Magacyada Soomaalida ee midabada ka soo jeeda W/Q Burhaan Cali

13140594_1110440768977628_691211215_n

Magacyada Soomaalida ee midabada ka soo jeeda.

 

Soomaalidu waagii hore magac waxay ula bixi jireen   siyaabbo badan, mid walbaana wuxuu lahaa duluc iyo ujeedo lagu saleeyo, haddaba waxaan maanta isku dayeynaa inaan bal wax ka taataabano, Magacyada midyada la halmaala.Magacyadani midabyada inta aan hadda uruurshay waa intan:

Awaare, Bootaan, boodhle, Beyle, Magad, Caynab, Barni, Sagal, Yusur, Calas,Calaso, Ciid, Gaduudo, Dhiin, Dhiimo, Galayax, Haldhaa,Maygaag, Shiil, Hurre, Hirre/Hire, Qaaje,Sugulle,Dugul,Dugulo, Hiirad , Sagal , Ashkir, Ashkiro, Caddey,Cadde, Caddaawe, Cawl, Cawlo, Xoosh, Xoosho, Carro, Caraale, Xareed, Xareedo, Baynax, Halac, Bullo,Bullaale, Casayr. Huruuse, Haybe, Tuke, Culay, Dayax, Dayaxo, Cadceed, Xamari, Xamaro, Xayle, Dhuxul, Dhuxulow, Dhuxuley. Olol, Gorod, Ciiro, Galaal, Cawsey, Kaaha. Kaahiye. Hilaac, Xidig,

 

Magacyada midabyada iyo iftiinka Afka qalaad laga soo eregsaday.

(Siraad, Faynuus, Tariig,Dahabo, Canab, , Nuur, Nuuro, Timir, Timiro, Casuur, Casuuro)

Magacyada laga soo dheegtay midabka fardaha.

 

Bullo, Bullaale, Caynab, Ashkir, Ashkiro, Xoosh, Xoosho, Qaaje waxay tilmaamayaan midabka cad.

Dhiin, Dhiimo, Xamari, Xamaro waa midabka casaanka.

Beyle oo madow tilmaamaya.

Magacyada laga soo dheegtay midabka dhulka

Awaare, Bootaan waa siigada/firada cad. Ciid, Carro waa casaan. Shiil waa madow ifaya.

 

Magacyada laga soo dheegtay dhirta.

 

Yusur, Maygaag, Magad, dhuxul,,dhuxulow, dhuxuley,Culay iyo Haybe oo tilmaamaya madow culus misana ifayana.

Timir, Timiro, Barni waa midabka maarriinka ah.

Canab iyo Cawsey oo tilmaamaya midab cas.

 

Magacyada midabada biyaha ka yimid.

Xareed, Xareedo, Calas, Calaso iyo Sagal oo tilmaamaya midab casaan xigeen.

Magacyada ilayska ka yimid

Iftin, Ileys, Dayax, Dayaxo, Cadceed, Olol, Qorax, Halac,Kaaha, Kaahiye, Cadde, Caddey, Caddaawe, Faynuus, Tiriig, Nuur, Nuuro iyo Siraad, oo tilmaamaya casaan iyo caddaan.

Magacyada laga soo dheegtay xayawaanka

Cawl, Cawlo iyo Xayle waa midab casaan xigeen.

Haldhaa, Huruuse, Tuke iyo Gorod waa midab madow.

Galaal iyo Barre waxaa loo bixiyaa wiilasha calaamad jirkooda ka muuqata lagu arko, badanaana calaamaddaasi waa madow.

Midabadan halka ay ka soo jeedaan ma helin.

Sugulle, Dugul, Dugulle, Hiirad iyo Hire oo madaw tilmaamaya.

Bulxan iyo Baynax oo caddaan tilmaamaya. Waxaan filayaa labadani inay ka soo jeedaan midabka fardaha.

intani waa dedaal aan ku bixiyey uruurinta iyo falanqeynta magacyada Afkeena iyo kuwa  kooban oo la falgalay afkeena, haddaba  wixii talo ah ee kaaga  aadan waa mid furan sidoo kale kala duwanaanshaha  Af guriyada haw qaadan haddii sidaad u taqaanay si aan ahayn loo sheegay in wax ka gedmadeen ee nala wadaag sidaad u taqaan Mahadsanidiin.

 

Burhaan Cali

SHEEKOOYIN