MANSADII: XAALMARIN QARAN. W/C: Xasan Cabdi Abtidoon

Maasadaan magaceeda waxa la yiraahdaa: “XAALMARIN QARAN” waa maanso/Jiifto ka hadlaysa dhibaatada haysata Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo madal laysku hediyo noqotay. Maansada waxa curiyay Abwaan: Xasan Cabdi Abtidoon  waa na sarbeeb abwaanku dardaaran uga dhigayo ummadda Soomaaliyeed asigoo marka hore ka dhigaya gabar uu talo siinayo, ka dibna dulucda iyo ubucda maansada daboolka ka qaadaya. maansadu waxay leedahay sidaan:

Gabar yahay xishoodkiyo
Ha ka tagin xijaabkoo
Ragga kiisa xuurkaa
Qalbigaaga yuu xadin!

Dharka xirashadiisiyo
Xarragadu qof maahee
Nin xaraasha beentoo
Runta xira ha aaminin.

Xooluhuba ma aadaan
Halka lagu xasuuqee
Toddobaadka xiisuhu
Yuusan xerada kaa ridin.

Xakamaha naf laga jaray
Xasil laga ma sugayee
Ha ku xirin dareemaha
Qofaan xaalka garan karin.

Xarfa xaanshi lagu qoray
Xisku ka ma fal celiyee
Qof xeyraansan waligaa
Xadro yuusan kuu furin.

Xusullada qof duugtoo
Ku xamaarta lawyaha
Xarig kuu ma togayee
Xaskul yaan lagaa dhigan.

Xididdada wadnaha iyo
Hankaad xero ku leedahay
Taasi waa xodxodashee
Ha xawilin horaaddada!

Saxan laba xamaaliya
Isku xagato maahide
Xilo waxaad u noqtaa
Qof xumaanta kaa jira.

Xuunshadaan kor uga kicin
Xaajo gudashadeedee
Wax xajiin ku badi kara
Xeeladeysi kaga gudub.

Maansada xulkeediyo
Xeerinteeda hadal kaba
Xerta maanta joogtaan
Xidiggooda ahayoo
Xarafkeedu ima xiro.

Xowlina ma dhiga oo
Xawaaraha ma gaabshee
Nin xilsida ayaan ahay
Abwaan xiimayaan ahay
Xareed loo bukaan ahay
Gugac dhagaha xira iyo
Biriq xoog leh baan ahay.

Caawa waxaan xasuustoo
U xannibay dareemada
Xornimadii dalkeenniyo
Maandeeq xariirleey
Habeenkaanu xulanniyo
Luulyiyo xuskeedii.

Sida xays arooryaad
Xornimadu ma soo di’in
Mana ahan xaraash iyo
Xoolo suuq la soo tubay.

Dadbaa xoolo hoodiyo
Xinjirtooda  dhaafsaday
Waana xaal gobeed iyo
Waddaniga xigtiisee
Ninna xeeshi maahee
Xilka qaranka loo siman.

Haddii dayaxu xero galo
Xiddiguhu naxuusaan
Xag Alleey ka timidoo
Xil ku saaran maahee
Rabbi xugunki weeyaan.

Halka laga xuroobaa
Xiskaa ugu sarreeysee
Sida xoolohoo kale
Yaan xero laguu dhigin!

Xamareey xasuuqiyo
Xinjiraha kan kaa dhigay
Waa ku aan xishoonnine
Innagaa ku xaal marin.

Waxaa xawda kaa jara
Dhibkaagana u xaytoo
Xagal daaca kula jecel
Xagjir aan damiir layn.

Xal waxaa u noqon xamar
Ciidan keeyga xooggoo
Si xushmadi ku laran tahay
U xanbaarta shacabkoo
Xilka qaranka aan lumin.

Xaasidnimo ma fiicnee
Ummad yahay is xididsada
Isna galiya xabadkoo
Is xaqdhoowra waa dane.

Dalka oo xuroobiyo
Si xareedda loo cabo
Kuwa xiraya qaraxyada
Soo gudbiya xogtoodoo
Ha la soo xiree sheeg.

Sida ruux ah xayraan
Iska maan xadreeyee
Afartaa xaraga si leh
Xusullada ma ugu muday.

Taariiqdii xumayd iyo
Xilliyada na soo maray
Mid haddaan ka soo xulo
Ma xiskaad ku qoran layd.

Dad xabaala xumahaa
Gobonnimo xilkeed garan
Caqli kaashta xoog baa
Xiddigaha wax gayn kara.

Garashaan xirneeyn baa
Xaajo kaa qallibantiyo
Xal mastuurki kaa lumay
Ku tiraa ha xiiqine
Xeel kale la daydayo.

Balse ruux xakama iyo
Lagu haayo xarig adag
Xagluhuna ka go’anyiin
Ma xaluulan karayaa?.

Xarafyada is daba yaal
Waxaan kuugu soo xulay
Waa xaalad taagan’e
Xal miyaad u haysaa?

Waxba yaanan xaashida
Xummaddeyda eraygiyo
Xar-xarriiqa badinnine
Aan xiro bal maansada

Xasanow su’aal weyn
Igu dhalatay xalayoo
Xiska iiga mudan baan
Kuu soo xawilayaa.

Xalaal ruuxa lagu dhalay
Ku xamdiyay Ilaaheey
Waxa xuladda naar iyo
Naftiisii xisaab bada
Ma u noqon xayeeysiis.

Soo xal celin jawaabtaa
Haddaad maya ku xiri layd
Nin xasuuqay maatada
Xeer ilaalshe guud iyo
Xafiisyada sarreeyiyo
Xil miyuu muteystaa?

Waxaan hadal ku xirayaa
Xaasid lama dhaweystee
Xuuraan walwaalkiyo
Iska jira mas xoorkoo
Xilka qaranka yuu mudan
Nacas naga xan faafshee
Jirjirroole xaw jaraa.

W/C: Xasan Cabdi Abtidoon

SHEEKOOYIN