Macallinkayga wanaagsanaa!‏ WQ: Ramla Gobdoon

Ramla

Macallinkayga wanaagsanaa!‏

Waxaan moodayay, in iskoolkayga cusub uu la mid yahay, kuwii aan soo dhigtay, macallimiintuna ey waxba is dhaamin. Waxey wax walba ii kala soocmeen, subixii u horreeyay ee aan tagay iskoolka, balse, weli waxaa maskaxday ku xiran, qaabkii hore, ee aan aqiinnay, in kastoo wax walbo ey ii muuqdaan, haddane, wey adkeyd inaan isla markiiba la qabsado. Macallin kasta, oo durba garta inaan ahay arday cusub, wuu igu soo leexdaa, markaasuu i salamaa, sidii labo qofood, oo muddo is garaneysay, anna anoo yaabban ayaan ka qaadaa, ileen horey uma arkin macallin sidaas isku key bara. Waxaa la i baray, in waxa aan aqaanno aan ka cabsannin, oo aradayda iyo macallinkaba u sheego. Waa dad raba iney ogaadaan, oo ey ka faa’ideystaan intaan horey u aqaannay, xiise badanna wey ku heysaa. Islama weyna, weyna ixtiraam badanyihiin. Waxaa kale oo la i baray, in gacanta aan kor u taago, markaan rabo, inaan su’aal ka jawaabo ama aan wax sheego. Sidoo kale, waxaa la i baray, in wax walbo aan aragtideyda raacsiiyo. Waxaa la iga dhaadhiciyay, in haddii fekerkaygu noqdo, mid qilaafasan kuwa kale, aanan la baqin, oo aan xur u ahay. Jawiga sidaas ah, wuxuu shaqsiyaddeyda u baddelay, si aan caadi eheyn, waxaan noqday qof isku kalsoon, oo shaki iyo labalabeyn ka qabin, waxa uu yaqaan ama uu markaas bartay. Mar kasto, waxaa la igu celceliyaa, in aradada aan isku fasalka nahay, ey yihiin walaalahay, wiil iyo gabarna ey isku mid ii ahaadaan. Waxaa la i faray inaan xishmeeyo, dhageysto, caawiyo, oo aan shaqo wadaag noqonno, anna waan jecleystay middaas, si aad ah waliba. Katoofij, waa macallinkayga. Dadkii sida fiican ii soo dhaweeyay, ayuu ka mid yahay, waxna waa ii dhigaa, oo xisaddiisu waxey ka mid tahay, kuwa aan ugu jeclahay iskoolka. Maalintii koowaad, wuxuu ii sharxay qaabka uu cashirrada u bixiyo, wixiisa oo dhan, waa wada layli, qaar fasalkaa lagu sameeyaa, qaarna xaafadda ayaa loo qaataa. Inta sabuuradda hor istaago, wax ma sharxo, waxna inooma aqriyo. Wuu soo galaa, salaan iyo is wareysi guud ka dib, wuxuu inoo qeybiyaa cashirka, wuxuuna na amraa in shaqada aan billowno, asagana meel buu fariistaa, mar marna wuxuu ku dhexsocdaa fasalka, kii gacanta taaga, ee u , ayuu u tagaa, oo uu u soo sharxaa su’aasha ama ereyga uu fahmi waayay. Ardayga ugu dadaalka badan ee fasalka, wuu ammaanaa, kan seegseegga ahna, wuu waaniyaa. Weligey ma arag, macallin sidaas cashir u bixiya. Waxaan ogaa mid na soo hor istaaga, oo casharkoo dhan micneeya, balse, halkan waa adiga wax is bar! Waan ku wareeray markii hore. Katoofij wuu dareemay inaan la qabsan la’ahay. Wuxuu billaabay inuu i soo agfariisto, oo uu ila shaqeeyo, xoogaa rajo ah baa i gashay. Markaan wax saxo, wuu ii sacbiyaa, asagoo i leh “Fariidad baa tahay”. Intaas markaan maqlo, rajadaydu wey sii korortaa, wareerkii iyo cabsidina wey iga sii dhammaadaan. Maalmihii dambe, wuxuu arkay, inaan la qabsanaayo jawiga, ka dibm wuu joojiyay in uu agtayda imaado, markasta tan adag ayuu xujo iiga dhigaa, inaan kaligey xalliyo. Muddo markii laga soo wareegay, Katoofij iima eheyn macallin oo kaliya. Wuxuu noqday saaxiibkay, sidii gabadhiisa oo kalana, wuu iila dhaqmaa. Maalintaan murugeysanahay iyo markaan faraxsanahay, si dhaqsi ah ayuu u kala gartaa, salaanteenna iyo is macsalaameynteenna, waa hab isa siin. Diirranaanta qalbigiisa iyo naxriista ka soo burqaneyso niyaddiisa, ayaan si xoog badan u dareemaa, markaan laabtiisa ku jiro. Horumar kasta, oo aan sameeyo wuu iigu hambalyeeyaa, meelaha aan ku liito, ee u baahan in aan sare u qaadana, igama qariyo, oo wuu igu adkeeyaa sidii aan wax uga baddali lahaa. Fasalkayga waa midka uu ugu jecelyahay iskoolka. Markaan ka qebgaleynno tartammada orodka iyo banooniga, wuxuu inoo dhisaa niyadda, wuu inala joogaa, wuxuu na siiyaa talooyin ina caawin kara, labbiska ayuu naga kontaroolaa, xarigga kabaha ayuu si fiican nooga fiiriyaa, asagoo keenna uu u dabacsanyahay ama aan si fiican ugu xirneyn, u habeeya si eysan wax inoo gaarin. Katoofij wuu xanuunsaday. Iskoolka wuxuu ka maqnaa seddex maalin. Subaxi markaa tago iskoolka, qofka uga horreeya, ee iga soo hor baxo, waxaan weydiiyaa in uu Katoofij imaaday iyo in kale. Subixi afaraad, iskoolka waan u dhaqsaday, si cashir la iga rabay, oo aan habeenkii ka gaari waayay sameyntiisa u dhammeystiro. Iridda markaan ka galay, oo aan kabaha iska saaraayo, ayaan sheedda iska aragnay Katoofij, wuxuu la taagnaa asxaabtiisa, ee macallimiinta isla yihiin, wuu ka soo dhexbaxay markuu i arkay, labadeenna waan isku soo boodnay, farxad iyo xiiso aan isku qabnay darteed, ayey illin naga timid. Subax qurux badan, oo diirran ayuu ii ahaa. Iskoolka wuxiu ii yahay, guri aan leeyahay, oo dhismihiisu laga sameeyay jaceyl iyo naxriis, Katoofijna iima ahan macallin oo kaliya, wuxuu sidoo kale ii yahay, waalidkey oo dhib la’aan i dhalay. Subixii ma dhibsado markaan toosaayo, waxaan ogahay in aan u socdo, meel la iga jecelyahay, galabtii markaan ka soo tagana, waxaan dib u sii fiiriyaa dhismaha iskoolka, anigoo leh “Habeenka muu dhaqso dhammaado!”

WQ: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.