Mar labaad inaad i legeddo mid aan kaa yeeli doono maaha W/Q: Bashiir Cali Xuseen

156585_10150852611965878_341235953_n

Mar labaad inaad i legeddo mid aan kaa yeeli doono maaha!.

Waxaad tahay gumeysi madow oo aan marnaba ii jiir naxeyn, asalka iyo magaca Soomaaliyeedna cadow u ah, maxaa yeelay waxaad xoog iyo xeelad ku heysataa qeyb ka mid ah jirkeyga, taas oo ay kuu sahleen sababteedana lahaayeen boqortooyadii ingiriiska iyo caada qaatayaal Soomaaliyeed oo weli ilmahoodii lagu tuhmayo in howshii gumeysi taageeridda aheyd ay halkoodii ka sii wadaan!.
Naceybka aad u qabto magaca Soomaaliyeed, waxaa ka marqaati kacaya xasuuqii Wagaala ee aad ku leysay in ka badan shan kun oo qof ( 5000 ) oo Soomaali ah isuguna jiray haween, carruur iyo waayeello aan dhaqaaqi karin oo qaarkood ay indha la’aayeen, taasoo ah xuma aad geysatay oo kuu keydsan.

Iyada oo godobtaasi ay meesha kuu taallo, oo aanada iyo dakanada nuucaas ihi aanay marnaba kaa hareynin, ayaad haddana iska dhaadhicisay damaca ah «Berriga hanataye baddana ku darso dad kaa difaacan kara meesha ma joogaane» taasi oo ah riyo maalmeed aan weligeed kuu rumoobi doonin.

Suura gal maaha in ay ciidamadaadu gurigeyga hor dhoobnaadaan, adiga oo i leh cadow baan kaa difaacayaa damacaaga qarsoonna uu yahay inaad qeyb ka mid ah gurigeyga aad xoog iyo xeelad ku qaadato, adiga oo si hoose u la heshiinaya caada qaate ila dhashay oo aan dareen waddaniyadeed laheyne dhuunta un wax ka maqla.
Aad iyo aad bey u xanuun badan tahay maanta oo isniin ah taariikhduna ay tahay 19ka Sebteember in aan isla fuulno maxkamad caalami ah, adiga oo igu heysta lahaanshaha biyaha ubbadeyda ku jira ee aan anigu leeyahay inaad muran gelisana ay muuq egtahay un « Ku qabso ku qadi meyside».

Haddaba go’aanka waddaniga Soomaaliyeed wuxuu yahay:- baddayda anaa iska leh, beec iyo boob midna u ma oggoli, in kiis ku saabsan baddeyda miiska la soo saarana micnaheedu waa shaarkaaga ayaan kula leeyahay, sidaa darteed Maxkamadda maanta furmeysa, haddii xataa ay dowladda Soomaaliyeed ku guuleysan weydo waddaniga soomaaliyeed waxba kama dhintaan dhulkuna bad iyo berriba waa un kiisii.
Caleenta jaadka ah oo dhowr maalmood lagaa joojiyay baad u adkeysan weyday oo ay cabaadkaagu dunida la yaabtay ee haddii aad ka hari weyso damaca waalan ee ku hagaya u diyaar garow dagaal iyo cunaqabateyn intaa ka sii badan, midka caada qaataha ah ee howshan kuu fududeeyayna waa qaran dumis ay sugeyso maxkamad sharci ah oo ay dadka soomaaliyeed ku qaadaan goor ay noqotaba, adiguna waxaan kaaga tagayaa « Horay baad ii legedday ee laabta ku sii heyso inaanan kaa yeeli doonin inaad mar labaad i legeddo!».

Bashiir Cali Xuseen
Barbaariye@hotmail.com

SHEEKOOYIN