Magaaladaydii Baan Nacay: W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse ( YamYam)

 

pizap.com14731062014321

Magaaladaydii Baan Nacay:

Magaalada Gaalkacyo ah, qof damiir leh oo og in lagu jiro qarnigii 21-aad kuma noolaan karo, qof og adduunku meeshuu marayo iyo horumarka ay gaareen dadyowga caalamku kuma noolaan karo. Magaalo sanad walba dagaal u diyaara, magaalo labo maamul-goboleed mar ay isku dagaalaan iyo mar labo qabiil oo biyaha hoostooda iska arkay isku dagaalaan u dhaxaysa bay noqotay.Gaalakacyo waxaa ka socda Filim-kii Hollywood ka ahaa ee la oran jiray” A million ways to die in the west“. Filimkaan waxaa lagu jilay

magaalo la yiraahdo Old Stump ee state-ka Arizona ee waddanka Maraykanka,sanadka laga matalayo waa 1882,waxaa looga sheekaynayaa nolosha ay reer galbeedku soo mareen iyo waxyaabo badan oo kale, Magaaladaan waxa ka jirta nolol dad ku noolaadaan tan u liidata, dadku waxa ay u dhimanayaan xanuuno la daawayn karo, gaajo iyo dadka oo la iska dilo sifo aan sharci ahayn oo xaqdaro ah.

Eeyda ayaa maydka dadka waddooyinka yaal ku cuneysa,dadkaasoo ah kuwa la iska dilay ama wax laga hortagi karo u dhintay. Atooraha filimkaan wada isagu dadka magaalada waxa uu ka horreeya boqol sano oo waa sida qof nool dhammaadkii qarnigii labaatanaad, aad buu ula yaabanyahay nolosha magaaladan ka jirta iyo dhimashada xad dhaaf ka ah.Reer Gaalkacyo filimkii bay magaca qaybta danbe badaleen, oo waxa ay ula baxeen ” A million ways to die in the Gaalkacyo”.Haddii aadan filimkas daawan  waxaan kugu soo dhawaynaynaa isagoo toos u socda, kana socda magaalada Gaalkacyo.

Filimkaas markaan waxaa wada Puntland, Galmudug iyo Alshabaab, ilaa iyo hadda cid atoore ka ah waan garan la’ahay, maadaama ay umuuqdaan inay dhammaantood ugu dambaysta iyo gebagebada filinka dhimanayaan.Atoore dhintayna waa waali cas! qof la iska dilo, dagaal laba qabiil ama laba maamul goboleed magaalada bartankeeda ku dhex mara Gaalkacyo ugu imow, dabadeed la hishiiyo markay dhintaan boqol qof ugu yaraan, sanad ka dibna waa dagaal iyo hishiis been ah, eedadiin u sheega anagay nagu ciyaarayaan.Waayadan waxaaba dheer dagaalada qaraxyo.

Bulshada Gaalkacyo waxay iska qaban la’yihiin siyaasi-xume,Oday-dhaqameed-xume iyo Ganacsade-xume dantooda wata, balaayadoo dhan iyagay kasoo bilaabataa. Ganacsade-xume waa kan ugu daran, rasaasta ay geel jiruhu isku laynayaan buu u gadaa- geel jiraha tolkiisa ah-,magaaladana waxaa u dagan afar xaas laba bakhaarna waa uu ku leeyahay,Hoobiye kugu dhac, asaga weeye wax ugu hor qaxa ama ay dhibta ugu darani gaarto. Anigu kolayba afar naagood baa tiriyee xitaa midi iima dagana Gaalkacyo, bakhaarna warkiisaba daa xitaa sandaqad iigama furna, ee ganacsadahaas oo kale baan magaalada uga tagayaa.

Qofku markuu haysto amni sidoo kale uusan ka fakarayn wixii uu cuni lahaa, qofkaasi waxbuu qabsankaraa ilaa xad hadduusan is liidin. Hadda oo aan qoraalkan qorayo labo maleeshiyo-beeleed baa isku hor fadhiya Koonfur-galbeed magaalada. Nolosha ma waxaan ku dhamaystaa geel jire islaynaya sanad walba inaan ku dhex jiro, yaxaas ha cunee, mise waxaa dhahaa “ﺃَﺭْﺽُ ﺍﻟﻠَّﻪِ ﻭَﺍﺳِﻌَﺔً ﻓَﺘُﻬَﺎﺟِﺮُﻭﺍ ﻓِﻴﻬَﺎ”. kolayba anaa og waayadan Gaalkacyo rajo laga naawili mayee, toban sano kadib ma sheegin. Meeshaan waa inaan ka dhaqaajiyaa adduunyada ilaahayna dhinac ka galaa.

 

W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse -YamYam-

Email: abdulahiyamyam@gmail.com

Gaalkacyo-Soomaaliya.

SHEEKOOYIN