Magaca “Somaali” oo meel kale ka yimid

Magaca_Soomaali-Somali_Name_Somalia_keydmedia_Online-620x330

Magaca “Somaali” oo meel kale ka yimid

Danjire Maxamed Cusman Cumar — Marka la warsado su’aasha ku saabsan, magaca “Soomaali” meesha uu ka yimid ama sida uu ku soo baxay, jawaabta dadka qaarkood ka bixiyaan waxay tahay in beryahii hore markay martida dalka timaado oo ay reer u soo martiyaan marka la fadhiisiyo.

Waxay maqli jireen in qofka loo soo martiyay ku dhawaaqaayo “Soo-maal” ka bacdina martidii caano loogu keeno weel yar ama daboolka bukurta (Haruubka) caanaha.

Micnaha “Soo-maal” markaas waxaa loola jeeday lo’da ama hasha soo maal oo caano u keen martida sharafta leh.

Iyadoo si aan shaki ku jirin loo sheego, sida la qabo, in magaca “Soomaali” uu ka yimid “Soo-maal” oo loola jeeday caanaha soo maal. Sheekada sidaan ayaan ku maqlay, hase yeeshee, runtii meelna kuma arag asigoo qoran, waase suurtowdaa in ay jiraan qoraal ku saabsan arrintaas.

Dalalka Carabta qaarkood, sida Cumaan oo kale, oo dhulalkeenna mar joogay, dhaqan ahaan, reer miyiga ayaa martida caano ku soo dhoweeya, gaar ahaan, caano geel, oo mararka qaarkood martida siiya caano lagu kar-kariyay sacfaraan oo dhadhan aad u macaan badan leh, kaddib markii ay kaxwo siiyaan.

Ibn Battuuta oo Carab ahaa una dhashay dalka Marooko oo soo booqday Xamar, ama Muqdishu, dhexbartanka Janaayo, sannadkii 1330 kama hadlin in caano lagu soo dhoweeyay inkastoo uu sheegay in “dadka deganaa magaaladda Xamar ay dhaqanaayeen xoolo fara badan, sida geel iyo ido, oo boqolaallo cunto ahaan u qalaayay maalin walba.”

“Waa dhaqanka dadka deggan magaaladaan, marka ay doonman yar-yar dekada ku soo xirtaan, dhalanyarada qaar ka mid ah mid walba waxuu keenaayaa saxan daboolan oo cunto ku jirta, waxuuna siinaaya mid ka mid ah ganacsatada la socda dooynaha, isaga oo ku dhawaaqaayo ‘Qofkaan waa martideyda’, inta kalena sidoo kale.”

Sidoo kale, Ibn Battuta markuu soo maray magaaladda Saylac waxuu ku tilmaamay inay tahay magaalo weyn oo xoolahooda yahay geel iyo ido oo caan ku ah baruurtooda.

Ibn Battuta caano in lagu soo dhoweyay meelna kuma sheegin. Kollayba buuggiisa “The Travels of IBN BATTUTA” (A.D. 1325-1354) aniga kuma arkin markuu ka hadlaayi sida weyn oo loogu soo dhoweeyay Xamar.

Haddii ay dhici lahayd in martida dalka soo booqday ay tagaan meelaha dadka deggan ay cuntadooda tahay “hilib iyo caano”, ama “cad iyo caano”, si weyn ayay uga qori lahaayeen, maxaa yeelay, dhaqanka noocaas ah waa mid ka geddisan waxa cunto ahaan looga yaqaan dunida intiisa kale. Xitaa Soomaalida qaaarkood, sida reer Banaadirka, hilib iyo caano waxay u yaqaaniin waxa cuntada lagu cuno ama “Goosaar”.

Waxaa is weydiin leh haddii martida lagu soo dhoweyn lahaa wax caano ka weyn, oo sida ay Soomaalida qaarkood jeceshahay in martidooda ay neef u qalaan, halkii ay dhihi lahaayeen “Soo-maal” at yiraahdaan “Soo qal”, Carabta maxay dalkeenna ku magacaabi lahaayeen, “Arda Soo qal”?

