahay. Waa halka aan ugu socday hadalkan yar. In aan arrimahaa caddeyno… kow iyo afartan waxa aad ka goysaa toddobo iyo labaatan, waxa ay noqonaysaa… Afar iyo toban, sax?

Julia: Haa, marwo. (Way sii jeesanaysaa, iyada oo si hoose u ooyaysa.)

Shariifo: Waa maxay? Ilin? Miyaad ooyaysaa? Maxaanan ku farxad galin, Julia? Ii sheeg fadlan. Waan ka xanuunsanayaa in aan kugu arko sidan. Waan u nugulahay ilmada. Waa maxay?

Julia: Sida aan u imi halkan, hal mar kaliya baa lacag la i siiyay, waxa uuna ahaa saygaaga. Dhalashadydii buu i siiyay saddex Rubles.

Shariifo: Oo run ah? Buugga ku ma qorna. Hadda baan qorayaa. (Buugga ayay ku qoraysaa.) Saddex Rubles. Ku Mahadsanid sheegiddaada. Mararka qaar waan ka debecsanahay dhanka xisaabaadkayga… had iyo goor aniga oo is-hoosaasinaya. Hadaba, saddex kale baynu ka goynaynaa afar iyo toban… waa kow iyo toban… ma doonaysaa in aad hubiso shaxdayda?

Julia: Loo ma baahna, marwo.

ShariifoMarkan waynu salaynay. Qaali, waa kan mushaharkaagii labada bilood. Kow iyo toban Rubles. (Shilimaan rasaysan ayay miiska dul saaraysaa.) Tiri.

Julia: Loo ma baahna, marwo.

Shariifo: Kaalay, kaalay. Xisaabteena aynu hagaajino. Tiri.

Julia: (Cagajiid ayay u tirinaysaa). Kow, labo, saddex, afar, shan, lix, toddobo, siddeed, sagaal, toban…? Waa toban uun, marwo?

Shariifo: Miyaad hubtaa? Waxaa suuragal ah in aad mid ridday… dhulka ka eeg; inuu shilin yaalo fiiri.

Julia: Waxba ma ridin, marwo. Waan hubaa.

Shariifo: Hagaag, miiskayganna ma saarna, waanan hubaa in aan ku siiyay kow iyo toban Rubles. Ka eeg dhulka.

Julia: Waa si fiican, marwo. TobanRublesma xuma.

Shariifo: Hagaag, tobankaa qaado hadda. Haddii aynu dhulka ka heli weyno, bisha xigta baynu markale ka wada hadli doonnaa.

Julia: Haye, marwo. Mahadsanid, marwo. Aad baad u naxariis badan tahay, marwo. (Way dugeysaa ka dibna baxaysaa.)

Shariifo: Julia! (Juliaway joogsanaysaa, soo na jeedsanaysaa.) Bal halkaan kaalay. (Miiska ayay gudbaysaa, haddana dugeysaa.) Maxaad iigu mahad celisay?

JuliaLacagta darteed, marwo.

Shariifo: Lacagta darteed? Laakiin miyaadan fahmayn waxa aan sameeyay? Waan ku qiyaamay… oon ku dhacay! Wax sidaa ah buugayga kuma aysan dhignayn. Wax kasta oo maskaxdayda ku soo dhaca, ayaan ka dhisay. Intii aan ku siin lahaa siddeetanka Rublesaad igu lahayd, toban kaliya ayaan ku siiyay. Run ahaan, waan ku xaday, weli na waad ii mahad celinaysaa… sabab?

Julia: Meelaha kale ee aan ka soo shaqeeyay, waxba ima aysan siin jirin.

Shariifo: Marka waxa ay ku qiyaamayn jireen, mid ka daran ta aan kugu dhigay… waan kula kaftmayay. Waxa uu ahaa cashar cadaawe ah oo aan wax kugu barayay. Si fudud ayaad wax u rumeysataa, Adduunkuna aad ayuu qatar u yahay… waxaan ku siinayaa siddeetan Rubles, oo dhan. (Waxa ay u dhiibaysaa bashqad) Adiga ayaa leh. Inta kale bashqadda ayay ku jirtaa. Waa tan, qaado.

JuliaSida aad doonto, marwo. (Way dugaysaa, wayna baxaysaa.)

Shariifo: Julia! (Juliaway joogsanaysaa.) Miyay suuragal tahay in aad loo karti darraado. Maxaadan u gadoodin? Maxaadan u hadal? Maxaadan uga qaylin hab dhaqankan caddaaladdarada iyo cadowga ah? Miyay suuragal tahay in aad daacad loo noqdo, aad maskiin u ah, sidaa – ii ogolow in aan qayaxo – sidaa damman?

Julia: (Dhoolacadeyn midda ugu daciifsan ayaa dibnaheeda ka muuqata). Haa, marwo… waa suuragal.

[Mar kale ayay dugaysaa, wayna baxaysaa. Shariifana in yar bay sii eegeysaa, wajigeeda waxaa ka muuqda irkig ba’an. Ileyskii ayaa damaya.]

 

W/T: Cabdikaafi Cismaan

Dhammaad.

 

SHEEKOOYIN