Malcolm X to El-Hajj Malik El-Shabaaz.Q3AAD

220px-Malcolm-x
Qeybta…………3aad.
Dad arkaayay xariga Hinton ayaa Malcolm u soo sheegay, wuxuuna soo aaday saldhiga booliska asagoo ay la socdaan dad yar oo ka tirsan Nation of Islam, markuu dalbaday in la tuso dadka muslimiinta ah ee la soo xirana waa loo diiday, ayagana waxay si edeb leh u hor istaageen saldhiga, wax yar kadib waxaa meesha soo buuxsamay dad 500 kor u dhaafaaya, markaa ayaa Malcolm loo ogolaaday inuu soo arko Hinton, isla markiina waxaa Hinton Ambalas loogu qaaday cisbitaalka Harlem, waxaana sii raacay Malcolm, markii la soo daaweeyay oo saldhiga lagu soo celiyay, waxaa saldhaga hortiisa taagnaa dad shan kun kor u dhaafaya, markay saraakiisha ka codsadeen Malcolm inuu dadka kala diro, waxaa wax lala yaabo noqotay intuu soo istaagay saldhiga hortiisa, Malcolm asagoo aan hadlin ayuu gacanta igu tilmaamay inay meesha isaga tagaan, waxaana hadal la’aan dhaqaaqeen kooxdi ka tirsanaa Nation of Islam, dadki kalana waa iska tageen, taliyihi saldhiga ayaa joornaalka New York Amsterdam News u sheegay: “hal nin ma aheyn inuu awoodaas oo dhan yeesho” asagoo la yaabay sida ay dadku ugu dhaqaaqeen tilmaanta Malcolm oo aan afka kala hadlin, muddo bil ah gudeheedna waxaa kaamirado lagu xirtay meelaha uu Malcolm degan yahay iyo meelaha uu dadka ka wacdiyo, waxaa telefoonadiisa lagu xirtay aalad laga dhegeysto waxa uu ku hadlaayo.
Xaaskiisa Bitty Senders waxay is barteen 1955, sanadi ku xigtayna waxay ku soo biirtay Nation of Islam, si ay wax u barato ayuu Malcolm u wedi jiray meel kasta oo uu dadka ka wacdinaayo, tusaalooyinka uu Malcolm dadka u sheegi jiray waxaa ka mid ahaa: “waxaan aaminsanahay walaaltinimada qofka ama dadka oo dhan, laakiin ma aaminsani walaaltinimada qofka aan teeyda rabin, waxaan aaminsahay inaan qofka si saxa ula dhaqmo, laakiin ma rabo inaan wakhtigeeyga ku dhumiyo inaan wanaag kula dhaqmo qof aan rabin wanaageeyga” waxaa kale uu Malcolm dadka ku guubaabin jiray: “haddii aadan diyaar u ahayn inaad xurnimadaada u dhimato, erayga xornimo waxaad ka saartaa eray bixintaada” wuxuu magaciisa u beddelay Malcolm Alshabaaz iyo Malik Alshabaaz, inkastoo uu isticmaali jiray Malcolm X oo uu caan ku ahaa, waxaana u billaabatay inuu ka hadlo Raadiyoyaal iyo televisions.
1958 ayay isguursadeen Bitty Sanders oo u dhashay lix gabdhood, 1959 Nation of Islam waxay ku baaqeen inay Dugsiyo wax barasho u furi doonaan carruurtooda iyo inay dhisi doonaan jaamicad islaami ah, nin la yiraahdo Mike Wallace ayaa telefishinka ka billaabay barnaamij la yiraahdo (The hate that hate produced) oo ah (Naceybki uu abuuray Naceybka) barnaamijkaas oo uu ku wareysan jiray madaxda Nation of Islam, Malcolm ayaa la waydiiyay su’aal aheyd, dadka cad cad oo dhan inay yihiin dad xun, wuxuuna ku jawaabay: “taariikhdu waa midda ugu fiican oo bixisa abaalmarinta baaritaanka wixi la soo maray, anigana ma haayo tusaale taariikheed oo dadkaa ka dhigeysa dad wanaagsan” marki Malcolm la waydiiyay Dugsiyada ay furaayaan iyo Jaamicada Islaamiga ah, wuxuu Malcolm inkiray inay carruurta barayaan naceybka wuxuuna yiri: “carruurteena waxaa la baraa waxa carruurta cadaanka ah la baro, waxaas oo laga reebay sheekadi (Little Black Sambo) oo marki aan soo koreynay naloo dhigi jiray aniga iyo adiga, si naloogu abuuro inaan nahay dad hooseeya” marki barnaamijkaan la billaabay waxaa ururka ku soo biiray 60,000 oo qofood, waxaa laysku dayay in barnaamijka iyo Nation of Islam labadaba la baabi’iyo, laakiin Wallace ayaa ku dooday inaan la xirin dacaayadaha ay fidiyaan urur cadaan ahaa oo la dhihi jiray (the gospel of hate) meeshaasoo uu sheegay inay cadaanka koofurtu ay weli ka hadlaan naceybka dadka madoow, dadkaasoo ay ku jiraan kuwo dowlada loo doortay ama gobalka loo doortay.

 

W/D

Ahmed Hayow

SHEEKOOYIN