Nabsi iyo Nacab Rageed Q1AAD W/Q: Shukri Calasow

Nabsi iyo Nacab rageed Q1AAD

Markii ay gurigeeda u soo dhawaatey Faadumo oo shaqadeedi ka timid waxay maqashey qosol aad u dheer, farxad, ciyaar iyo jawi ka duwan kii ay ku taqaannay gurigeeda. Waxay soo furtay albaabka isla jeerkaasna waxay weyddiisay waxa is beddalay ee aqalkeeda baashaalka iyo farxadda ka abuuray? Inta aysan u jawaabin ilmaheedu ayey qolkii ay iridda ka taagneyd gudihiisa ka maqshay Asalaamu Caleykum cod laciif ah oo ku leh. Waa cod aan dhagaheeda ku cusbeyn ee ayada oo indhaha hore u sii rideysa ayey ugu jawaabtay: “Wcs, waan kaa qaaday salaanta. Qofka la hadlayo waa odaygeedii Faarax oo aysan muddo dheer is arag. Way kala abaadeen. Maalmo bandanna Faarax dib uguma soo laanan reerka iyo carruurtiisaba. Faadumo waxay wayddiisay; dhowr su’aal oo is daba joog ah, waxayna ku tiri: Maxaa ku keenay? Maxaadse iigu soo sheegi waysay marka aad guriga dib ugu soo laabaneyso?

Faarax oo isku yaxyaxay gefka uu hore u geystana ka qoomameeyay ayaa cod aad u hooseeya ku yiri:  waxaan rabay in aan idin soo salaamo. Waxay u raacisay  goormaad tageysaa? Dhallaankoodii oo agtooda taagnaa ayaa yiri: hooyo hadda ayuu yimid Aabbe oo wax badan kaama soo horreyn! Faadumo waa ay is dejisay, waxayna isla markiiba maankeeda ku gunudday inaysan ilmaha hortooda ku wada hadlin, waxayna odaygeeda ka codsatay inay galaan qol ku dhegganaa halka ay isku salaameen, si ay arrimaha hoose ee reerka iyo maqnaanshiyihii odayga uga wada hadlaan.

Kolkii ay qolkooda ku gaar noqdeen ayey Faadumo ku tiri: Xaaji waa aad naga tagtay mar hore, cidlo ayaadna nooga dhaqaaqday, dhallaankaaga waxa aad ka dooratay islaan yar oo aad guursatay ee maxaa is beddelay oo aad dib noogu soo noqotay? Faarax hadalka lama gamban, wuxuu si toos ah ugu sheegay wixii keenay ee dib ugu soo celiyay gurigiisa, wuxuuna hadalkiisii ku billaabay: “Waxa isoo ceyrisay xaaskii aan idin ka raacay, meel aan aado ma aqaanno, qarash iyo lacag aan howlaheyga ku maareeyo ma heysto”.

Waxa aan xasuustaa in aan afar sano ka hor idinka dal doorsaday, isla markaana aanan dib dambe idiin soo xasuusan. Waxa aan degay magaalo idinka fog si aan buuqiinna uga nasto, balse, hadda danta ayaa ii rus sheegtay, waxaan gartay inaan gefsanaa markii hore. Waxa isoo karay dhagartii aan idiin geystay, carruurteyda xaqoodi ayaa Eebbe iga muujiyay, xaqii aad adigu laheyd ayaa iga soo baxay. Waxa aan kaa doonayaa inaad iga roonaato oo aadan ila mid noqon. Faarax wuxuu hadalkiisii garsheegadka ahaa ku soo gunaanaday:

  • Heyga goosan caawaad
  • Iga gacan sarreysaaye.

Alleylehe, gari Alleey taqaan, kuguna wiirsan maayo. Haddii maanta ley dhihi lahaa hees qaad, waxa aan marin lahaa heestii dhaheysay:

  • Amba dhamay qaraarkee
  • Waa inaad dhadhamisaa!

Sidaas kuma dhahayo, maxaa yeelay, waxa aad tahay carruurteyda aabbahood, balse, waa inaan ku wayddiiyaa su’aalo badan ka hor inta aynaan is af garan. Sidaas ayey ku warcelisay: Faadumo.

Guriga ay ku wada hadlayaan waxa aan joogin oo shaqo iyo waxbarasho ku maqan saddex dhallaanka ka mid ah oo waaweyn, xaaladdana si dhaw ula socda ahna kuwa dareemaayey amaba ay saameysay dhibaatada qoyskooda ku dhacday halka ku wa yar yar aysan fahmi Karin waxa dhacaya iyo dhibaatada gudeed ee qoyskooda heysata.

Faarax wajigiisa ayey ka muuqataa daruufta nololeed ee uu sheeganayo, wuxuu ahaa nin meel dhexaad ah qurux iyo lixaadna Illaaheey u dhaliyey midab maarrin ah oo dhalaalaaya leh, balse, hadda waa ka duwan yahay sidii uu beri u muuqan jiray, bilicsammadiisii horena waxa bar kuma taal ka dhigatay daruufta nololeed ee uu maalmahaan ba la noolaa. Waa caato in midab boor ah la mariyey la moodo, timaha iyo garku waa ay isku darsameen fool soo taagan oo aan ayaan samo werineyn iyo ilko dhaadheer ayaa kasoo haray.

