MAH-MAAHYO CUSUB W/C: Maryan Keynaan

 

9

MAH-MAAHYO CUSUB

 

Maahmaahyahan iyo Halkudhegyada waa kuwa ka hadlaya marxaladaha nololeed ee aadmiga, hubaal waa xigmad iyo murti tilmaameysa dhacdooyinka iyo meertada nolosha nagu gaddaaman, haddana Marwo Maryan Keynaan ayaa isu xil saartey inay bal heerkeeda aqooneed dhaqan iyo waayo aragnimo ku cabirto   waa 20 Maahmaahood oo ay curisay Marwo Maryan Keynaan, Bogasho wacan.

  1. Damac badan Dayac baa ka danbeeya
  2. Naagi ninkii aaminey nacas mooddaa
  3. Amuusnaantu Waa edebta aadmiga
  4. Intaad wax akhrisay ayaad aqoonteeda leedahay
  5. Haddii Nasiibkaagu xumaaday naftu kaama bixin
  6. Guur la qariyay Geeri ka xun
  7. Qofkaad dhibtay kaa dheeraay
  8. Farriintada kaan ku farxin faa’ido Kuuma hayo
  9. Jacaylku ma baxee Waa la kasbadaa
  10. Nin ku caayey Kuuma ceeb qarin
  11. jacayl iyo jiilaal meel walba wey joogaan
  12. Naagi ninkii neceb bey u naxariisataa
  13. Doqoni haddii la doodo dagaal bey moodda
  14. Indho waxay arkaan bay dhabeyaan
  15. Deyn qofkii kugu leh baa ku daydaya
  16. Eegmada badan is arag baa ka danbeeya
  17. Nacaybki naxariis isku baddala jacaylna noqoy
  18. Barashada badan balaayo kama maqna
  19. Geedo dhulkay ka wada baxaan laakiin isku dhirir maaha
  20. Nin naago badani naarta kaaga dhow

FG:

Maahmaahyahani waxaa  isu xilqaantey inay  ku soo darta, Halku dhegyada iyo halqabsiga Soomaaliyeed, Maryan Keynaan.

SHEEKOOYIN