Dabcan, inta uu magacaas “Soomaali” jiro ma dhowa, mana hubi in warka sida aan aniga ku maqlay ama Soomaalida kale ku maqashay uu yahay sidii uu ku soo bilawday ama intuu jidka ku soo jiray wax iska beddeleen.

Ilaa hadda sida aan u bartay in magaca “Soomaali” ku yimid, sida dadka kale qaarkood ku maqleen oo ah in dadkii dalka soo booqan jiray oo markasta maqli jiray “Soo-maal” oo laga waday “saca soo maal” ama “hasha soo maal”, hase yeeshee, uga dhigay magac dalka, oo Carabtana ku wici jirtay “Arda Soomaal”.

ARDA SOMA

Runtii iguma jirin in aan arrintaan wax ka qoro, madaama ay sidaas ku hir-gashay. In kastoo aanan ogeyn waqtigii magacaas baxay, ama “Soo-maal” ama si kale haku yimaado, haddana wax iska hor-imaadka ah ama muran uu dhaliyay ma jiraan.

Hase yeeshe, anigoo aqrinaayo warbixin ay ka qortay Dawladda Militeeriga ee Soomaaliland (Military Government of the British Somaliland) Gobolada Waqooye, bishii January 1945, oo cinwaankiisa yahay “BRITISH SOMLILAND and its Tribes”, boggiisa ugu dambeeyo waxaa ku qoran sadar ka hadlaayo sida uu ku yimid magaca “SOMALI”.

Sida horey loo sheegay, magaca “Soomaali” waxuu ka yimid hadalka ah “Soo-maal”. Runtii, way suurtowdaa in ay jiraan dad horey uga warhaayay arrintaan, hase heeshee, aniga, shaqsi ahaan, waa markii iigu horeysay oo aan arko qoraal ka hadlaayo wax ka geddisan in magaca “Soomaali” ka yimid hadalka ah “soo-maal”.

Dokumentigaan oo si tifaftiran uga hadlaayo qabaailka iyo degmooyinka kala duwan boggiisa ugu dambeeyo waxaa ku qoran sadar oo si gaar ah uga hadlaayo magaca “Somali” halka uu ka yimid:

“SOMALI” – Name derived from Soma bin Tersoma Nagashi, who was a Governor of the country from Zeilah to Hafun. The Arabs called the country “ARDA SOMA (i.e. the country of Soma) and it is presumed that “li” was added after many years due to error of pronunciation.”

“SOMALI” – Magaca waxuu ka yimid Soma bin Tersoma Nagashi, oo ahaan jiray Guddoomiyaha dalka laga soo bilaabo Seylac ila Xafuun. Carabta waxay ku waci jirtay dalka “ARDA SOMA” (t.a. dalkii Soma) iyo in loo malaynaayo in xuruufaha “li” lagu kordhiyay kaddib markii sanayaal si khalad ah loogu dhawaaqi jirey.”

Illaa hadda waxaan dhihi jirnay magaca “Soomaali” waxuu ka yimid “Soo-maal”. Waxaan ku faani jiray in Soomaalida tahay ummad martida soo booqata ku soo dhoweyn jirtay caano markaas la soo maalay, ilaa martidii qaarkood ay u bixiyaan dalka magaca Soomaali iyo Carabta dhahdo “Arda Soomaal”.

Soomaalinamad aan maanta sheeganayno sidaas ayuu ku yimid, illaa hadda warka la haayo. Dabcan, dibcigeyna iyo dhaqankeenna waxay ku salaysan yihiin magacaas oo ka yimid “Soo-maal”.

Waay suurtowdaa in ay jiraan dad taariikhda qora oo ka war haaya in magaca “Somali” ka yimid qof la yiraahdo Soma bin Tersoma Nagashi oo Guddoomiye ka ahaan jiray, inkastoo aan la sheegin taariikhda, min Seylac ilaa Xafuun, sida dokumentiga qoraayo.

Xigasho; www.keydmedia.net

Danjire Maxamed Cusman Cumar,
E-Mail: mohd.osman75@gmail.com
www.ambassadorosman.com


Danjire Maxamed Cusman Cumar wuxuu ahaan jiray Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Dalalka Hindia, Siri Lanka, Singapore iyo Yugoslavia. Sidoo kale wuxuu Sanadkii 1982 ilaa 1986 ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Sudan.

SHEEKOOYIN