MAGACAY? Waxaa qoray Cali M. Diini

MAGACAY?

Halabuur (fiction)

Qore: Cali M. Diini

Waxa ay ahayd maalin ka mid ah maalmaha muudhkaygu (mood) hurdo ama aan iraahdo maalmaha aanan kala sheegi karin waxa aan ku sugan ahay iyo sida aan dareemayo. Waxa aan u jeedaa, sow ma jiraan maalin maalin aadan waxba dareemin, dareen kacsan iyo mid deggan toona; cadho ama farxad middoodna? Waxa aan filayaa in aad i fahantay.

Maalintayda oo dhan, aroortii markii aan shaqada u soo jarmaadayay ilaa duhurkan oo aan rawaxayo sidaa un baan ahaa, muudh la’aan. Markii aan shaqada dhammeeyay baan go’aansaday in aan guriga u lugeeyo oo aanan tagsi iyo bas ama tareen midna qaadan. In kasta oo cirku caddaysin buluug ah ahaa haddana kul iyo dhaxan midkoona ma dhacayn. Malaha cirka iyo maalintuna sidayda oo kale ayay muudh la’aan ahaayeen. Alleylehe haddii aan been iska dhawro waxa keliya ee maankaygu quuddarraynayay indhaguduudsiga galabnimo (afternoon nap). Intaa un baan ka fekerayay.

Balse goortii aan soo gaaray jiirada gurigeenna loogu leexdo ayaa fekrad soobooddo ahi qalaw igu soo tiri. Waxa aan kasha iska waydiiyay waxa dhici lahaa haddii waalidkay magac kale ii bixin lahaayeen. Ma sheegi karo sida fekraddaa soobooddada (random idea) ahi iigu soo dhacday. Ma ahayn wax cusub in fekrad ama arrin ama se su’aal yaab leh (strange) si kedis ah iigu soo booddo, tani se waxa ay ahayd mid lamafilaan ah, in aad magacaaga waydiin saarto. Beri dhowaydna aniga oo waddo haloosin ah baabuur ku eryaya ayaa waxaa igu soo dhacay tirada 629. Haa, waa sidaa, hal mar un baan is arkay aniga oo maankaygu ka fekerayo tirada 629. Daqiiqado ka dib waxa aan dhankayga midig uga jeeday dhisme wayn oo wajahaddiisa hore ay ku qoran tahay tirada 629. Waan la yaabay waxa isku beegay aniga oo ka fekeraya 629 iyo fooqa jidsoociisu yahay 629. Tiradaa 629 waxaa i xusuusiyay fekraddan cusub ee magacayga ku saabsan.

“Tolow maxay waalidkay ku doorteen magaca ‘Cali’?” ayaan iswaydiiyay. Ha is u malayn in aan magacayga saluugsan ahay oo aan sidaa isku waydiinayo sababta ay waalidkay iigu dooreen. Runtii magacayga ma necbi ma na jecli, waan og ahay in uu yahay magac filwayn sidaa oo kale waxa aan og ahay in uu yahay magac aan duugoobin oo ilaa waaga ubadka loo bixiyo.

Cabbaar goortii aan ka fekerayay sababta waalidkay magacayga ‘Cali’ iigu dooreen, aniga oo kasha ku haya in abtirkayga (labada dhinacba) aan laga soo helayn oday magaciisu ‘Cali’ ahaa, ayaan haddana iswaydiiyay waxa ka dhexeeya magaca qofka iyo aayaha dambe ee qofka, dabciga iyo shakhsiyadda qofka iyo su’aale kale. Ma dhici kartaa in magaca qofku uu saamayn ku yeesho shakhsiyadda iyo aayaha qofka, samaan iyo xumaan? Waxaa igu soo dhacay gabadh magaceedu ‘Farax’ ahaa iyo sidii gabadhaasi mar walba u ahayd tu faraxsan oo bashaash ah. ‘Farax’ na ma ahayn naanays ee waa magacii loogu waqlalay. Waxa kale oo aan xusuustay nin magaciisu ‘Geeddi’ ahaa kaa oo weligii aan hal gu’ idil magaalo qur ah ku negaan, sidaa oo kale na aan lix bilood goob shaqo ku hakan. Toban gu’ oo aan ninkaa aqaannay waxa uu isu maray shan dal iyo dhawr iyo toban magaalo. Geeddi markii iigu dambaysay waxa uu uu joogay Masar oo uu reerkiisi u raray, haddana maalin dhowayd waxaa la ii sheegay in uu Nairobi u guuray.

