Marwo Muna way na meteshay W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

14449785_1157475804327058_5927103994890780591_n

Marwo Muna way na meteshay

Soomaaliya waxbarashada casriga ihi way yaraha ku cusubtahay, siiba tan gabdhaha. Qixii iyo dagaalladii sokeeyey ka dib, dadku aad ayay wax u barteen. Soomaalida dibadda u baxday iyo kuwa dalka joogayba, waxay horay u mariyeen aqoontooda. Markii qurbaha la tegay, wiilasha gabdhaha ayaa uga fiicnaaday waxbarashadii iyo qaybo kale oo badan oo nolosha ka mid ah, taasina malaha waxay waalid badan ku dhiirrigelisay, in ay gabdhaha horumarintooda xoogga saaraan, waxayna meesha ka saartay, aragtidii gurracnayd ee sheegaysay, in aan gabdhuhu wiilasha maskax iyo caqliba ku gaarin.

Waalid badan oo Soomaaliyeed ayaa indhahooda ku arkay, sida gabdho badani wiilashii la jaalka ahaa uga naxariis iyo tayo bateen. Cilmi baarisyo lagu sameeyay Soomaalida dibadda tagtay, ayaa is ku raacay, in carruurta saaqidda, ee nolosha ka dhacdaa ay u badanyihiin wiilal, halka gabdhuhu inta badan ay kaalin xoog leh ka qaataan, horumarinta nafoodta, qoyskooda iyo bulshada inteeda kale.

Waxaa soo baxay dumar badan oo aqoon leh, bartayna culuumta adduunka ugu caansan, kana soo dhex muuqday hay’ado iyo ururro caalami ah.

Muna oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa dadka indhahooda wax ku tustay; aqoon waxaa ugu fiican tan aad naftaada, ehelkaada iyo dalkaada ku kaabto, Muna waxay Soomaaliya ku meteshay dacwaddii badda, ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya. Waxay ka soo muuqatay maxkamadda caddaaladda adduunka (ICJ) ee fadhigeedu yahay magaalada Heeg ee dalka Holland.

Buug waa la qaadan karaa, iskuul iyo jaamacadana waa loo kallihi karaa, ha yeeshee, aqoonta dhabta ahi waa, in ay ku geysaa kaalinta Muna oo kale.

Rag badan aya sheegta, in ay haystaan shahaadooyinka ugu sarreeya dunida, welina aan fahmin waxa dalka ka halleysan ama iyagiiba qayb ka ah dib u dhaca dalka iyo dadka ayaa buuxa. Ka darane, way is ka la qumman yihiin dumarka, haddana, mar walba dhibka iyo dhimaalka ayaa dhexda uga jira.

Dressa. Muna, waxay aqoonteeda u hurtay, in ay ku difaacdo aayatiinka ummadda. Waxay dood culus ka la hortagtay, dal iyo dad aqoon iyo dhaqaalaba aad nooga horreeya, welibana waxay dooddeedu ka cusleyd, kana caddeyd, tan ay soo dhoodhoobeen kuwa Kenya u doodayay. Muna waxay si dhab ah isugu taagtay, in ay difaacdo kheyraad ka dhexeeya Somaalida hadda nool iyo kuwa dhalan doona mustaqbalka.

Waxaa runtii wax laga xumaado ah, in gabadhaas maalmo yar magaca iyo maamuuska ummadda kor u qaadday, aan loo oggoleyn, in loo dhiibo jagada ay u qalanto, iyada oo laga faa’iidaysanayo aqoonteeda la tijaabyay, kartideeda aan aragnay iyo waddaniyadda aan daahu saarneyn, ee ay na tustay.

Dhibka ummadda wacyigooda haysta ayay ka mid tahay, in Muna aan waxba loo quurin, iyada oo la leeyahay; waa gabar, amase lugu andacoonayo beel hebel ma ahan!

Kaalinta ay Muna ciyaartay waxaa iiga soo baxay:

  1. In gabdhaha Soomaaliyeed yihiin kuwo dalka jecel, kana daacadsan ragga.
  2. In aqoonta gabdhuhu ay ka tayo iyo tamar badan tahay tan ragga, kana faa’iido badan tahay, marka laga eego xagga qoyska, carruurta iyo guud ahaan dalka iyo dadka.
  3. Horay waxaa adduunyada dhan loo ogaaday, in gabdhuhu ay yihiin kuwo ku habboon, in ay qabtaan jagooyinka la xiriira maaliyadda, maxaa yeelay, waxaa baaris lugu ogaaday, in musuqu ku yaryahay dumarka. Arrinta Munana waxay Soomaalida tuseysaa, in aqoontu tahay barasho, kartiduna tahay u dhalasho iyo kasbasho.
  4. In la xoojiyo waxbaridda gabdhaha, si aan u helno dumar badan oo noo buuxiya booska Dr. Muna oo kale.
  5. In gabdhaha Loo dhiibo jagooyinka ay u qalmaan, ragguna ay haweenka xushmeeyaan, siiyaanna waxa ay goostaan.
  6. In loo qaybsado awoodaha dawladda iyo xilalka siyaasadeed sida loo qaybsanayo dhibka, soo dhicinta xaqa ama horba loo qaybsan jiray agaasinka qoyska miyiga.

NB: Arrinta baddu weli way taagantahay, waana nalagu haystaa, oo soo ma aynaan dhacsan, kaliya waxaan ka hadlayaa sida kalsoonida, aqoonta, xirfadda iyo daljacaylka leh, ee ay Dressa. Muna u wajahday arrinta badda.

F.G: qoraalkan markii u horreysay, waxaa lagu daabacay waregyskGOBOLLADA DHEXE

W/Q:   Cabdulqaadir Cali Axmed

E-mailabdulkadiralieco@gmail.com

Facebook: Abdulkadir Ali

SHEEKOOYIN