Madaxu waa tii Xaflad tagta!! W/Q M.C. Dhaaley

10672300_634722843313928_1169928553380477306_n

Madaxu waa tii Xaflad tagta!!

Guddoomiye magacaagaa la yiraa. Qolkaas Xafiis ayaa la yiraa. Kursigaasna fadhigaaga ayaa la yiraa. Kaasina Baabuur baa la yiraa oo xiim xiimta ayaa laga yeersiiyaa Xaafadahana waa lagu roorsiiyaa. Kuwaasina Istaaf ayaa la yiraa, dhexda ka soco iyagana geesaha ha fiir fiiriyeen.

Ar guddoomiye waa madaxe! Xaan qabtaa mugga? Xabadna ha qaban shaqadaadaa la yiraa. Lacag qaadana dantaadaa la yiraa. Madaxuna waa tii Xaflad tagtaa la yiraa.

 

Intaasi waa caddayntii Shaqada (Job Description)

Subixii xigay, Jiifkaan kasoo kacay anigoo ku celcelinaya (Anigu anigaa lay yiraa. Magacayga Guddoomiyaa la yiraa. Guddoomiye madax baa la yiraa. Madaxuna xay tahay? Madaxu waa tii xaflada tagta). Waxaan imid Qolkii Xafiis la lahaa. Ar bal arka waa meel nin yaqaana loo diyaariyaye. Wallee aniga i sugi meysid ee nin fadhi rabo sug. Aaway Kursigii fadhi la lahaa? Sidaan ayeey horta madaxdu u war wareegan jirtay. Cajaa’ib dheh.

 

Wax aan aqaanaba kanaa ka jira. Istaaf yaa la yiraa? Waa na kan mudane. Soo yaaca waryaada. Kam Hiyar ayuu Gaalka xanaaqsani dhihi jiraye. Horta aan kuwaan ku bar bartee ii kaadi. Waryaada ma i maqlaysaan? Haa mudane. Lugteyda iyo Lugtiina haddii ay hal Quraansho soo dhex gasho idinkaa i dilaye ogaada. Anugu balaayada layska ilaasho siday u taal ma helo koow dhaha. Ogaal la’aan inan u dhimantana ma rabo ee Lugta Lugta ii saara. Dadkuna hay arkeen inaan nin la ilaalaa ahay. Waana xanaaq fududahay haddaba ogaada. Eheey, isuma war li’in uun.

 

Mid saaxiibkaya oo sidayda loo ajaray ayaa isoo wacay (Ar soo bax Xafladaa jirtee). Waan wada tagnay. (Ar Caliyoow xay tahay meeshaanu? Xaggeen fadhiisanaa bal?) Anigaa waydiiyay sida inuu igu dhaamo. Isna wuxuu lasoo booday (Sug bal aan dadka waydiino meesha madaxdu fadhiisatee).

 

Wiil yar oo kuwa shaqaynayay ku jira ayaa gacanta naga qabtay oo

noo geeyay niman Suudad madow leh. (Goorba waa madax kale) ayaan hoos iska niri. In la had hadlo ayaa billaabatay. Makaroofanka nin baa haaya oo dadka u wacaya. Intii agteena fadhiday ee noo Dhar ekayd waa la wada wacay. (Ar Caliyoow annaga maxaa nalagu arkay oo Makaroofanka noo diiday?) Anigaa saaxiibkay si hoose u waydiiyay. Isna wuxuu iigu war celiyay (Waa nagasoo hor mareen ee berrito ayeey noo tahay. Hooyaday ba madax ma dhalin haddaanan Makaroofankaas xun fuuf ku dhihin).

Madaxdu waa tii Xaflada tagta.

 

Mohamed A. Dhaaley

SHEEKOOYIN