Aniga oo aan waydiimahaa warcelin u helin baan qolkayga dalaq iri, dabadeed inta aan biyo isku yaaciyay bustaha hoosgalay.

Qiyaastii soddon daqiiqo kol aan hurdayay baan dareemay culaab aad u daran. Weligayba sidaa ayaan u hurdo fududaa oo haddii aniga oo jiifa bisad qolka soo gasho ama iridda la furo deg deg baan u kacaa. Laakiin culaabta aan dareemay maanta bisad iska dhaafe xataa maroodi ka wayn. Waxa aan dareemay sidii ayada oo boqol kaare dusha iga saaran yihiin. Si taxaddar leh baan indhaha u kala furay mise noole waynidiisa aanan abidkay suuraysan balse muuq aadane leh baa i kor taagan. Naxdin baan xubinna dhaqaajin waayay. In aan boodo oo cararo ayaan maagay waan se istaagi waayay.

 “Isdeji, isdeji,” ayuu axadkii i korliqdaarnaa igu yiri.

“Maxaad ahayd? Maxaad se rabtaa?” ayaan cod argagaxsan ku waydiiyay.

Asaga oo aan ii jawaabin buu igu yiri “magacaa?”

Argagaxii iyo naxdintii baa igu sii batay. Waxa aan u maleeyay in aan dhintay waxa waynanka badan ee i dultaaganna yahay malaggii la sheegi jiray in uu qabriga saddex su’aalood meytida ku waydiiyo.

Aniga oo weli argagaxsan baan ku iri “Cali.”

“Cali! Kaasi magac ma aha ee magacaa?” ayuu yiri.

“Maxaad u la jeeddaa magac ma aha?” aniga ayaa waydiiyay.

“Waxa aan u la jeedaa ‘Cali’ ma aha magacaaga dhabta ah.”

“Sidaa ayaa waalidkay ii bixiyeen” ayaan dhahay aniga sariirta madaxeeda iga dambeeyay isku tiirinaya lugahana soo laabaya.

“Miyaad rumaysan tahay in magacaagu ‘Cali’ yahay?” ayuu i su’aalay.

“Sabab? Sow magacii waalidkay ii bixiyay ma aha?” ayaan ugu warceliyay.

“Taasi ma caddaynayso in ‘Cali’ lagu dhaho?” ayuu yiri.

“Waayahay’e magacay?” ayaan waydiiyay.

“Inta aanan taa ka jawaabin horta aan ku waydiiyee magacyada dadku la baxaan ama loo bixiyo, ama kuwa ay duunyada, dugaagga iyo geedaha ama wax walba u bixiyaan ma wax dhab ahaan sugan oo jiraa mise waa dhalanteed?”

“Ma ogi ee adigu ii sheeg” baan ku dhahay.

“Ma rumaysan tahay in ‘qurac’ yahay magac dhab ah geedaha quracduna ay magacaa isu yaqaannaan?” ayuu i waydiiyay.

“Geeduhu ma hadli karaan, sidaa awgeed ma ogaan karno in ay isu yaqaannnaan iyo in kale” ayaan ku warceliyay.

“Geelii aabbahaa waxaa ka mid ahayd hal lagu magacaabo ‘Dahab’, ma u malaynaysaa in ‘Dahab’ ay magacaa isu taqaannay?” ayuu mar kale i su’aalay.

Tolow yaa geelii aabbahay kala baray aniga oo niyadda iska leh ayaan ugu warceliyay: “Haa, waa ay isu taqaannay, waayo marka loo yeero waa ay ololi jirtay waana soo dhaqaaqi jirtay.”

“Hagaag, marka adigu ma sida neef geel ah ayaad markii ‘Cali’ laguu gu yeero u soo oloshaa?” ayuu yiri. “Maxaa farqi ah oo adiga iyo xoolaha u dhexeeya markaa?” ayuu sii dabadhigay.

“Kuma fahmin. Ma waxaad i leedahay dadka iyo xoolaha bahaahinka ah wax farqi ahi u ma dhexeeyo? Oo ma qof aan magac lahayn baa jira? Dadka oo dhani ma xoolaa?” ayaan waydiiyay aniga oo xoogaa cadho dareemaya.

“Kuma aanan oran xoolo ayaa tahay keliya magacaaga ayaan ku waydiiyay ee magacaa?” ayuu iigu jawaabay, waana uu libdhay.

Sariirtii ayaan si halhaleel ah inta uga soo booday iridda guriga deg deg u furay oo ilaa debadda sii orday aniga oo axadkii waynanka badnaa baadigoobaya kuna qaylinaya MAGACAY? MAGACAY?

Dhammaad

SHEEKOOYIN