Madaxweyne adigu is eerso cidna ha eedin!

10417599_562304770568179_2832681553201503641_n

Madaxweyne adigu is eerso cidna ha eedin!

Qofku marka uu wax xulanayo, nolosha ama kala dooranayo hadba degalka iyo deegaanka, dadka iyo dun iyo danwadaagta, waa inuu ka fiirsadaa kuna xushaa waxay isaga mid yihiin.

Madaxweynaha ayaa hore u xushay Wasiirka koowaad, haddana waxay isku fahmi waayeen, hawlaha shaqo isagoo ku dhaliiley horumar la’aan iyo isfahan wada shaqayn la’aan.

Sidoo kale wuxuu soo xushay Wasiirkii koowaad muddo sanad ah ka dib isagoo ku soo xushay, qancinta beelaha qaar iyo raaligelinta Bulshada Caalamka, ma ahayn doorashadani mid ku saleysan, qof ay Kalsooni iyo wadaaynimo kala dhaxayso, qof ay hore usoo wada shaqeeyeen, qof uu ku yaqaanno, waddaniyad, Hawlkarnimo, Sinnaan iyo cadaalad midna ee waxaa uu ku doortey, Soomaaliyana waa ka soo shaqeeyey, waxbarashadiisu waa darajada Labaad.

Haddaba Xulashada, Madaxweynaha iyo tan Ra’iisalwasaaraha ayaa labaduba ku saleysan yihiin.

Iska guro waxaad doonto

Guno iyo xisaab qaaddo

Gacalkaaga sooryeyso

Iska gado waxaad doonto

Waxba kaama gelin guusha.

1.Dalku wuxuu u qaybsamay sidan:

2.Madaxweyne aan xeer iyo xadhig qabanin

3.Ra’iisalwasaare ku yimaad Abtirsiimo iyo aqoon la’aan

4.Wasiir beeleed xoogso oo xajiso xaalkiisu yahay

5.Xildhibaan Xaaraan daaq ah

6. Ciidan iskaa wax u qabso, Iskaa u dhimo ah

7.Dadweyne xabaashooda qodanaya oo qoslaya.

Haddaba Su’aal Soomaaliyeey.

1.Maxaa nin madaxweyne kasta uu ugu dhibaa xilalka sare ee maamulka dowladda dad aan xog ogaal u ahayn aqoon iyo xirfad ku filana u lahayn, Xafiisyada dowladda iyo jagooyinka sarsare iyada oo aan ognahay in masuuliyiinta qaarkood, ayba u shaqo tagaan, umadda dhibaateysan.

2.Miyeysan jirin, dalkana laga helayn, dad tayo aqooneed iyo aqoon leh oo Rag & Dumar, qabanna kara jagooyin had iyo goor loo magacaayo,calooshood u shaqeeystayaasha ka soo shaqo tegay dibaddaha ?

3. Soomaaliya waxaa dib u dhigay, Dambiile lacag loogu deeqayo laguna darajeeynayo damniyada iyo dibindaabyada uu dalka iyo dadka ka gelayo.

Waxaa inta badan halku dheg u ah, haddaad Shaqada ka tagto, waaneey kuugu cad Tahay,qaado lacag noloshaad inta kaag dhiman aad si wacan ugu noolan kartid.

Marka ninkaa qowlaysatada ballanqaadka intaas le’eg uu helayo, laysma weydiin adeegii bulshada, daryeelkii dhallaanta iyo hooyad, naafada iyo dadka dhibaateysan ee gaajada iyo cudurada la baaxaa degaya.

Madaxweynihii hore ee Maxamed SIyaad barre ayaa ku maahmaahay” Aqoonyahan tuugga waxaa dhaama guulwade waddaniya”

Soomaaliya maahmaah aan dunida laga maqal ayaa aad looga xiiseeyaa, “ Tuugga wax badan iga xaday waxaa iiga roon tuuga waxyar iga xadey” haddana labaduba waa tuugo, waxaa dadkeenu oggolaadeen in lagu dul noolaado iyaguna ay raali ka ahaadaan, dunida maanta uusan jirin qof qof kale ku dul nool dalkeena iyo dadkeena maahine.

Dhibane aan dhaaddanayn, iyo Hoggaan dhagaxkariye ah ayaa dhulkeena buuxa.

Aadan Cabdiqaadir Foodle(Aadan Shaka)

SHEEKOOYIN