Faadumo oo aan ku dareen sammeyn diifta iyo dhibaatada ka muuqata odaygeeda foolkiisaa ayaa wayddiisay maxaa kaa dhigay sidaan? Xanuunno kala duwan ayaa isugu key darsamay oo in muddo ahna i haayey. Sidaas ayuu Faarax ku aftideystay. Faadumo oo ka naxday xanuunka ku dhacay ayaa kursi dhankeeda ah ku fadhiisatay oo haddana tiri: waa maxay xanuunka ku haaya ee sidaan kuu galay? Dhiig kar ayaa igu dhacay, waxa iigu darsamay macaan (Cudurka sonkorta), waxa la sii jira subagga xididdada xirka (cholesterol). Sidaas ayuu ku jawaabay: Faarax. Eebbe ha ku caafiyo ayey si dareen sammi leh u tiri: iyada oo naxsan, Faaraxna waa uu aamiinsaday.

Faarax afar sano muddo laga joogo ayuu guursaday Fariido oo ah haweeney garoob ah, heysatana lix carruur ah oo ay dhaleen shan oday oo kala duwan. Labada waa weyn waxa dhalay hal oday, inta kale na waa kala oday. Xaaskiisa koobaad kama qarin markii uu guursanay, wuxuuna ku yiri: “Gacaliso Faadumo dooni maayo inaad guurkeyga meel kale ma qasho, balse, anaa hadda kuu sheegaya, waxa aan doonayaa inaan guursado” ujeedkeyguna uu yahay inaan wax kororsado. Faadumo ma jecleyn in odaygeeda la la wadaago, waxa ayna sammeysay wixii laga filan karay xaas lagu yiri: “Mid kale ayaan kula guursanayaa”. Faadumo waxay hadal uga billoowday warqaddeyda ii dhiib, noloshana nagu kala wad.

Faarax waa uu diiday inuu sidaasi yeelo, arrintiina waxay gaartay meel adag oo aan xal laheyn. Gurigii nabdoonaa wuxuu noqday gole colaadeed. Galaw ayaa ka qeyliyay, gees walabana wax ka soo galay dhiillo iyo is eedeyn. Faarax wuxuu hadalkiisii ku soo koobay: “Dooni maayo inaan ku furo, carruurteyda waan jeclahay, waxaanna diyaar u ahay inaan korsado oo aan waayaha adag ka la soo baxo, sidoo kale waxaan doonayaa inuu reerkeygu ii dhaqnaado oo aan gurigeygu dumin”. Ma sameynayo wax xaaran ku ah dhaqankeenna suubban iyo diinteenna xaniifka ah. Inaan afar xaas guursado waa kansho Eebbe isiisay. Awooddeeda ayaanna leeyahay ee igu addeec oo ha igu diidin. Waa hadalkii maslaxadd ahaa ee ugu dambeeyay Faarax.

Faadumo dhankeeda waa ku gacan seyrtay warkaas aan agteeda macnaha ka lahayn waxayna soo istaagtay in uu madaxeeda siiyo haddii uu carruurtiisa jecelyahayna uu wax ka korsado. Faarax oo asaguna markaan cirka maraaya ayaa yiri: I fur baad ku waalatee yaa toddobo carruur ah kugu raba? Iyada oon is waalin ayey tiri: doqon adoo kale ah oo ilmahiisi ka soo tagay oo ii koriya ma weyn doono ee nagu kala wad. Haddii aad dooneyso doqon ilmihiisii ka soo tagay, maad iska key heysatid aniga oo dhalay ayaaba kula joogaya e? Faarax ayaa sidaas ku kaftan dhableeyay. Isma uu waalin ee haddii ay arrini calawday Faarax iridka ayuu ka baxay, wuxuuna u nafis doontay xaaskiisii labaad ee uu guurkeeda ku hamminayay.

Maalintaas wixi ka dambeeyey isma salaamin is lamana hadlin. Waxaa soo dhexgalay arrintooda qaar ka mid ah qaraabadooda dhaw, kuma guuleysan inay isu soo dhaweyaan. Faarax wuxuu la colleytamay cidkasta oo soo dhex gasha sida ehelada labada dhinac, saaxibbadooda iyo waliba dariska ay weel iyo waxiis ahaayeen, Faarax wuxuu dadkii ka dhigay mid uu yiraa: dhabarka ayaad iga toogatay iyo mid uu yiraa horumarkeyga ayaad diiddan tahay, qaarna kuba tilmaamay inay ka maseyrsan yihiin. Gacanta ayaa laga wada taagay, balse, Faarax cidna uma baahan, maxaa yeelay, dhibaatadii soo gaartay wax aka booga dhayday xaaskiisa cusub ee xiisaha uu u qabo. Mar walba oo laga hadlo arrimaha hoose ee reerkiisa marwadiisa yari waxay ku tiraahdaa: “Waad ku saxan tahay inaad guursato, nin rag ah ayaa Ilaaheey kaa dhigay, afar xaas ayuunna kuu banneeyay, in aad guurka badisaa haddii aad awooddo, waa mid sunno ah.

La soco qeybta xigta, haddii Alle idmo.

W/Q: Shukri Calasow

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

 

SHEEKOOYIN